Gurmad degdeg ah Musiibada ku habsatay qoyska Soomaaliyeed ee Stockholm/sweden

Waxa habeenkii axaddii ee  26 juulay dhacday musiibo weyn oo ay ku naf waayeen 7 qof oo soomaalida reer Iswiidhan ah. Waxa ay ahaayeen hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay iyo gabadh qaraabo ah.  Geeridaas naxdinta leh waxa sababay dab qabsaday gurigii ay degenaayeen . Aasku wuxu dhici doonaa khamiista  30-07-2009,  2:da duhurnimo . Haddaba  jaaliyadaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Iswiidhan  oo ay hormood u yihiin labada masaajid ee Rinkeby ee Soomaalida iyo ururka Baddacas, waxay maanta oo ay taariikhdu ahayd 28-07-2009, soo saareen baaq ku  saabsan :
”Gurmad degdeg ah oo loo fidiyo qoyska ay musiibadu ku habsatay”

Gurmadkaas degdegga ahi waxa uu ka koobanyahay saddex guddi oo kala ah:
Guddiga  aaska iyo wixii hawl ah ee la xidhiidha
Guddiga qaabilaadda iyo dejinta martida soo gurmatay iyo
Guddiga taakulaynta qoyska iyo dhaqaale ururinta

Haddaba wixii warbixin ama taakulayn ah kala soo xidhiidh xubnahan soo socda:
Ibraahin Cismaan Buraale : 0707602502
Cabdijabbaar cumar tukaale: 0735519993
Maxamed Xirsi Axmed (M casse): 0704301404

Baaqan waxa si wada jir ah u soo saaray 17 xubnood oo wakiil ka ah:
Islamiska förbundet i Järva
ISlamiska kultur center
Rödahaver föreningen iyo
Bulshada Soomaaliyeed ee degen Stockholm

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.