Guddi U Adeegaysa Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba Oo Bayaan Soo Saartay

 

 

 

 Bayaan                             Taariikh: 27/6/2009

 

 

3/6/2009 waxa magaalada Hargeysa lagu aasaasay guddi  u adeegi doonta dadka maskaxda ka jirran iyo kuwa la mid ka ah. Guddigan oo ka kooban waxgaradka bulshada ayaa hawshan u qabandoona si iskaa-wax-u-q abso ah.

 

 

Hawsha Guddiga Waa:

 

1.      Inay ka abaabulaan gudaha dalka  dhaqaale loogu dhisayo dadka dhiman Isbitaallo qaran oo aan qof iyo urur midna lahayn.

  

2.      Inay mideeyaan deeqaha debedda ka imanaya iyo kuwa gudaha.

 

3.      Inay sameeyaan qorshayaal lagu gaadhayo ujeedada ah sidii looga bixilahaa hoy la’aanta iyo daryeel la’aanta haysata dadka dhiman.

 

4.      Inay lixda magaalo ee ugu waaweyn Somaliland ka hirgeliyaan lix Isbitaal oo u dhigma ama ka wanaagsan kuwa dadka fayoobi leeyihiin ee jira.

 

5.      Inay sameeyaan wacyigelin buuxda oo gaadha gudaha dalka iyo debeddaba.

 

 

6.      Guddigu wuxuu ku dadaali doonaa siduu u midayn lahaa maskaxda, maalka iyo muruqa cid kasta oo si togan ugu hawllan danaha dadka xanuunka dhimirka qaba.

 

 

Hawsha Guddiga Dadka Dhimani:

 

1. Maaha mid Urur/ NGO iyo wixii la mid ah.

2.   Maaha qorshe gaaban oo gacan siinaya urur, koox, magaalo ama gobol gaar ah.

3.   Maaha mid leh dano gaar ah oo ka baxsan kuwa guud ee qaranka.

 

Soojeedin

 

-Guddigu wuxuu masuuliyiinta saxaafadda dawliga ah iyo ta madaxabannaan ba u soojeedinayaa kana codsanayaa inay hawshan daryeelka dadka xanuunka dhimirka qaba ka qaataan kaalinta kaga aaddan, isla markaana siiyaan mudnaanta ay leedahay arrintoodu.

 

-Guddigu wuxuu dadweynaha u soojeedinayaa inay xil buuxa iska saaraan sidii looga saari lahaa dadka xiskoodu dhiman silica iyo saxariirka haysta.

 

-Guddigu wuxuu dadweynaha ka dalbanayaa in lagu dadaalo sidii loo joojin lahaa tacaddiyada lagu hayo dadka maskaxdoodu dhiman tahay.

 

 

 

Magacyada Guddiga

 

1.   Dr. Maxamed Siciid Gees

2.   Xasan Cumar Halas

3.   C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

4.   Siciid Axmed Maxamed

5.   Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg)

6.   Xasan cabdi Madar

7.   Sahra Maxamed Maxamuud

8.   Ismahaan Cabdisalaan

9.   Ifraax Maxamed Cabdi Galbeedi

  10. Jacfar Maxamed Gaaddaweyne

   11. Maxamed Yuusuf C/raxmaan (Keyse)

   12. Cali Jibriil Xirsi

 

La-taliyaha Guddiga

 

Guddiga waxa la taliyayaal u noqon doona:

 

1.   Maxamed Cismaan Fadal

2.   Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

3.   Aamina Maxamuud Warsame (Milgo)

 

 

Wixii faahfaahina kala xidhiidh

 

samofal.dhimir@gmail.com    Maal22000@yahoo.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.