Somaliland iyo Somaliya Oo Sii Kale Fogaanaya: Dood Ay Qabatay Idaacadda Maraykanka Ee VOA

Idaacadda codka Maraykankan ee loo yaqaano VOA ayaa shalay oo axada ahayd sii daysay dood ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland. Waxaa Somaaliland uga qaybgalay doodda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo ah Xogahayah Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE , halka uu ku doodayay magaca Somaliya Dr. Cabdillaahi Xassan Maxamuud. Labadan aqoonyahan oo labaduba ka soo jeeda Somaliland waxay aad ugu kala duwanaayeen  fikirkooda siyaasadeed ee la xidhiidha jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland.

 

Doodda oo uu qabinayay wariyaha caanka ah ee layidhaa Cali Xadhaadhe  oo ka tirsan VOA da waxay taabatay arrimo ay ka mid ahaayeed sababihii  keenay inay Somaliland la noqoto madaxbanaanideeda 1991 kii , arrimaha aqoonsiga, waxtarka madaxbannanidu u keentay Somaliland, aragtida dadka diidan jiritaanka Somaliland ay qabaan, xaaladda gobolka Sool, qodobada aasaaska u ah dhismaha qaranka Somaliland iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda siyaaadeed ee ka jirta Somaliya.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ugu horayntii sharaxaad ka bixiyay arrimaha sababay inay Somaliland la noqoto madaxbanaanideeda, wuxuuna caddeeyay in ulajeedadii uga wayn ee marka horeba laga lahaa midowgii labada dal  (Somaliland iyo Somaliya) ay ahayd in la helo qaran wayn oo Somaliyeed oo kulmiya 5 tii qaybood ee Soomalidu u kale qaybsanayd. Isku darka laban geesood waxay ahayd dariiqii loo marayay isku keenidda 5ta qaybood oo ahayd yoolkii dadku hiigsanayay markaa. Nasiib daro waa la waayay ulajeedadii arrinkaa laga lahaa. Jabuuti waxay noqotay dal gaar ah, NFD waxay raacday Kiiniya, dhulka Somalida galbeedna xoog iyo xeeladba Soomalidu way weyday. Dantii aasaasiga ahayd ee isku keen keentay siyaaasiyan halkaasay ku fashilantay. Ta kale, waayaragnimadii laga helay muddadii 30 sanadood ee ay dawladdii woqooyiaga iyo tii koonfurta ay isku jireenna ma aha mid dhiirigalinaysa in mar labaad la isku soo noqdo. Sidii xukunka loo qaybsaday markii la isku biiray, iyo sidii awoodda loo isticmalay intii lawada joogay way kala saraysiisay labadii qaybood ee isku yimid. Markii denbana arrinku  wuxuuba isku bedelay in dawladii lagu midoobay ay si cad u isir tirto umadda ka soo jeeday woqooyiga.

 

Dr. Cabdillaahi Xasan Maxamuud oo isna arrimahan ka hadlay ayaa sheegay in aanu isagu aqoonsanayan jiritaanka Somaliland, sabab ay ugu go’do Somaliya inteeda kalena aany isaga u muuqan. Wuxuu Cabdillahi ka hadalay inuu ka soo jeedo dadkii taageeri jiray dagaalkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Daraawiishta, haddii cid la xasuuqay ay jirtana ay dadka uu ka soo jeedaa ay yihiin dad Somali iyo iyo Ingiriisba iskugu wadatageen, haddana wali jecel in Somali wayn la helo.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka Somaliland ku soo duulay gobolka Sool oo ay xoog ku haystaan, laakiin xoog lagaga kicin doona mar ay noqotaba, haddii Somaliland ay si nabadgalyo aha uga kici waydo. Wuxuu kaloo caddeeyay in la isku celin karo Somaliland iyo Somaliya ayna jiraan dariiqyo badan oo lo mari karo arrintaasi iyo turxaan bixin iyo dib u heshiisiin qaranna la samayn karo haddii diyaar loo yahay.

 

Waxaa markaa la waydiiyay labadan aqoonyahan su’aalo la xidhiidha sida ay suuragal u noqon karto in Somaliya iyo Somaliland la mideeyo mar kale.  Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu yidhi  muddadii 18 ka sanadood ahayd ee ka danbaysay intii Somaliland xorriyadeeda lasoo noqotay waxaa u hirgalay guulo waawayn oo aanay wligeed gaadhin. Markii dawladii dhexe burburtay, waxay Somaliland  yeelatay dawlad qaran oo dhamman dadka reer Somaliland wadaagaan iyo nabadgalyo, ka dib waxaa loo gudbay nidaam dimuqraadi ah oo xisbiyo lagu tartamo, waxay Somaliland leedahay ciidan qaran, baarlamaan shacabku toos u soo doortay, dawlad doorasho shacbi ku timid, dunidaana waxay la leedahay iskaashi.  Tani waxay muujinaysaa, ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, in shacabka Somaliland ay aad uga  faaiidaysteen xorriyadoodi ay la soo noqdeen, halka ay khasaaro iyo guuldarooyin kala  kulmeen midawgii ay la midoobeen Somaliya. Wuxuuna kaloo sheegay in go’aanka la soo noqashada madaxbanaanida uu yahay go’aan umadeed oo ku yimid rabitaanka shacabka Somaliland oo lagu ansixiyay afti dadka laga qaadaaday, oo natiijadeedu noqotay in aqlibayadda dadku u codeeysay gooni isutaaga Somaliland.  Marka arrin si fudud isku badalaya maaha. 

