Cabdilaahi-Darawal oo naqdiyay socdaallo Rayaale iyo Wasiiro Xukuumaddiisa ahi ku tageen dibedda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Cabdillaahi Iimaan Dirawal oo hormood u ah garabka isbedel-doonka xisbiga UDUB, ayaa sheegay in labada xubnood ee la soo jeediyay in laga bedelo Komishanka Doorashooyinku ay tahay arrin ay Xukuumaddu Doorashada Madaxtooyada ku carqaladaynayso. Isla markaana waxa uu xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay in aanay qorshayaashooda ku kooban sidii dalka Doorashadu uga qabsoomi lahayd, balse ay ajandeyaashooda ku daraan talaabooyinka la qaadayo haddii ay mar kale dib uga dhacdo xilliga loo muddeeyay ee 27 September 2009.

Cabdillaahi Dirawal oo u waramay Telefishanka SLSC, waxa uu naqdiyay socdaalkiisa Madaxweyne Rayaale dhowaan ku tegay dalka Kuwait iyo safaro xubno Wasiirro ahi ugu baxeen magaalooyinka Nairobi iyo Addis-Ababa. Waraysigaasina wuxuu u dhacay;

S. Cabdillaahi; waxa jira dhinacyo walaac ka muujinaya, gaar ahaan marka la eego dhinaca Doorashooyinka, markaa adiga sidee ayay kuugu muuqataa?

J: Arrintaas sidii hore ee ay wax u dhici jireen uma arkee tab iyo xeeladihii lagu shaqeynayay ee dib loogu dhigayay (Doorashada) oo weli socda ayuun baan u arkaa oo aan aaminsanahay. Marka aad eegto dib-u-dhacyada ku imanaya hawshii diyaargarowga Doorashooyinka oo runtii aad moodo 21-kii June oo kale inay ahayd waqtigii ay Deeq-bixiyeyaashu ku xidheen inay hawsha dhaqaajiyaan, iyaguna ay is-faham la yimaadaan, tiina waad ogtihiin sida ay u dhacday iyo in labadii xisbi Mucaarad ogolaadeen, Xisbul-xaakimkiina diiday, ha diidee waxa ay wadaan oo ay sii dhexgeliyeen arrimo kale oo sii xanibi kara Doorashada oo ay ka mid yihiin labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ah oo iyagu ay danahooda ka arki waayeen oo ay gaar u saareen oo ay Baarlamaanka u gudbiyeen oo ilaa imika socota, taasoo ka mid ah qorsheyaasha dib loogu dhigayo Doorashada. Shuruudihii Deeqbixiyeyaashu iyaga (Xukuumadda) ku xidhnaa ee ay ka mid ahayd inay bixiyaan 25% kaga soo hagaagay Lacagta ku baxaysa Doorashada oo illaa hadda aan laga hayn. Waxa kale oo jira waad aragtaanoo dadku indhuu leeyahaye, cid dawladda ah oo ku mashquulsan hawlo Doorasho ma jiraan oo ma aragno. Waa raggaa Madaxweynahoodiina uu Carabaha iskaga shaxaad tegayo, Wasiirradiina Addis-Ababa iyo Nairobi ay meeraysanayaan, xataa Wasiirkii Daakhiliga ee muhiimka u ahaa hawlaha Doorashada ee xubinta ka ahaa dadka diyaarinaya isaga laftigiisu waad aragtaano kuma jiro arrimo Doorasho oo Addis Ababa ayuu iska tegay. Markaa, calaamooyinka socdaa waa taatikadii hore ee awalba dib loogu dhigayay Doorashada, imikana waqtigiibaa la rabaa in la rido, markaa dadka iyo Axsaabta ayaa loo baahan yahay inay ka tashadaan oo looga diyaar garoobo. Sidaa darteed, Anigu tallooyin ayuun baan doonayay in aan bixiyo oo aan u sheego dadka, waxaanan leeyahay habacsanaantan iyo kala aamusnaantani ma shaqaynayso. Dalkani geedi-socod buu ku jiray, geedi-socodkiisii maanta waxa la marayaa in dariiqii Dimoqraadiyadda ee aynu qaadanay ee ahaa sidii Madaxweynihii labaad ee wadanka loo dooran lahaa ama isaga (Rayaale) ama cid kale ha timaadee sanad iyo badh baa waqtigiisii laga qabaa imika, imikana qorsheheedii lagu jiraa in qayb kale lagaga darsado oo sanad laga dhigto, dadkuna ay gidaarkaas ugu tiirsanaadaan. Markaa waxay kuu muujinaysaa in dalkan iyo dadkan cid dan ka leh aanay jirine, danno gaar ah la wato oo la fushanayo. Waxa kale oo aan Axsaabta kula talin lahaa in diyaargarowgooda aanay ku koobin Doorasho la qabanayo ee ay diyaargarowgooda ku darsadaan sidii dalkan haddii ay Doorasho ka dhici waydo sidii loo heli lahaa farsamo kale oo lagu joojiyo Sharci-daradan dhaqanka laga dhigtay. Guurtidana waxaan leeyahay; haddii markii hore aad odhan jirteen dalka ayaanu badbaadinaynaa, waxaa cadaan noqotay oo muddo-kordhintii doorkii dhawayd cadaan noqotay in masiirkii ummada Cashuurtii dadka masaakiinta ah laga qaaday si badheedh ah oo aan gabasho lahayn la idiinku qaybiyay oo aad ku fuliseen hawlihii (Mudo-kordhintii Madaxtooyada) la idiinka baahnaa, taasina mid idinka soconaysa maaha. Waxay ahayd inaad ummadda ka xishootaan, masiirka ummadanina mid 30 iyo 40 Guurti ahi dusha ku qaadi karayso maaha. Markaa waxaan leeyahay Guurtida, waydinkii lahaa muddo-kordhin dambe jiri mayso’e, saansaanteediina waa soo uraysaaye haddii cidi wax idinka maqlayso imikaba wax ka qabta oo u taga, Anigu ma qabo in cidi wax idinka dhegaysanayso oo maalinta dan la idinka leeyahay ayuun baa la idin dhaqdhaqaajine.   

