Wararkii Wargeyska Ogaal ee Caddadkii maanta oo Axad ah

M/weynaha Jabuuti oo ka digay in Al-Shabaab sabab u noqoto in Caalamku ku duulo Somalia

“Haddaan maanta laga gaadhin Al-Shabaab, Soomaaliya meel daran baa laga doon-dooni”

 “Kuwa maalin walba sidii Adhiga loogu gawracayaa (Muqdisho) maxay galabsadeen?….Mushtamaca Caalamka waxaan leeyahay….”

Ismaaciil Cumar Geelle

Hargeysa (Ogaal/RTD)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka dayriyay xaalada uu xilligan ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan halkaas.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle oo shalay khudbad dheer ka jeediyay munaasibad loo sameeyay xuska sannad-guuradii 32-naad ee ka soo wareegtay qaranimada dalkiisa, waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay in loo gurmado sii wax looga qaban lahaa kooxaha Xag-jirka ah ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay qarka u saaran yihiin inay inqilaabaan dawladda Shariif Sh. Axmed. Isla markaana waxa uu tilmaamay in kooxaha Mucaaradka ah ee ka dagaalamaya Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ay u adeegayaan danaha dalal shisheeye, khatarna ku yihiin xasiloonida qaaradda Afrika iyo guud ahaan Caalamka. Khubadda Madaxweynaha Jabuuti oo dhinacyo badan taabanaysay, qaybta uu kaga hadlay xaalada murugsan ee haatan ka taagan Soomaaliya, waxa ay u dhignayd sidan;

“Wax badan baynu hore uga hadalay arrimaha Soomaaliya, laakiin maanta meel daran iyo meel halis ah bay joogtaa. Wixii hadhay ee kolba dhulka laga qaadayay, la yabyabayay, dunida loogu yeedhayay ee la odhanayay ‘walaalahayow kaalaya oo nala qabta, waa kuwan oo way isku soo dhawaadeen, way heshiiyeen oo waa kuwan aan isku keenaye dawlad iyo Xukuumadba aan la dhisno aanu lahayn, waxaa ka horyimi kuwo dad kale u adeegaya, dawladdo kale u adeegaya oo leh Soomaaliya cidkasta oo Muslim ah baa leh. Islaam waa la wada yahay oo Milyaar iyo siyaado Muslim ah baa dunida ku dhaqan, laakiin dal waliba wuxuu leeyahay xukunkiisa, Calankiisa, qarankiisa iyo umaddiisa. Caddaan, Casaan iyo Madow intaba waa la leeyahay oo waa wada Islaam….Laakiin, waxa loo jeedaa Islaam maaha oo waa siyaasad oo dad meel ay tagaan la’, wadamadoodii laga caydhiyay, kuligood Dhagar-qabeyaal ah, meel ay ku dhuuntaan la’ ayaa raadsanaya meel ay salka dhigaan, kana weeraraan Islaamka Adduunka jira iyo dawladdaha Afrika dhamaantood. Ma qarsanayaan oo waad ka maqasheen Idaacaddaha iyagoo leh (Al-Shabaab) ‘qofku kol hadduu Islaam yahay xagayaga shisheeye maaha.’ Balse, lagu dayn maayo sidaa umadda Soomaaliyeed haddii halkaa la gaadhsiiyay. Maanta haddii raggaasi la wareegaan (Al-Shabaab/Xisbul-Islaam) wadanka Soomaaliya wuxuu geli doonaa meel aan dib looga soo qaban karin, waxayna duulimaad ku yihiin Adduunka oo dhan, sababtoo ah waa dad socda, waana in la iska qabto.

