Axmed-Siilaanyo oo ka hadlay xaaladiisa Caafimaad

PDF Print E-mail
Tuesday, 28 July 2009
Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u jooga daawayn nabar dhawaan ka soo gaadhay misigta bidix, ayaa ka waramay xaaladiisa caafimaad.

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inuu hadda ka soo baxay cisbitaalkii uu u galay dabiibka nabarkaas, waxaana shalay booqday saraakiil sar-sare oo ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya, kuwaas oo ay iska xog waraysteen xaaladda ay Somaliland ku sugantahay, “Caafimaadkaygu aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay, Cisbitaalkii waan ka soo baxay, si wanaagsan ayaa la ii qaabilay, oo hadda dibadda ayaan ka joogaa Cisbitaalka, waxaana la ii sameeyaa physiotherapy [duugista muruqyada] oo dhakhaatiir ayaa ii samaysa, markaas waan fiicanahay oo hadda isbedel fiican ayaa iga muuqda, laba toddobaad iyo wax ka yar inay hawshan wadaan ayaan rajaynayaa, dabadeedna aan dalkii ku soo noqdo. Xaaladda dalkana halkaas ayaan kala socdaa.”  Ayuu yidhi Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida ay tahay xaaladiisa Caafimaad.

Guddoomiyaha KULMIYE, oo sidoo kale ah murashaxa madaxweyne ee xisbigaaas, waxa la weydiiyay farriinta uu u dirayo shacabka Somaliland iyo taageerayaashiisa reer KULMIYE, waxaanu yidhi  “Ummadda waxaad iga gaadhsiisaa salaan culus, dadweynihii xisbiga KULMIYE iyo umadii kale ee Somaliland ee guriga igu soo booqatay markii nabarku I gaadhay iyo kuwii ila soo xidhiidhay iyo kuwa kale ee dareenkooda muujiyay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa, waxaanan dalka iyo dadkaba u rajaynayaa nabadgelyo buuxda oo taam ah iyo in  hawlaha aynu yoolka ka dhiganay aynu gaadhno, oo dimuqraadiyadu inoo hirgasho, doorashaduna si nabadgelyo ah inoogu qabsoonto.”

Axmed-Siilaanyo, oo la weydiiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen saraakiisha safaaradda Maraykanka, waxa uu yidhi “Waxa I soo booqday saraakiil ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee Nayrobi oo aan u mahadcelinayo, waanu is waraysanay, xaaladda dalkana waanu iska waraysanay iyo taageerada ay dalka guud ahaan u gaystaan, gaar ahaan arrinta doorashooyinka, waxyaabaha tag-taagana waanu iska waraysanay markaas si fiican ayaanu isu fahanay.”

Ugu dambayn Axmed-Siilaanyo, waxa uu taageerayaashiisa u balan qaaday inuu si buuxda uga qayb geli doono ololaha doorashada madaxtooyada, waxaanu yidhi, “Caafimaadkaygu waa Taam, waxaanan si buuxda uga qayb geli doonaa ololaha doorashada.”

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.