Fadeexado Waaweyn oo Soo Foodsaaray Gar-gaarka Raashinka Ha,yadda WFP Xili-Abaareedkaas Baahsan

 
 
“Suuq madoow ayaa lagu sii kala iibsadaa inta aanu magaaladaba soo gaadhin, waxa sii iibiya NGO yadan Qawlaysatada ah ee aanay Cidina dabagalka ku samayn iyo dilaaliinta Suuqa madow, Kaash ayaa la sii kala siistaa” Ayuu Yidhi mid ka mid ah Ganacsatada Raashinka ee Magaalada Burco oo arintani ka waramaayay
 
 
 
 
 
 
Burco(Somaliland.org)-Musuq-maasuq Lunsi Xanbaarsan ayaa ku habsaday Mashaariicda Raashinka Gar-gaarka ah ee ay Ha,yada WFP ugu deeqday dadka tabaalaysan ee ku nool Gobolka Togdheer iyo guud ahaanba Somaliland, Kadib markii sida la sheegay ay NGO yo wadani ah iyo Dilaaliinta suuqa madow ku midoobeen lunsiga raashinkaasi
 
Gar-gaarka raashinka deg-dega ah ee Qaramadamidoobay uigu talo-gashay dadka abaaruhu saameeyeen ayaa wararku sheegayaan in ay haatan ku habsatay xaalad musuq maasuq xeeladheer ku fadhiya, sido kale qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha danyarta ah ee Magaalada Burco ayaa ku doodaaya in intabadan raashinkani gacanta u galo qoysas dhaqaale ahaan iska ladan iyaga oo jira fadeexado kale oo xeeladaysan
 
“Intabadan raashinkani waxa qaata qoysas Ladan, beel kuu sheegi maayee waxaan goob-joog u ahaa reer ku jira Guri janjeelkiisa Jalas lagu garaacaayo oo hadana qaata Raashinka Caawimada Sadex biloodka ah anaga oo danyar ah oo aad arkayso halkaanu ku noolnahayna nama soo gaadho” Sidaasi waxa tidhi Maryam Aadan Diiriye oo ka mid ah Qoysas dan yar ah oo ku nool magaalada Burco
 
 
ka sokow Cabashada noocan oo kale ah ee ay ku doodayaan danyarta magaaladu waxa ay fadeexadaha qaarkood sheegayaan in Mashaariicdan oo Sadex bilood Raashin la qaybiyo ah ay suuq madow ku iibiyaan qaar ka mid ah NGO yada Maxaliga ah ee Gobolka Togdheer iyo Qaar ka mid ah Dilaaliinta Suuqa madow ka hor inta aanu magaalada Soo gaadhin
 
“Suuq madoow ayaa lagu sii kala iibsadaa inta aanu magaaladaba soo gaadhin, waxa sii iibiya NGO yadan Qawlaysatada ah ee aanay Cidina dabagalka ku samayn iyo dilaaliinta Suuqa madow, Kaash ayaa la sii kala siistaa” Ayuu Yidhi mid ka mid ah Ganacsatada Raashinka ee Magaalada Burco oo arintani ka waramaayay
 
Si kastaba ha ahaatee Fadeexadahani waxay ku soo beegmayaan Xili ay Somal;iland ka jiraan Camal la,aan Abaaro, Iyo Sixirbarar Baahsan
 
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Somaliland.org Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.