Baabuurta u kala goosha Jabuuti iyo Somaliland oo qaarkood Xadka ku xanniban yihiin

Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaar ka mid ah Gaadiidlayda Rakaabka ee u kala goosha Somaliland iyo dalka Jabuuti, ayaa cabasho ka muujiyay tiro baabuur ah oo muddo laba todobaad ku dhow kaga xidhan Saldhiga magaalada Boorama.

Siday xalay faafisay Idaacadda Horyaal oo siday sheegtay qaar ka mid ah Gaadiidlaydaasi la soo xidhiidheen, baabuurtan oo tiradooda lagu sheegay 9 gaadhi, waxa dhowaan dhinaca deegaamada Xeebta ka soo qabtay ciidanka qaranka ee degmada Geerisa. Warku wuxuu intaa ku daray, in gaadiidkaasi lagu eedeeyay inay dad Tahriibayaal ah dhigeen dhinaca deegaamada Xeebta. Hase yeeshee, gaadiidlaydu waxay sheegeen in xilliga la qabtay aanay sidin wax Rakaab ah, kuna sii jeedeen magaaada Lawya-cado oo siday sheegeen xilligan laga helo dad Rakaab ah oo ka soo xagaa-baxa kulaylka Jabuuti, una soo baxa magaalooyinka waawayn ee Somaliland qaarkood. Sida warku sheegay, gaadiidlaydu waxay sheegeen in sagaalkaa baabuur iyo sagaalkii Darawal ee waday ay muddo toban maalmood ah sifo Sharci-daro ah ugu xidhan yihiin Saldhiga Boorama, isla markaana aanay garanayn cida haysata iyo sabab ay u xidhan yihiin midna. Waxay masuuliyiinta Xukuumadda ka codsadeen in loo sii daayo baabuurtooda, xorriyadoodana loo soo celiyo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.