Ogaal: M/weynaha Soomaaliya oo arrimo kala duwan ka hadlay

M/weynaha Soomaaliya oo arrimo kala duwan ka hadlay

“Ma aaminaysaa Itoobiya iyo Maraykanka imika kuu sacabo-tumaya, markii horena kaa saaray Soomaaliya?”

Waraysi…..Sheekh Shariif

Shareecadu waa qayb ka mid ah nolosha Muslimka iyo dhaqanka…. xasaasiyan iyo toos ahaanba aad bay…”

Brussels (FT/Ogaal)- Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa wax laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahan aaminaadda Siyaasadeed ee dawladdiisu u hayso dalalka Itoobiya iyo Maraykanka , awoodda dawladdiisa ee Soomaaliya, miisaanka Xasan Daahir Aweys ku yeelan karo wada-hadallo uu la galo iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraysi siiyay Wargeyska Financial Times (FT) ka dib markii uu ka qayb galay shir dhaqaale dhawaan loogu yaboohay dawladdiisa oo lagu qabtay Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha ku kallifay Dawladdiisa in ay ansixiso ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee Soomaaliya.

Waraysigaas oo qayb ka mid ah Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay ayaa wuxuu u dhacay sidan;

S: Sideed u ballaadhin kartaa maamulkaa u muuqda in uu ka taliyo qayb yar oo Soomaaliya ka mid ah?

J: Hore waxa u jiray Gobollo ay taageerada iyo qaabdhismeedka dawladdu ka jiray, halkaas oo maamulkayagu gaadhay ayaanu qaybinta adeegga iyo Garsoorka xoojin doonnaa. Meelaha aanu ka jirinna, waanu gaadhi doonaa.

S:  Arrintaa ma waxaad u adeegsan doontaa Ciidan iyo xoog?

J: Diyaar-garowga rabitaanka nabadda ee dadku wuu isa soo tarayaa, meelaha qaarna waa laga hirgeliyay. Sidoo kale, haddii aanu helno Ciidan Dhulka ka fuliya hawlgalladaas, labadaas oo laysu geeyay waxaanu rumaysanahay in ay dabiiciyan keeni doonto u hoggaansanka sharciga iyo in maamulku gaadho meelaha aanu hore uga jirin.

S: Hore ma ula gashay wax wada-hadallo ah dadka xag-jirka ah, sida Xasan Daahir Aweys iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab?

J: Maya, si toos ah ulamaan yeelan, laakiin Soomaali aqoonyahanno ah ayaa ku mashquulsan sidii ay ugu sharaxi lahaayeen muhiimadda wada-hadallada iyo nabadda. Dhinacayaga, way ogyihiin oo waanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay wada-hadal iyo wada-xaajood.

S: Sideed u aragtaa soo laabashada Xasan Daahir Aweys ee Muqdisho?

J: Waxaan u malaynayaa in soo laabashadiisu dib u xusuusin doonto in uu ka tegay waqti ay jireen khilaafaadyo iyo dagaal iyo in uu arko in aanu maanta dhisayno nabadda. Waxaan rumaysanahay in uu dooran doono in uu ka qayb qaato oo uu taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-aasaaska amniga dalka.

S: Ma u malaynaysaa in uu Xasan Daahir Aweys muhiim u yahay geeddi-socodka nabadda?

J: Ma jiro qof aan loogu baahnayn dib-u-heshiisiinta iyo nabadda, qof kasta waa loo baahan yahay.

S: Maxay tahay muhiimadda iyo waxa idinku dhaliyay Shareecada lagu xukumayo dalka ee Baarlamaanku ansixiyay?

J: Sababo kala duwan ayay muhiim u tahay. Midda hore, Shareecadu waa qayb ka mid ah nolosha Muslimka iyo dhaqanka. Marka xigta, gudbinta Golaha Wasiirada iyo ansixinta Baarlamaanka ee ku-dhaqanka Shareecada waxaanu u aragnaa in aanay carqalad noqonayn. Waxaanay qayb ka tahay hannaanka dib-u-heshiisiinta. Laakiin, waxay keenaysaa in dadku ay dib u dhisaan dalka. Sidaa darteed, xasaasiyan iyo toos ahaanba aad bay muhiim u tahay. 
S: Sideed si dhaqso ah dib ugu soo celin karaysaa nidaamkii Maxaakiimta ee hirgelinta nabadda ee aad samaysay sanadkii 2006?

