Sh. Aadan-Siiro oo Xukuumadda ku eedeeyay boobka hantida Umadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- “Waad ogtihiin Garoon yar oo Kubadda Cagta ah oo ah 120-Mitir (Garoonka Dugsiga Ex-Xuseen Giire)..Dawladda maanta jirtaa waxay ku dhiiratay, nidaam baa jira ah dad baa la abuurayaa, la maalgelinayaa, loo magac-bixinayaa, taariikh cusub ayaa dadka loo samaynayaa. Waxay ku dhiiradeen dhulkii uu Afweyne oo ahaa ninkii aynu la dagaallamaynay uu ka xishooday in uu bixiyo Dugsiyadii Caruurta. Waa wax laga xishoodo, waxaa maanta Caruurtu isku dilayaan waxa weeye, meel allaala meel ay istaagaan bay la’ yihiin, halka ay ahayd maanta in Guryaha waawayn ee ay ku jireen ee ay leeyihiin umaddu in intay burburiyaan ay Garoomo uga dhigaan, ayaa afartii Garoon ee bannaan ee yaryaraa ee Caruurtu waqtiga ku lumin lahaayeen ayay u soo dhigteen. Laakiin, waxaan kaga ciil la’ahay, lama odhanayo kamaanu hadal, balse waxba idiin tari mayso Masaajidkan oo aynu isugu nimaadnaa. Quwaddu waa Umadda iyo bani’aadamka, waar Caruurta Garoomadooda difaaca, Waddooyinka difaaca. Waad ogtihiin Goljanno (Hargeysa) Maydka meel la geliyaa ma jirto oo Waddooyinkii baa la xidhayaa oo inta aynu hadba Guryo dhaadheer intaynu dhisano ay koox gaar ahi Waddooyinka xidhaan adiga oo soo taagan..Nin cararaya ayaa imanaya oo ku odhanaya, Sheekh maxaa ku kallifay miyaad danahaaga iska qabsatid. Waar halkee dano lagu qabsanayaa, halkee lagu noolaanayaa haddii lagu kala tago, halkee ayaynu umad ku noqonaynaa haddii lagu kala tago..Waar wixiina ilaashada, waar waxay Caruurtu leeyihiin ilaaliya, waar waxa inaga dhaxeeya ilaaliya, waar taas ayaynu dal, dawladnimo iyo dadnimo ku yeelanaynaa.” Sidaa waxa yidhi Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro) oo ka hadlay arrimo uu ka mid yahay muran ka taagan mid ka mid ah Garoomada Kubadda Cagta ee Degmooyinka Hargeysa.

Sh. Aadan Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka hadlayay Masaajidka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ka hadlay Diinta Islaamku waxay ka qabto Dhulka loo qaato sifo xaq-darro ah iyo sidoo kale masiirka maalinta Qiyaamaha, isla markaana wuxuu tilmaamay in waqtigan la joogo Hantida umadda la boobo. Waxaanu sheegay in arrimaha noocan ahi aanay ahayn wax la aqbali karo, gaar ahaan Dhisme laga bineeyay Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Sheekh Madar (Ex-Xuseen Giire) ee Degmada 26 June ee Hargeysa. “Rasuulku (CSW) wuxuu Xadiis saxiix ah ku yidhi, ‘Qofka walaalkii oo la jaar ah ku durka taako, toddobada dhul ee Alle abuuray ayaa qoorta loogu xidhayaa maalinta Qiyaamaha.’ Bal Hargeysa waxay leedahay ka waran? Kuwa maanta moodaya in waxa dadka ka dhaxeeya in cid u ashkatoota iyo cid ilaalinaysaa aanay jirin, qofka kacay (Faqiirka ahi) waa qofka maalinta qiyaamaha la soo saaro iyada oo ay dadku wada haystaan. Ilaahay baynu ka magan-galnay in Somaliland oo dhami ku soo wada hor istaagto Qiyaamaha oo ay tidhaahdo, Ilaahayow waxayagii isagaa haya oo nin waliba yidhaahdo, intaydii ha la iga siiyo…Raganimo ayay noqotay in Hantida umadda la boobo oo waxay maraysaa Garoomadii Dugsiyada. Waxaanu yeeli karayno oo aynu cidna ka yeeli karayno maaha.” Ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Go’aankayaguna waxa weeye Masaajidkan ayaynu ka bilaabaynaaye, Nin walowba 5 midh oo Laban (Jaajuur) ah gee si aynu u dhisno, Masaajidkeena oo kaliya ayaa dhisi karaya ee aynu Dayr ku wareejino inta Ilaahay u keenayo Dawladdii xaqa iyo Caruurta waxooda ilaalinaysay. Caruurtii aanu islahayn Guryo ma u dumisaa, haddii intii yarayd ee jirtay laysugu yimaaddo..Maxamed Xaashi Cilmi oo isaga oo Injineer ah looga yeedhay Sacuudiga, kana mid ah maanta dadka aydaan karaamayn, ayaa ku dagaallamay Garoonkaa. Maantase waxa laga jecel yahay kuwaa dhulka boobaya ee Waddooyinkii xidhaya, ee dadka markay intooda iibiyaan in yar uun qaybinaya ee u daadinaya. Miisaankii oo dhan baa dhinaca kale noqday, wa’ayo cidda awoodda haysa ee waxaa samaynaysa, waa Inaga weeye. Halkay ka yimaadeen kuwan meesha joogaa, miyaanay ahayn kuwii aad saacadaha u taagnaydeen.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu baaq u jeediyay Dawladda oo uu sheegay in uu qabo inay dalka ku abuurayaan dhaqamo iyo nidaam cusub. “Hantida umadda iyo shareecada ha la ilaaliyo. Waar dhaqankaa aad umadda ku abuuraysaan ka daaya kuwa dawladda iyo Maamulka hayoow, waar dhaqan cusub umadda ha u samaynina. Waar dadkii Umaddu dhaqankooda, Cilmigooda iyo Diintooda ku faanaysay ha daboolina, dad kale oo aynaan garanayna umadda ha ku samaynina..Nidaamka maanta dalka haysta waxaanu anagu u arkaynaa oo aragtidayadu tahay in aad samaynaysaan nidaam cusub oo taariikheed. Xaramka adiga oo maraya oo haya taariikhdii aad 34-ka sanadood soo akhriyaysay, markaad istaagto ayaad diidaysaa oo taariikhdii Asxaabadu sameeyeen ayay Aalu Sucuud (Qoyska Boqortooyada Sucuudiga) bedeleen oo waxay ku dhigeen, halkaa waxa sameeyay Al-Maalik Sucuud, halkaa waxa sameeyay..taariikhdii Muslimiinta oo dhan bay isku soo ururiyeen, waxaanay baabi’iyeen tii saxaabada ee soo taxnayd 1429 sanadood. Maamulada Muslimiinta ee dariiq qaldan u shaqaynaya ayay ka mid tahay in taariikhda umadda inta la baabi’iyo, in taariikh kale oo cusub loo sameeyo.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekhu wuxuu soo daliiliyay laba Xadiis oo uu sheegay in guud ahaan u u jeedinayo Umadda, gaar ahaan inta Xilka umadda haysa, kuwaas oo nuxurkoodu yahay hantida umadda iyo waxa u dambeeya mustaqbalka aakhiro cidda si qaldan ugu tagri-fasha. “Waxaan ku soo ururinayaa laba Xadiis oo idinka, naftayda iyo inta Xilka dalka haysa aan kula dardaarmayo. Rasuulku (CSW) Xadiiska Muslim weriyay, wuxuu ku leeyahay, ‘Ninkaanu shaqaale ka dhigno ee shaqo u dhiibno ee Irbad naga qariya oo hantida Muslimiinta ka mid ah ee isagu farsamaysta, taasi waxa weeye waa xoolo-lunsi. Iyadoo ay ku duuban tahay oo uu ka qaylinayo ayuu imanayaa maalinta Qiyaamaha.’ Maxaad u malaynaysaa ka dilaalka ka ah, ka sahanka u ah, umadda dhan ee musuq-maasuqa ah ee isugu baxday waxaynu ognahay. Bal ka waran kuwa ka adeegaya, marka la fasaxayo dhulka Agoontu leedahay iyo Garoomada Caruurtu leeyihin.” Ayuu yidhi Sh. Aadan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xadiiska kale, Iimaam Muslim uu weriyay ayaa ah, Dagaalkii Kheybar oo dagaal aad u adag ahaa, ayaa Nebigii markii dambe Warbixinihii la kala dhegaystay oo la yidhi,Rasuulkii iLaahayow hebel shahiid buu ahaa, hebel kalena halkaas ayuu xorreeyay. Dabadeed, Nebigii (CSW) raggii buu mid ka qabsaday oo uu yidhi, Ninkaa aad leedahay wuu dagaallamay shahiid ma ahayn, markii la waydiiyay sababtana wuxuu yidhi, ninkaasi Go’ buu qaatay oo uu si gaar ah u dhigtay oo uu is-yidhi marka Dagaalku dhammaado aad si gaar ah u qaadatid. Kaas ayuu Naarta ku galay.’ Waar Garoonkaasi Masaajidka si gaar ah ayuu u khuseeya ee waynu dhisno, markaa maxay u iman doonaan kuwa qaybsanayaa haddaynu hortood dhisno? Nimanka dee magacyada leh ee awoodda leh ee awooddaa sheeganaya ee markay meel walba soo dhaafeen Garoomada maraya, bal intaanay Masaajiddada inoogu iman aynu halkan isugu nimaadno. Waynu Deyraynaa Garoonkaa, intaynu Deyrayno cidda uu hunguri ka hayo waxaanu uga digaynaa oo aanu leenahay, waar iska daa ha ku ceeboobine, ka sharciyaynayana waxaanu leenahay, awoodda aad leedahay soo kaxee.”

Sidoo kale, Sh. Aadan-Siiro waxa uu mahad-naq u jeediyay Maxamed Muuse (Makhtal) oo ah Muwaadin qaddiyadda Somaliland gaadhi ugu soo maray ilaa 18 Dal oo shalay ka mid ahaa dadkii Masjidkaa ku tukaday. “Maanta waxa inala jooga Maxamed Muuse (Makhtal) oo in badan qurbaha ku maqnaa, islamarkaana Baabuur yar ku soo maray 18 Dal, si uu Dunida uga dhaadhiciyo Xaqa aynu leenahay. Waa arrin ay garan waayeen qaar in badan umaddu ay maamuustay oo lacag badan ku bixisay, magacyadooda ay dhiig badan u hureen. Waa arrin ay ka xishoodaan markay meelo badan marayaan umadda ay ka yimaadeen waxay doonayso.. Yaa soo dhaweeyey, Nimanka Wasiirada ah iyo dadka la soo doortay halkay joogeen markuu Hargeysa soo galayay?..Waxaanu leenahay Ilaahay ha kaa abaal-mariyo, waxaanaynu ku soo dhawaynaynaa Masaajidka Xawaadle (Hargeysa)” ayuu yidhi Sh. Aadan.

Sheekhu wuxuu naqdiyay habkii loo soo dhaweeyay Maryan Mursal oo uu sheegay in Diiniyan laga wanaagsan yahay. “Waar Dumarka halka uu Islaamku dhigo ha loo daayo” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, arrimihii khudbaddiisii shalay uu kaga hadlay Sheekh Aadan waxa ka mid ahayd xaaladda Soomaaliya oo uu Ilaahay uga baryay in ay degto. “Kuwa maanta Koonfur isku dilaya waxaynu Ilaahay u baryaynaa in uu nabad, midnimo iyo Cadaalad siiyo, Islaam caqli iyo xikmad ku shaqaynaya uu siiyo. Waxaynu u ducaynaynaa kuwa kale ee magaca Soomaalinimo aynu wadaagno, intooda dawladnimada haysta iyo intoo kale uu nabadda iyo midnimada waafajiyo.” Ayuu yidhi Sh. Aadan Muxume Xiirey (Siiro).

 Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.