Maanta waad la socotaan Pakistaan gobonimadeedii halis bay ku jirtaa. Iyagoo Nukliyeer haysta ayaa haddana halis ka gelinayaa, waxaana lagu gelinayaa iyadoo umaddeedii laga rabshayo, dalkeediina lix meelood loo kala gooyay, waxa loo socdaana waan la baabi’iyo Pakistan. Laakiin, Pakistan Soomaaliya la itaal maaha, balse waabay uga jilicsan tahay oo waxay ku degdegayaan (kooxaha Xag-jirka ahi) horta aad halkan cagaha dhigtaan, ka dibna Afrika inteeda kale aad weerar ku bilawdaan. Waxaanu leenahay mushtamaha Adduunka dhamaantii; Islaamkiisa, Gaalkiisa, Yurubiyaankiisa, Ameerikaankiisa iyo Aasiyaankiisaba – arrintaasi halis maanta halkan joogta weeyaan, berina xagiinay iman doontaa. Haddii la gaadhi waayo maanta, meel daran baa laga doon-dooni Soomaaliya. Ragga Soomaaliyeed ee moodaya inay munsab (xil) ku helayaan iyo inay xukun ku helayaan sidaa, been bay isu sheegayaan. Dharaarba mid baa sidaa loo gawrayaa sidii Adhiga. Madaxdii, Wasiirradii, Culimadii oo dhan dadka la laynayaa waa dadkii akhyaarta ahaa ee wadanka. Kani waa Suxufi oo shalay baa la dilay, Wasiir buu ahaa oo shalay baa la dilay, Mutacalim buu ahaa oo shalay baa la dilay, Xildhibaan buu ahaa oo inta aqalkiisa loogu tegay baa la dilay, waana la gawracay siduu neef Adhi ah yahay!. Maxay galabsadeen ee lagu dilay? Waxba. Kuwa imika sacabka u tamaya waxaas uun baa haysta oo beri sidaas uun baa loo geli doonaa. Waxaanu soo aragnay dadkaas (Soomaaliya) maanta marka nin Madaxweyne la yidhaahdo (loo doorto) kii la socday baa odhanaya haka dunto, haka xumaato, adigay kuu soo bixi doontaa, dhulka kolkay ku dhacdo ayaad adigu wax heli doontaaye, laakiin been buu sheegayaa. Nin waliba wuu seegay, imikana in la wada seego ayaa qaabkan loogu jiraa. Annagu (Jabuuti) waxaanu leenahay ‘Allaahu ma inaa balaqtu.”

 

“Waan tartamayaa, haddii layga guulaysto & haddii kaleba waan aqbalaya natiijada”

Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Ogaal/NewStatesman)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa mar kale ku celiyay in uu ka degayo xilka, isla markaana uu ku qancayo natiijada Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 27-ka bisha September haddii laga guulaysto.

Sida lagu sheegay Warbixin lagu faafiyay Shabakadda Wararka ee New Statesman ee Maraykanka, oo laga qoray Somaliland iyo geedi-socodkeeda Dimuqraadiyadeed, Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in uu u tartamayo Jagada Madaxweynenimo, hase ahaatee, uu ku qancayo natiijada ka soo baxda Doorashada oo uu xilka isaga degayo hadii laga guulaysto.

Warbixintaas oo Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan;

“Bishan September ayaa la filayaaa in boqollaal kun oo qof ay ka qayb-galaan Doorasho, iyaga oo goobaha Codaynta oo ay ilaalin doonaan Ciidamo Boolis ah istaagi doona safaf ka hor inta aanay cadceeddu soo bixin, si ay u sugaan in ay u codeeyaan hoggaamiyahooda cusub. Badi dalka Soomaaliya waxa ka socda qalalaase iyo dilal. Laakiin, Somaliland oo ah qaybta waqooyi-bari ee dalkaas ayaa 18-kii sanadood ee u dambeeyay u halgamaysay inay ka xorowdo Soomaaliya. Waxaanay sheegtay inay ka madax-bannaan tahay ka dib markii dawladdii u dambaysay ee Soomaaliya ay burburtay sanadkii 1991-kii.

Ka dib saddex doorasho oo si nabad ah u dhacay, ma jirto cid filaysa qas bishan September. Laakiin, dib-u-dhacyo badan oo yimi ayaa shaki gelisay geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Somaliland. halka Soomaaliya jagadii uu banneeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Siyad Barre laysku dilayo awoodda iyo Lacagta, iyagu waxay samaysteen dawlad buuxisay booskaas, ka dib markii ay galeen dib-u-heshiisiin ay hirgelinayeen Madax-dhaqameedka iyo hoggaamiyayaasha Diintu. Maleeshiyooyinkii waa la qarameeyay, waxaana bilaabmay in la sameeyo qaran casri ah. maanta waxa jira Baarlamaan la doortay oo ka kooban Aqalka Wakiilada iyo Odayaal qabaa’ilku u doortaan Aqalka Odayaasha. Si nabad ah ayaa loo dhex socdaa Dariiqyada, waxaan isa-soo taraya ganacsiga ay maal-geliyaan dadka qurba-joogga ahi. Somaliland waxay leedahay Lacag u gaar ah, inkasta oo dadka badankoodu ay isticmaalaan Lacagta Dollar-ka, haddaad waydiisana waxay dadku kuu sheegayaan inay reer Somaliland yihiin.