J: Run ahaantii Dawladdu aad bay ugu mashquulsan tahay arrintaa.  Waxaana loo baahan yahay in arrintaa ay qabtaan dadka aqoonta u lehi.

S: Dalalka qaarkood, sida Maraykanka iyo Itoobiya waxay u muuqdaan kuwo ku qanacsan in uu dib u soo noqdo Ninkii ay ka saareen dalka markii Itoobiya ku duushay halkaa 2006, kuwaas oo hadda kuu sacabba-tumaya. Markaa ma yihiin dalalkaasi kuwo aad aamini karto?

J: Si aanu hadh iyo shaki toona ku jirin, waa inaanu hore u soconaa, balse waa inaanaan dib u eegin wixii la soo maray. 
 

Ergada goorma ayay soo saarayaan go’aanka dhex-dhexaadintooda?

Xeer-beegtida oo laba kulan oo kala gaar ah

la yeeshay Madaxweynaha iyo Madaxda Mucaaradka

Hargeysa (Ogaal)- Ergada dhex-dhexaadinta khilaafka siyaasaddeed ee haatan ka oogan Somaliland, ayaa war-murtiyeed ka soosaaray kulamo ay shalay la yeesheen hoggaamiyeyaasha Axsaabta Qaranka.

Inkastoo la filayay inay shalay go’aamo ka soosaaraan khilaafka ay demintiisa ku hawlan yihiin oo ay hore u sheegeen inay Salaasadda go’aamo kama dambays ah ka gaadhi doonaan, haddana taas bedelkeeda warsaxaafaddeed kooban oo ay kulamadaa ka soo saareen, waxay ku sheegeen inay si gooni gooni ah dhinacyada khilaafaadku u dhexeeyo isula dersayeen tabashooyinka iyo arrimaha Xukuumadda iyo Mucaaradka dhinac kastaaba ahmiyada saarayo. Warsaxaafaddeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan; “Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo mudane Faysal Cali-waraabe.

Kulamadaas oo socday intii u dhexaysay 9:30 – 12:30 duhurnimo ee maanta waxa lagu kala qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay kula kulmeen Madaxweynaha iyo xarunta Komishanka Doorashooyinka oo lagula kulmay Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ay wehelinayeen labadooda ku xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Kulamadaas oo ku saabsanaa tabashooyinka iyo arrimaha dhinac kastaa ahmiyadda saarayo, iyagoo saldhig uga dhigaya duruufaha dalka ka jira, aragtiyaha iyo ahmiyadda doorashada beesha caalamku siinayso.

Natiijada kulamadaas waxa xuddun u ahaa in Guddiga Dhexdhexaadintu tixgeliyo arrimaha gundhigga u ah khilaafaadka siyaasiga ah.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha guddiga dhexdhexaadinta Aadan Baxnaan oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay waxyaabaha baajiyay go’aankii ay soo saaristiisa hore ugu muddeeyeen Salaasadda shalay, waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in ilaa Khamiista beri ay war ka soosaari doonaan arrintaas. “Ilaa Khamiista ayaanu soosaari doonaa, Inshaa Allaah,” ayuu si kooban u yidhi.

Xeer-beegtidu waxay Isniintii doraad hoggaamiyeyaasha siyaasadda hordhigeen go’aan 18 qodob ka koobnaa, ka dib markii ay kulankii labaad si wadajir ah ula yeesheen. Hase ahaatee, go’aankaasi wuxuu saqiiray ka dib markii guddiga dhex-dhexaadinta laftoodu ku qaybsameen qoraalkaas, hoggaamiyeyaasha Mucaaradkuna si adag uga biyo-diideen, waxayna taasi sababtay in guddigu ay dib uga noqdaan qoraalkoodaas.

