Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Rayaale Iibiyay Dugsi ku Yaala Badhtamaha Magaalada Burco

 ”Waxa iigu danbaysay iyaga oo kooxahani ganacsatada yar yar ahi habeen kula shirayaan Guriga martida ee uu deganaa, lakiin sixirka ayaa laysku hayay arintana waxa Wasto ka ahaa Wassiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland”  Ganacsade Reer Burco Ah
 
 
 
 
Burco(Somaliland.org)-Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin ayaa la sheegay in ay iibisay Dugsigii EX Farsamada Gacanta Jaalle Siyaad ee ku yaalay Badhtamaha Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, Sida ay dad ganacsato ahi u Xaqiijiyeen Shabakada Wararka ee Somaliland.org dhawaan markii uu Madaxweynuhu booqashada ku yimid Magaaladaasi Burco
 
Wararku waxay sheegayaan in kooxo ganacsato yar yar iyo Tijaar waaweyn ahi ay tar-tan ugu jiraan iibsashada Schoolkaasi, hasa yeeshee wararku ilaa iyo hada may cadaynin cida si rasmi ah looga iibiyay dugsigan oo hore deyrarkiisa oo dhan loo iibiyay loona dhistay ” Maalintii dhawayd ee Madaxweynuhu Burco yimid Waxa uu iibisyay Dusgiaas Jaalle Siyaad ee Farsamada Gacanta, Ganacsato waaweyn iyo Kooxo Iyaguna Ganacsato yar yar ah oo is-uruursaday ayaa tar-tan ugu jira Iibsashadiisa Lakiin ilaa Iyo hada ma Hubo Qolada laga iibiyay, lakiin waa la Iiibiyay” Sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Ganacsatada Magaalada Burco oo Diiday in magaciisa lagu Xuso Warka Xaasaasiyada uu leeyahay awgeed
 
“Waxa iigu danbaysay iyaga oo kooxahani ganacsatada yar yar ahi habeen kula shirayaan Guriga martida ee uu deganaa, lakiin sixirka ayaa laysku hayay arintana waxa Wasto ka ahaa Wassiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub markaa waxaan filayaa in laga iibiyay Mid ka mid ah Tijaarta waaweyn, lakiin anigu kumaan jirin kooxahaasi ganacsatada ahaa ” Ayuu yidhi mid ka mid ah Ganacsatada yar yar ee la sheegay in ay isu-bahaysateen iibsashada Dugsigaasi laakiinse beeniyay in uu ka mid ahaa isagu  Magaciisana ka gaabsaday oo Somaliland.org wax ka waydiisay
 
Arintani ayaa xogteedu si weyn u soo shaac baxday todobaadkan ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaaya in tar-tankii iibsiga Dugsigan ee dhex maray labada dhinac uu ku guulaystay mid ka mid ah Tijaarta waaweyn ee Somaliland, iyada oo ay jireen dad hore ugu doodaayay lahaanshaha Schoolkan oo ka mid ah dhulka danta guud
 
Fadeexadan ayaa ka mid ah talaabooyinka lagu tilmaamay dhul-boobka ee Xukuumada madaxweyne Rayaale u tafa-xaydatay dhamaadkii Mudo-xilileedkeeda, iyada oo ay jiraan dhul sidan oo kale dan-guud ah oo ay hore uga faasaxday Ganacsato iyo Shaqsiyaad Gaar ah,
 
Lakiin Xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa ku dooday in ay xaq-u-leedahay Ibinta Dhulka Danta guud hadii loo baahdo, waloow lagu muransan yahay Sharciyada Xaraashka dhulka Danta Guud iyo sifoonyinka sharci ee loo maraayo
 
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Somaliland.org Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.