XAFLADDII 26 JUUN

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu qabtay xafladda lagu xusayay 49 guuradii ka soo wareegtay maalintii maxmiyadda Ingriiska ee Somaliland xoryaddeeda ka qaadatay boqortooyada Ingriiska. Xafladdaas oo si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qeybgaleen dadweyne badan oo reer Somaliland ah, waxaa isaguna marti sharaf ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (cirro.
 
Goobta Xafladdu ka dhacday oo ah xarunta weyn ee Tensta, waxaa dadweynihii halkaas isugu yimid, si weyn loogaga hadlay taariikhdii la soo maray iyo hanaqaadka dimuquraadiyada. Mudane Jamaal, oo si qoto dheer u sharaxaad dheer uga bixiyay marxaladda kala duwan ee  dimuquraadiyadda Somaliland iyo guud ahaanba caalamka ka jirta.
 
Waxaa iyaguna munaasibaddaas  khudbado ka jeediyay xisbiyada qaranka ee  kala duwan. Iyada oo mid kastaa uu dadweynaha somaliland ugu hambalyaynayay munaasabaddan taariikhda ku leh ummadda Somaliland.
 
Waxaa isaguna si weyn halkaan warbixin dheer ka jeediyay Gudoomiyaha golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdillahi, oo hambalyo iyo bogaadin u soo dhammaan dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Gudoomiyuhu wuxuu warbixin ka siiyay ka soo qeybgalayaashii halkaas isugu yimid xaaladda dalka Somaliland haatan ku sugan yahay iyo arrimaha doorashooyinka foodda innagu soo haya.
 
Intaas kadib, waxaa halkaas gudoomiyaha lagu gudoonsiiyay billad dahab ah, oo dadweynaha, ururrada iyo Jaaliyaddaha Somaliland ee Sweden ay u garteen Gudoomiyaha Xisbiga UCID, mudane Inj. Faysal Cali Waraabe.
 
Axmed Cabdillahi Cawaale, oo guddoosiintii billaddaas faahfaahin ka bixiyay sababaha loo cuskaday in Inj. Feysal Cali Waraabe ku mutaystay billadaas, wuxuu yidhi>
 
1. Inj Feysal wuxuu qeyb libaax ka qaatay oo si aan la qiyaasi karin, oo naftiisa hurid ah juhid weyn ugu bixiyay soo cointa nabad ay maanta Somaliland ku caano maasho. Taasi oo burburtay, markii aynu dalkeena dib u soo ceshanay.
 
2. Dhinaca dimuquraadiyadda, wuxuu  inj Feysal Cali Waraabe jideeyay inay xisbiyada badan ka hirgalaan dalkeena. Wuxuuna si geesinimo leh ku garab istaagay fikradda ah in dalkeena laga abuuro xisbiyo badan.
 
3.  Dhina isu tanaasulka, wuxuu inj.Feysal horyaal ku yahay, mar kasta oo dalku galo xaalad qalafsan, wuxuu dejiyaa, wuxuuna ka  qaataa go\aan u dan ah dalka iyo dadkaba.
 
Mudane Cabdiraxmaan oo u guddoomay billaddaas  loo hibeeyay inj Faysal Cali Waraabe, oo dadweynuhu sacab iyo mashxarad aan la qiyaasi karin ku soo dhaweeyeen, ayaa uu ballan qaaday in uu ka gaadhsiin doono. Dadweynahana wuxuu u soo jeediyay mahad naq uu uga mahadceliyay abaalmarintaas Inj. Faysal la siiyay.
 
Gabagabadii xafladda oo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn badan, waxaa lagu soo gabagabeeyay madadaallooyin iyo jawi ciiddeed.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.