Somaliland ma jiro dal weli aqoonsaday oo Caalamka ah. ‘Somaliland maanta waa dal shaqaynaya. Waxa naga maqani waxa weeyey Aqoonsi.’ Sidaa waxa yidhi Wasiirka firfircoon ee Arrimaha Dibedda. ‘Waa waqtigii Beesha Caalamku ay na aqoonsan lahaayeen.’ Ayuu yidhi. Somaliland waxay sheegaan in shuruudaha aqoonsigu ay yihiin nabad iyo Dimuqraadiyad…Doorashadii u dambaysay ee Somaliland waxa codeeyay 675,000 oo qof, afar sanno ka dib Komishanka Doorashooyinku waxay diiwaangeliyeen in ka badan Milyan iyo saddex boqol oo qof.

Weli waxa jirta rejo. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha 57-jirka ah wuxuu ku kalsoon yahay guusha uu ka helay ninkii tartanka kula jiray ee Axmed Maxamed (Siilaanyo). Laakiin, wuxuu leeyahay, ‘Waan tartamayaa, haddii layga guulaysto iyo haddii aan guulaystaba waan aqbalaya natiijada’

..Si kastaba ha ahaatee, natiijada Doorashooyinkan, reer Somaliland waxay rejayn karaan wanaag, inkasta oo in ka badan ay sugayeen ka hor.”

 

Qaar ka mid ah Gaadiidka u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti oo toban maalmood ku xidhan Boorama

Hargeysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah Gaadiidlayda Rakaabka ee u kala goosha Somaliland iyo dalka Jabuuti, ayaa cabasho ka muujiyay tiro baabuur ah oo muddo laba todobaad ku dhow kaga xidhan Saldhiga magaalada Boorama.

Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal oo siday sheegtay qaar ka mid ah Gaadiidlaydaasi la soo xidhiidheen, baabuurtan oo tiradooda lagu sheegay 9 gaadhi, waxa dhowaan dhinaca deegaamada Xeebta ka soo qabtay ciidanka qaranka ee degmada Geerisa. Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadiidkaasi lagu eedeeyay inay dad Tahriibayaal ah dhigeen dhinaca deegaamada Xeebta. Hase yeeshee, gaadiidlaydu waxay sheegeen in xilliga la qabtay aanay sidin wax Rakaab ah, kuna sii jeedeen magaaada Lawya-cado oo siday sheegeen xilligan laga helo dad Rakaab ah oo ka soo xagaa-baxa kulaylka Jabuuti, una soo baxa magaalooyinka waawayn ee Somaliland qaarkood. Sida warku sheegay, gaadiidlaydu waxay sheegeen in sagaalkaa baabuur iyo sagaalkii Darawal ee waday ay muddo toban maalmood ah sifo Sharci-daro ah ugu xidhan yihiin Saldhiga Boorama, isla markaana aanay garanayn cida haysata iyo sabab ay u xidhan yihiin midna. Waxay masuuliyiinta Xukuumadda ka codsadeen in loo sii daayo baabuurtooda, xorriyadoodana loo soo celiyo.

 

Berbera: Kulaylka waqtigan, kadeedka danyarta & kelmadda Masuuliyiinta

 

Berbera (Ogaal)- Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaad ee Gobolka Saaxil Dr. Xagar ayaa sheegay in aanay jirin dad Kulaylka Magaalada Berbera u dhintay, waqti uu isa soo tarayo kulaylka Xagaaga ee Magaaladaasi, kaas oo la sheegay in uu shalay gaadhay 42Co.

Toddobaaddadii aynu ka soo gudubnay ayaa Warbaahinta maxalliga ah qaarkood ay baahinayeen in afar qof oo ka mid ahaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ay Kulaylka xagaaga awgii ugu dhinteen Gobolkaas Saaxil. Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaad ee Gobolka Saaxil Dr. Xagar ayaa sheegay in aanay dadkaasi u dhiman Kulaylka xagaaga, balse ay laba ka mid ahi Xanuuno qabeen. “Dadka ay Saxaafadu qortay inay kulayl ugu dhinteen magaalada Berbera, waxa laba ka mid ah la keenay cisbitaalka Guud waxaanay lahaayeen dhiig-kar iyo wadno xanuun, hase ahaatee lama odhan karo waxay u dhinteen kulaylka xagaaga.” Ayuu yidhi Dr. Xagaa.