 

Dr. Cabdillahi Xasan Maxamuud ayaa isna sheegay in dadka Somaliland oo uu ku sheegaya inay yihiin Somalidiid ayna isku raacsanayan gooni isutaagga. Wuxuu sheegay in gobolka Sool ee uu ka soo jeedaa aanu ogolayn Somaliland , laakiin khasab lagu haysto. Wuxuuna sheegay in ay hadda ku jiraan abaabul ciidan oo ka xorrayn doona ciidamada Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in aanu aqoonsanayn xuduudihii isticmaarka ee uu kala qaybshay dadka Somaliyeed, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii Somalida la iskugu wada keeni lahaa oo loo midayn lahaa. Wuxuuna sheegay in Somaliland ayna is hortaagi karin midnimada Somaliya, mar haddii aanay ahaayn dal adduunka laga aqoonsan yahay. Isafgaran waaga ka jira Somaliyana uu dhammaan doonaa, dibadeedna lawada hadli doono

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka jaabayay arrinta aqoonsiga ayaa yidhi in aqoonsigu qaadan karo wakhti dheer waa arrina la filayay, imikase waxaaba muuqda xiisi soo kordhaya oo dunida u hayso soo dhawaynta Somaliland. Su’aashuse waxay weeye ayuu yidhi shacbiga Somaliland 18kii sanadood ee ina soo dhaafay xorriyadooda may ku khasaareen mise way ka macaasheen. Jawaabtu waxa weeye Somaliland waxay gaadhay hurumar siyaasadeed, mid bulsho, mid nabadgalyo iyo abuurid qawmiyad Somaliland ah oo ku dhisan astaan wadaag ah, taasaana imika mudnaan koowaad leh.

 

Waxay kaloo ka doodeen dariiqa loo maray dawladnimda Somaliland. Wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Omar sheegay in Somaliland ay ku guulaysatay inay is waafajiso afkaarihii hagayay halgankii xorraynta Somaliland ee SNM hormoodka ka ahayd iyo baahida dalku u qabay in la dhiso qaran ku salaysan dan iyo dareen lawadaago  oo suuragalinaya qaran dhis. Talaabadani waxay keentay in Somaliland heshiisiinteeda iyo is dhexgalkeeda bulsho aanu noqon mid loo maro dhabo colaadeed, sida lagu arko wadamada ka soo baxaya colaadaha sokeeye. Xorriyad la soo noqodkana wuxuu shacbiga Soomaliland ku ansixiyay afti xor ah oo dalka ka dhacday bulshada caalamkuna goob joog ka ahayd.

 

Dr. Cabdiilaahi Xasan Maxamuud ayaa arrintan ka jawabay wuxuuna caddeeyay in arrinta xirryadda ay Somaliland ku doodaysaa ay ku salaysan reer doonaya inuu xukuma reeraha kale ee woqooyiga la dagga. Arrintaasina am aha arrrin la aqbali karo ayuu yidhi. Wuxuu kaloo intaa ku daray ma dafairsani nabadagalayada jirta in kastoo aanay mid sidii u qotto dheer ahayn oo iyadaba dagaalo sokeeyaa ay ka dhaaceen, imikana ka dhici karaan. Nidaamka ay dawladnimada ay sheeganayaan ay  u mareenna ma aha mid waafaqsan sharciga ee waa mid jujuub ah. Khasabna qaran laguma dhisi karo.

 

Ugu dambayntii waxa la waydiiyay doodwadaagayaasha fikirkooda ku saabsan sida nabad looga soo celin karo Somaliya. Dr. Cabdillaahi Xasan wuxuu yidhin waxaa loo baahan yahay in dadka sheeganaya Somaliand ay ka qaybgalaan xal u helida Somaliya, in diinta lagu soo noqdo, la helo dibu heshiisiin iyo wadahadallo loo dhan yahay. Dr. Maxamed Cabdillaahina ayaa isna yidhi waxaa loo baahyan yahay dagaalada socda la joojiyo oo maamulka Muqdisha iyo kooxaha ku kacsani ay wada galaan wadahadal, in laga faa’iidaystoo dariiqii qaran-dhiska iyo heshiisiinta ee ay soo martay Somaliland iyo in dadka uu ka midka yahay Dr. Cabdillahi Xasan ay wakhtigoodu geliyaan sidii nadab iyo dawlad looga dhalin lahaa Somaliya, intay ka shaqaynayaan soo noqoshada Somaliland.

 

Abdishakur Ainan

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.