Gabay: Shaamareer By Sadeed Saleban

Waxaan salaamayaa marka hore saxaafada , halkan waxaan ku soo bandhigayaa Gabay la yidhaa Shaamareer , shaamareer sida ka muuqata magaca waa xogdoon wuxuuna xambaarsan yahay su’aalo badan oo ka dhashay wixii aan macquulka ahayn oo macquul noqday , waxaa isdiiday caqligii iyo waxyaabo aan caqliga gli jirin si khasab ah ku galay ilaa hadana caqligii diidan yahay iyo qaybta u danbaysa oo caqligu iibsaday laakiin uu su;aalo ka soo celiyey .Gabaygan waxaa la yidhaah Shaamareer , wuxuu soo baxay June/24/09
1. Shiinka gabay shubaalaha murtida, yaan shirabayaaye
2. Shoclad olola shoolada baxaan , shaarubtaw shudhaye
3. Godad shedan shadiid lagu gubtiyo, shaaqib buu galayeye
4. Ninkii aan shidaar tegey ku noqon , shaqalka suugaanta
5. Shabah yaanay ula muuqan iyo , sheeko baraleeye
6. Shabag daadsan shookado xidhmaa , shiinku marayaye
7. Shahaadaad ninkii lagu sharfee, shaahirnimo qaatay
8. iyo shaacir mooyee shanlaha, aan shirabin luuqda
9. Shuushlaha murtida shaashiyana, waa ka shay xidhan
10. Afartaa shuruudeeda mudan, shaanbad lagu qayday
11. Shalow oodan booraamo shulan, fulaha shaashaysa
12. Shuuqlaha shakaar jooja iyo , shiilcas iyo dhaabad
13. Sharci xidha shakaal lagu dabrado, maanso sharafteeda
14. Aan badawdu sheedeeda marin, sheema iyo dhowr dheh
15. Shiinka kale xal shaafuu rabaa, shaamareer yimide
16. Shucariyo abwaanada shubaan , showr ka sugayaaye
17. Sheedaha ka dhowroo shablada, yaan sharansheerin
18. Shacab aan dantiis weli u shirin , aan shawirin tiisa
19. Shaacii guduutaba dad aan , shayna ka xasuusan
20. Weligood shalay uun ku jira , shalayna xaalaynin
21. Shifo iyo shar aan kala aqoon , shiikha iyo tuugga
22. Taariikhdu sheeg sheeg la tahay, sheeko iyo faalo
23. Oo shaaca maantiyo shamsadan, sharafi soo gaadhay
24. Misna aan shukuur weli u niqin, shaahiradii keenay
25. nimankii dartood loo shilalay, shaal xornimo saaray
26. Shuhadiyo intay shidhix jartiyo, shaadh cadiyo geesi
27. Sharaftooda shay dedan ka dhigay, weliba shuusheeyey
28. Ee kii doraad wada shanaqay, shiilay hilibkooda
29. Shiddo iyo dagaalana ku shiday, qaaday sharadooda
30. U shukriya wanaagsiisa shuba , sharaf ku maamuusa
31. Shacabkaas abaalada shuftira , sheela samahooda
32. Nacabkoodna shaadali u shuba , shiinku deyaaye
33. Shaacirkii shahaadaad sitow , sharax amuurtooda?
34. Shaajac aan shukuuk lagu aqoon, sheexna lagu sheegin
35. Dulmi shubanin eexaha shukulin , sharafta muuneeya
36. Shar yaboohin shaydaamo diran , sharad ku naaloonin
37. Shilal ridin beelaayooyin shirin, dunida shaashaynin
38. Aan shuqaynin shiddo iyo dagaal, sheegan qolo gaara
39. Misna aan wanaag loo shifayn , lana shareeraayo
40. Shaajacaas aduunyada shacniya, shiinku deyayaaye
41. Shaacirkii shahaadaad sitow, sharax amuurtiisa?
42. Shaybe aan Ilaahiis shukriyin, sharafna xaalaynin
43. Booli shiisha xaaraan shilalay, tuugo shidhanaaya
44. Ka shakiyin shaxaadkiyo baryada , shayna ka xishoonin
45. Shuftanimadu shaalkiisa tahay, sheexin abidkiiba
46. Shareecadu waxay sheegtay iyo , shubuha aan dhaafin
47. Misna sheegta sheikh iyo wadaad, shawra lala yeesho
48. Shar yidhaahda waa xeer sharciya, xaqa shareeraaya
49. Shaydaankiyo shariigaa iblays , shiinku deyayaaye
50. Shaacirkii shahaadaad sitow, sharax amuurtiisa?
51. Shabaab aan ayaamaha shintirin, aan shidaba dhaadin
52. Sharaabkiyo daroogada shitoo, shagarad ruugaaya
53. Shiishad nuuga shiiqsada xumaan, shoogna wada haysto
54. Wada shiiqay jiidhkii shuf yidhi , shuruf dameer yeeshay
55. Kala sheexin shaab iyo haween, shaadhna wada qaatay
56. Shawahaad shinkooduba yahoo , aan shisheba eegin
57. Waanadu shar baas iyo la tahay, shaabuug iyo jeedal
58. Oo khayrka shuushsada hadii, sheikh wacdiyo maalin
59. Shifadood hadii shayb hayiyo, shay lagula quusto
60. Ama uu shafeeciyo dawaba , shaacir garanaayo
61. Sharka helay barbaartii shishlayd, shiinku deyaaye
62. Shaacirkii shahaadaad sitow , sharax amuurtooda?
63. Shay aan indhuu qaban karayn, aragna sheegaynin
64. Shucuurtiyo dareenkaaga shida, ruuxda shirinaaya
65. Shaybkiisa ruux lagu shabaho , sheeko lagu keenin
66. Sharka kuu daboolana cid kale, shidi karayn goorna
67. Shifadana haduu shuush ku rido, laga shareeraynin
68. Aan shaajac kaa celin karayn, xoogna lagu shiiqin
69. Shaaca waaga shamis nuurta iyo, shahar iftiimaaya
70. Inta duni shucaacoodu tago, shaariq iyo qaarib
71. Ee nololi shay jira ka tahay, shaahid wada dhowra
72. Oon shaadir laga saari Karin, shayna ka qarsoomin
73. Oo uurku wuxuu sheelayaba, shaashad ka arkaaya
74. Sidaan sharafti shawr iyo xidhiidh , sheeggan ula yeesho
75. Uu sharkiyo shuruurtiyo dhibtiyo , iiga xidho shuushka
76. Shaacirkii shahaadaad sitow , taasna iga shaafi ?
Saeed Suleiman
Minnesota

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.