Maamulka Xisbiga Kulmiye ee Togdheer oo ku dhawaaqay Bilawga Ololaha Tar-tanka Doorashooyinka

Burco(Somaliland.org)-Mamulka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ka xisbi ahaa bilaabeen ololaha tartanka doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ee sanadka 2009, kadibmarkii ay dhamaatay mudadii loo cayimay bilawga ololaha doorashooyinka  oo ku beegnayd 27 mishan julay

 Sidaasina waxa si rasmi ah ugu dhawaaqay Eng: Cali Siciid Raygal oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka xisbiga ee gobolka Togdheer oo maanta shir-jaraaid ku qabtay Hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco, isaga oo dhamaanba taageerayaasha Xisbigiisa ee gobolada Togdheer Sool Sanaag Oodweyne Iyo Saraar ugu baaqay in ay u diyaar-garoobaan hawlaha doorashooyinka iyo kaanbaynka Xisbigooda

“Waxaanu dhamaanba taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolada Bariga Somaliland ugu baaqaynaa in ay u diyaargaroobaan ololaha tar-tanka doorashooyinka Somaliland, oo mudadii loo cayimay bilowgeedu ku eekeyd shalay oo bishu ahayd 27 bisha julay, waxaananu leenahay isu diyaariya maanta wixii ka danbeeya hawlihii xisbiga ee doorashooyinka Somaliland idinka oo muujin doona shucuurtiina isbadal-doonka ku dhisan” Ayuu Yidhi Engineer Cali Siciid Raygal

 Waxana uu Mr Raygal wax aan la aqbali karin ku tilmaamay wax uu ugu yeedhay mudo kordhin kale oo lagu sameeyo xiliga doorashooyinka Somaliland taasi oo uu ka digay in ay carqalad ku keeni karto geedi socodka hanaanka dimuqaraadiyadeed ee dalka somaliland ka hano-qaaday sida uu hadalka u dhigay”Dadka reer Somaliland wax aan doorasho ahayn oo dhagahoodu maanta maqli karaan ma jirto ee yaan carqalad la galin geedigii dumuqraadiyada ee umadani mudada badan sugaysay” Ayaa ka mid ahaa ereyadiisii

Mr Cali Siciid Raygal waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay talaabooyinka ku lidka ah xuquuqda Saxaafada iyo xoriyada hadalka ee xukuumada Rayaale mar walba kula kacdo Wariyayaasha Idaacada Madaxa-banaan ee Radio Horyaal, isagoo ugu baaqay in si bilaa shuruud ah lagu sii daayo Wariyayaasha xidh-xidhan ee Idaacadaasi” Waxaanu leenahay si deg-deg ah xoriyadoodii ugu soo celi wariyayaasha Radio Horyaal mar hadii wasaaradaadii war-faafintu awoodi wayday in ay warka dalka oo dhan soo gaadhsiiso” Ayuu yidhi mar uu arintaasi ka hadlaayay

 Ugu danbayntii waxa uu Engineer Raygal ugu baaqay shacabka Somaliland in ay isu diyaariyaan doorasho xor ah oo xalaal lagu bireeyay, isagoo taageerayaasha Xisbigiisa Kulmiye ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Hawlaha xisbiga ee dhinaca ololaha doorashooyinka Madaxtinimo

 Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

Somaliland.org Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.