S: Deeqbixiyeyaashu waxay sheegeen in aanay Dhaqaalaha Doorashada Madaxtooyada soo dayn doonin haddii aanu heshiis iman, markaa haddii Deeqbixiyeyaashu Dhaqaalaha joojiyaan sidee bay Somaliland Doorasho uga dhici karaysaa?

J: Adeer, Deeqbixiyeyaal oo kaliya maaha’e, beesha caalamka intii ina danaynaysay mid kastaaba dhabanka ayuu gacanta ku hayaa oo waa yaabanyahay. Waqti dhan oo doorasho badhkeed ayaa la leeyahay uun waxbaa la kordhinayaa oo dadkiina gidaar ugu tiirsan-yahay koox yar. Layaabna ma laha haddii ay dib uga gurteen oo waa ay arkayaan sida ay wax u socdaan iyo cidda wax qaloocinaysa ee diidan, iyaguna waa kuwan la jid ay u saaraanba ee shalay la aflagaadeynayay ee la lahaa ‘anaga dibada la nooga yeedhin maayo’. Waxaanan aaminsanahay inay xaq u leeyihiin inay talo ku yeeshaan arrinta maadaama xoolohoodii ku baxayaan. Haddii ay taladooda diidayaan, waxay ahayd inay doonaan kharashka Doorashada ku baxaya oo ay iyagu iska dhigaan rag isku filan, taasna may samayn oo waa tan laga la’yahay 25% -kii ay ahayd inay bixiyaan, Deeqbixiyayaashiina waa loo hanjabayaa oo waxa la leeyahay ka baxa iyo yaanay noo iman, ujeedadanu waa si aanay dalka doorasho uga dhicin uune Golaha Guurtida loo dhaqdhaqaajin lahaa, taasina haddii ay dhacdo Anigu aad ayaan uga welwelsanahay natiijadeeda.