Dhinaca kale, siday sheegayaan Wararka aanu ka helayno Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, heer-kulka Magaaladaas ayaa shalay gaadhay derejadii ugu sarraysay ee uu toddobaaddadan gaadho, taas oo uu shalay gaadhay 42Co. Kulaylkan xad-dhaafka ah ayaa ku soo beegmaya waqti dadka danyarta ah ee ku dhaqan Magaaladaas ee dhaqaale-ahaan awoodi kari waayay inay ka xagaa-baxaan ama ay helaan kaabayaasha kale ee Nolosha suurtogelinaya ay ku hadheen Magaalada Berberfa. “Todobaadyadan u dambeeyay waxa jira kulayl xad dhaaf ah oo aan weligeed aanaan arag, laakiin Anigu Guriga aan degannahay oo ah Buul Soomaali, ayaan biyo ugu rusheeyaa carruurtayda oo inta badan maalintii oo dhan ooyaya kulaylka dartiis”Sidaas waxa tidhi Saynab Maxamed Ciise, oo ka mid ah dadka danyarta ah ee awood dhaqaale u waayay inay ka baxaan magaalada Berbera.

 

Wasaaradda Dhaqanka oo ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa(Ogaal)-Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Mr. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare), ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ku saabsanaa habka loo soo dhaweeyey Fannaanada Maryal Mursal Ciise, habkaas oo uu sheekhu ku tilmaamay mid Diiniyan aan bannaanayn.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Mr. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare), ayaa sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Warar ee Ramaasnews, waxa uu Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ugu baaqay inuu raali gelinka bixiyo hadalo ka soo yeedhay oo uu dawlada ku canaantay soo-dhawaynta Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo dalka dhawaan timi. Agaasimuhu wuxuu sheegay inuu ka xumaaday hadalka soo yeedhay Sh. Aadan Siiro, waxaanu yidhi, “Waxaanu leenahay Sh. Aadan-Siiro haddii hadalkaasi garasho kaa yahayna, waad khaldan taye ka daa, haddii ay badheedh kaa tahayna raali-gelin ka bixi hadalkaasi ma aha mid kuu qalmaya’e” ayuu yidhi Cabdi-Yare. Agaasimaha waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dawladdu waxay sida weyn ugu soo dhawaysay Fanaanadan Maryan Mursal, suugaan-yahanada iyo Fanaaniinta Soomaaliya oo dhan waa qofka kaliya ee qirtay in Shacbiga Somaliland yihiin ummad wax qabsatay..Inantani markii ay Xamar ka soo qaxday ee ay maraysay xeradii qaxoontiga ee Dulcad ee dalka Itoobiya iyadoo Qaxoonti ah waxay ahaydq ofkii u horreysay ee 1991-kii soo hambalyaysay Gooni-isu-taagga Somaliland, waxaanay hadalkeedii ka baxay oo laga sii daayay Radio Hargeysa.”

 

Ereteriya oo Maraykanka ku eedaysay inuu sii hurinayo Dagaallada Soomaaliya

Addis-Ababa (Ogaal/AFP)- Dawladda Ereteriya ayaa ku dhaleecaysay Dawladda Maraykanka taakulo Hub iyo saanad Milatari ah oo ay u fidisay Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya oo hore beesha Caalamka uga dalbatay in taageero Milatari iyo Ciidamo lala soo gaadho, si ay uga adkaato Kooxaha Dagaalka kula jira.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee AFP, Dawladda Ereteriya ayaa Maraykanka ku eedaysay in ay qayb ka tahay xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya. “Maraykanku wuxuu baal-maray shuruucda farogelinta, waxaanu qaybinayay Hub sanadkii la soo dhaafay. Kuwaas oo sababay xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya.” Sidaa waxa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ereteriya. “Haddii mar kale loo celiyo tallaabadan Soomaaliya, ma soo saari doonto natiijo waxtar leh ee kaliya waxay sii hurin doontaa qaska daba-dheeraaday.” Ayuu Warsaxaafadeedkaasi intaas ku darya.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha dibedda Ereteriya waxay dedafaysay eedaymo khamiistii aynu soo dhaafnay ka soo yeedhay Maraykanka, kuwaas oo Ereteriya ku eedaynayay inay taakulo u fidiso Kooxaha Dagaallada kaga jira Soomaaliya. “Eedaymahan waxay xambaarsan yihiin arrimo khiyaali ah.” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.

