Wiilashii Gacmaha Iyo Lugaha Laga Jaray Oo La Cadeeyey …

Wiilashii Gacmaha Iyo Lugaha Laga Jaray Oo La Cadeeyey In Ay Ahaayeen Ciidan ka Goostay Kooxda Al-shabaab

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii Maxkamad ku-sheeg Al-shabaabku leeyihiin ay afar dhalinyaro Soomaaliyeed ah ku eedeeysay Qaadicul-dariiqnimo ay ku muteeysanayaan in min gacan iyo lug isdhaaf ah laga jaro ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in dhalinyaradan aanay Tuugo ama Budhcad ahayn, laakiin ay ka mid ahaan jireen ciidamada Al-shabaab.

Arintu waxa ay faraha ka baxday oo afkii uu juuqda gabay markii maalin cad afartii dhalinyarada ahayd la isugu keenay Barxad ku taal Suuqa Xoolaha si xukunkii Al-shabaabku ku rideen loogu fuliyo, Min Gacan iyo Lug isdhaaf ah ayaa si xanuun badan oo qasab lagaga jaray xili dadweyne fara badan ay daawanayeen!!.

Dhalinyaradan oo saddex ay isku Beel yihiin ayaa dad ehel u ah xaqiijiyeen in ay Shabaab-ka ka mid ahaayeen markoodi hore, ka dibna ay sababo aan la shaacin dartood uga goosteen Shabaab-ka, iyaga oo hore u sii qaatay Bastoolado iyo Taleefoonada gacanta lagu qaato oo ay ugu shaqayn jireen.

Alshabaabka saraakiishooda oo goosashada dhalinyaradan aad uga cadhooday ayaa waxa la sheegay in ay muddo ku mashquulsanaayeen soo qabashada wiilashan, waxaana markii dambe u suurtagashay in ay soo qabteen dabadeedna Maxkamad ku-sheeg soo taagaan.

Maxkamad ku-sheega dhalinyaradan la soo taagay oo Shabaab-ka gaar u ah ayaa waxa ugu horayntii lagaga dooday sida dad dhalinyaradan ehel u ah ay noo xaqiijiyeen qaabka dacwada dhalinyaradan loo qaadayo iyo magaca loo bixinayo eeda lagu soo eedeeyanayo.
Ugu dambeyntii waxaa la sheegay in Xaakim ka tirsan Shabaab-ka uu ku taliyay in dhalinyaradan lagu qaado dembi la mid ah Qaadicul-dariiqnimo iyo tuugo ama dhac hub loo adeegsaday maadaama Shabaab-ku Bistooladihii iyo Mobiledii uu siiyay ay horay u sii qaateen dhacna lagu sifayn karo mar haddii ay baxsadeen, hubkiina iska qaateen.
Taladaas Xaakimka ayaa lagu saleeyey dacwadii, taas oo noqtay in lagu xukumay in la naafeeyo oo gacan iyo lug isdhaaf ahna midkiiba laga jaro.

Ehelada dhalinyaradan oo ka meermeeray in magacooda la soo xigto ayaa waxay sheegeen in ay ku dadaaleen in qaab qabiil dhalinyaradan Xubnohooda lagu badbaadiyo maadaama sarkaal sare oo Al-shabaab-ka magac ku leh uu saddex ka mid ah dhalinyardan ay isku beel yihiin, dacwada lo heeystana ay tahay uun, goosashada ay ka goosteen A-lshabaab-ka, laakiin dadaalkaas waa shaqeyn waayay.
Ilo ka madaxbanaan ehelada dhalinyaradan gacmaha iyo lugaha ay Shaabab-ku Muqdisho ku naafeeyeen ayaa waxay sheegayaaan in dhalinyaradan qaarkood aad looga dareemayay Calaamada Salaada ee Wejigooda ka muuqatay taas oo ay ula jeedaan in jiritaanka dembiga dhalinyaradan lagu soo oogay uu yahay mid shakigiisa leh.

Si kastaba arintani ha ahaatee waxaan daah saarnayn in maxkamad ku-sheega Al-shabaab aanay shaacin ciddii ay dhaceen dahlinyaradan, markhaatiyaal iyo dhibane dacwad ku soo oogay dhalinyaradan aanu jirin, marka laga reebo in maxkamad ku-sheega Al-shabaab-ku ku eedeeyeen qaaducu dhariiq iyaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah oo ku saabsan ciddii ay dhaceen, meeshii dhaco ka dhacay, dhibanihii la dhacay iyo iyaga oo aan loo ogolaan cid ka difaacda dambiyada lagu eedeeyey dhalinyaradan.

Waxaa sidoo kale arrimahan aan ka hadlin dadkii la rabay in ay ka hadlaan sida urururada xuquuqdul aadanaha ee somalia ka shaqeeya, culumaaudiinka diinta yaqaana, garyaqaanada somaliyeed iyo waliba saxaafada kuwa gudaha sababo lagu tilmaami karo oo keliya in ay baqayaan taas oo ah wax ku cusub dadka somalida.

Xigasho: halganka.net

Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.