S: Jidka ugu haboon ee aad is leedahay waa lagaga hortegi karaa in muddo-kordhin dambe timaado muxuu yahay?

J: Waxaynu leenahay Sharci iyo xeerar  oo aynu samaysanay. Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa xeer samayn kara. Ciidamadeenan Qaranka looma dhaarin inay koox gaar ah ilaaliyaan ama shaqsi ilaaliyaane, waxa loo dhaariyey inay illaaliyaan Dastuurka oo ay dalka dhismihiisa ka illaaliyaan wixii burbur ku keenaya. Markaa iyaga laftooda waxaan odhan lahaa waar waajibaad ka badan ayaa idiin yaala intaad is leedihiin dadka cid u cabudhiya, una cabudhin kari maysaan oo ummad lama cabudhin karo, taasna waaya-aragnimadaa sheegaysa, markaa waxaaba dhaanta inaad waajibaadkiina garataan oo dalka badbaadisaan, Doorashana gaadhsiisaan.

S: Madaxweynuhu wuxuu ka soo laabtay dalka Kuwait, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay Mashaariic horumarineed, balse aanu Ictiraafka Somaliland kala hadal, arrintaas sideed u aragtaa?

J: Arrintaas gebi ahaanba waxay iigu muuqataa in aanay ahayn mid looga fadhiyay maanta (Rayaale). Anigu kolayba dadkii aan todobada sanadood kolba meel Dhagaxa u dhigayay iyadoo maanta saddex bilood ii hadhay oo Doorasho la iga rabo maan kula dheceen waxbaan soo wadaa, isaguna waxay ahayd inuu kala xishoodo ummada oo uu ka daayo. Maanta waxa looga fadhiyaa inuu umadda u soo bandhigo waxa uu qabtay, waxa kale oo looga fadhiyaa inuu muujiyo oo uu ka dhex muuqdo diyaargarowga hawlaha Doorashada, taas ayaa maanta dadku uga fadhiyaan.

S: Cabdilaahi; waxaad ku talagashay inaad xilligii Shirweynihii xisbiga UDUB Madaxweynenimo isu sharaxdo, Madaxweyne Rayaalena mar uu ka hadlayay xisbigaas waxa uu sheegay in aanay jirin cid isla soo sharaxday, weliba wuxuu sheegay in aanad adigu dibadda kaga dhawaaqday, balse aanad Xisbiga gudihiisa soo dhigin is-sharaxaadaada, markaa hadalkaasi siduu kuula muuqdaa?

J: Horta, hadaladiisa (Rayaale) waanigii hore u sheegay oo waa hadalo kibir xambaarsan. Dadka inta taqaanaana way taqaan, intii awalba u sacabo tumaysay ee isaga guulwadaynaysayna dan kama lihi, hadalkana isagaa ku horeeyey oo BBC-da kaga dhawaaqay, waxaana u wanaagsanayd inuu ku adkaysto geesinimadii hore ee uu ku yidhi cid walba waan kaga joojiyay oo Aniga keliday ayaa is sharaxaya. Laakiin, may ahayn inuu kolba meel isku qaado oo uu yidhaahdo mar qol ayuu isku xidhay, marna yidhaahdo markii xisbiga la aasaasayay ayuu ka baxay, kolla yidhaahdo Golaha Dhexe ayaa murashaxa sameeya, hadda waa Gole Dhexe oo aan weligiiba shirin. Waxaanan kuu sheegayaa in aanu jirin xisbi UDUB la yidhaa oo isaga (Rayaale) dhaafsiisani, sababta oo ah Xisbigu waxa uu ku dhisanyahay Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ayuu ku jiraa. Xisbiga UDUB-na labadaa midna ma leh ee waa isaga keliya. Nimankan Ilaahay u nasaqay ee ka daba qaylinayaana wax ala wax ay ka yihiin ma jirto, waxaanan aaminsanahay haddii Sharciga la eegayo inaanu buuxinayn shuruudaha ay tahay in Komishanku eego.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.