Eedaynta ka soo yeedhay Ereteriya eek u saabsan in Maraykanku hurinayo Colaadaha ka taagan Soomaaliya, ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii Maraykanku shaaciyay in uu Hub iyo Saanad Milatari u diray Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sabab uga dhigay dhawaaq gargaar-doon ah oo ka soo yeedhay Maamulkaas.

Guddoomiyaha G. Wakiillada oo la kulmay Danjiraha Itoobiya u fadhiya Scandinevian-ka

Stockholm (Ogaal) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay kulan la yeeshay Danjiraha dawladda Itoobiya u fadhiya wadamda Scandinevian-ka.

Siday faafisay shabakada wararka internet-ka ee Ramaasnews, Guddoomiye Cirro iyo Ambassador Diini Mufti waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Safiirka Itoobiya u fadhiya Sweden, Norway, Finland iyo Denmark warbixin ka siisay xaalada guud ee Somaliland iyo doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 27 September 2009. “Somaliland saaxiibo badan bay ku leedahay Itoobiya,” ayuu yidhi Amb. Diini Mufti oo kulankaa hadal kooban ka jeediyay.

 

 

Jabuuti oo shalay looga dabbaal-degay Xuska Maalinta Xorriyadda ee 27 June

Jabuuti (Ogaal)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay guud ahaan looga dabaal-degay Xuska sanad-guuradii 32aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Gobonimadeeda ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska. Iyada oo dalal ka mid ah kuwa Caalamku ay Munaasibaddan awgeed hambalyo u direen shacabka iyo Dawladda Jabuuti.

Munaasibado lagu maamuusayay Xuskan ka soo wareegay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka xorowday Gumaystihii Faransiiska 27 June 1977-kii, ayaa shalay lagu qabtay Dalka Jabuuti. Munaasibaddahaas mid ka mid ah oo uu ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyaddaas Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dalkiisa iyo dadkiisa Ilaahay uga baryay in uu sanadkan-sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo Guul.

Dhinaca kale, dalal ka mid ah kuwa Caalamka ayaa hambalyo u diray dadweynaha iyo dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti munaasibaddan awgeed. Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka Mrs. Hilllary Clinton oo ku hadashay Afka Dawladda Maraykanka ayaa ka mid ahayd Masuuliyiintii Caalamka ee hambalyada u diray Shacabka iyo Dawladda reer Jabuuti Munaasibadda xuska madax-bannaanida dalkooda awgeed. “Anigoo ku hadlaya afka Maraykan iyo Shacabka Maraykanka, waxaan jecelahay in aan gaadhsiiyo hambalyo diiran Dadweynaha Jabuuti oo u dabbaal-degaya Sanad-guuradii 32aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddooda. Waxaanu hambalyaynaynaa xidhiidhka adag ee naga dhaxeeya Jabuuti oo aan iskaashi ka leenahay arrimmaha Gobolka Geeska Afrika. Waxaan leeyahay aynu sii wadno Dimuqraadiyadda iyo nabadda iyo saaxiibtinimada dalalkeena.”

Sidoo kale, Boqorka Baxrayn Mr. Xamad Bin Isa Al-Khalifa ayaa isaguna sidoo kale hambalyo u diray shacabka iyo Dawladda Jabuuti oo uu ku hambalyeeyay xuska maalinta 27 June. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed Sooomaaliya oo isna ka mid ahaa Masuuliyiintii hambalyada ka diray arrintan, ayaa yidhi, “Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed isagoo wakiil ka ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogaba waxaa uu  dhanbaal hanbalyo ah u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ku aadan sanad-guurada 32-aad ee  xornimada Dalka Jabuut i(June 27, 1977). Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tilmaamay inay xurnimada Jabuuti ay  farxad u ahayd  dhamaan shacabka Soomaaliyeed , sida Ummada Jabuuti ay guul iyo raynrayn ugu ahayd.”

Source: Wargeyska Ogaal

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.