“Tallaabo Milatari ayaanu

ka qaadaynaa Al-Shabaab”

Dawladda Kenya

Nairobi (DailyNation/Ogaal)- Dawladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay tallaabo Milatari ka qaadi doonto Kooxda Al-Shabaab haddiiba ay rumoobaan warar sheegaya in Kooxdaasi ay qorshaynayaan in ay ku duulaan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, halkaas oo ay sheegeen in ay duullaan ku qaadayaan.

Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya Mr. Richard Onyonka ayaa sheegay in ay dawladdiisu tallaabo Milatari ka qaadayso Kooxda Al-Shabaab haddii ay isku dayaan in ay Weerar ku qaadaan dalkaas.  “Kenya waa dal xor ah, waananu leenahay awoodda iyo kartida aanu kaga hortegi karno Weerar kasta, tallaabo ayaananu ka qaadi doonaa Al-Shabaab.” Ayuu yidhi Mr. Ricjhard Onyonka. Waxaanu sheegay in aanay dawladdooda cabsi gelinayn hanjabaado uga yimaadda dhinaca Kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku difaacayso dhulkeeda.

Hadalka ka soo yeedhay Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya, ayaa wuxuu ka dambeeyay hadal digniin ahaa oo uu hore u shaaciyay Sarkaal ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi-bari Kenya Mr. Kimeu Maingi, kaas oo sheegay in Al-Shabaab ay doonayso in ay qaaddo tallaabo ay ku qabsanayso Gobolkaas. “Wax joojinayaa ma jiraan, xitaa haddii Dagaal lagala hor tago si ay u qabsadaan Gobolka, isla markaana ay Dalkooda ugu daraan oo ay uga mid dhigaan Dhulka ay Shareecada ku xukumaan.” Ayuu yidhi Mr. Kimeu. 
 

“Ayaxaasi Roobkii yaraa ee ku da’ay dhinaca

Bariga hilfuhuu u qaaday, deegaamada Galbeed-na…”

Wasiirka Beeraha

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yare), ayaa faahfaahin ka bixiyay Ayax ka dilaacay meelo ka tirsan deegaamada Somaliland iyo talaabooyinka ay ilaa hadda u qaadeen dhinaca La-dagaalankiisa.

Wasiirka oo shalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay inay buufiyeen Ayax ku degay deegaamo ka tirsan Gobolka Awdal iyo xuduudka Somaliland iyo dalka Itoobiya. Hase yeeshee, waxa uu walaac ka muujiyay Ayax hor leh oo uu tilmaamay inuu haatan ka dilaacay deegaamo ka tirsan gobollada Saaxil iyo Togdheer, kaaso sida uu sheegay dhibaato gaadhsiiyay Daaqii ka soo baxay Roobab dhowaan halkaas ka da’ay. “Horta, marka awooddeena (Somaliland) loo eego, waa hawl balaadhan oo ma hawl yara. Marka hore wuxuu inaga soo galay oo uu ku soo horeeyay dhinaca Galbeedka oo sida caadadu tahay uu had iyo jeer ka dilaaco. Wuxuu dilaacay Roobkii u horeeyay, in muddo ahna dhinaca dhulka ayaa laga buufinayay, gaar ahaan Giriyaad iyo tuulooyin fara badan oo deegaamadaa Galbeedka fog ah. Markaa, markii buufitaan dhinaca dhulka ah ee aanu ku buufiyay awooddii ka balaadhatay, waxaanu u qaylo-doon diranay hay’adda La-dagaalanka Ayaxa, dabadeedna laba todobaad ka hor bay Diyaarad soo direen oo Madaarka Hargeysa soo fadhiisatay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku, wuxuuna intaa ku daray; “Diyaaraddaasi Sabtidii bay hawsheeda bilawday, waxayna buufisay dhul ilaa 500 boqol oo Higtar ah oo uu Ayaxu ku fadhiyay. Sidoo kale, waxay buufisay ilaa boqol Hikter oo dhinaca Xadka Somaliland iyo Itoobiya ah.”

Mar Wasiirka la waydiiyay cidda Wasaarad ahaan gacanta ka siisay La-dagaalanka iyo buufinta Ayaxa, waxa ku jawaabay, “Waxa la yidhaahdaa hay’adda La-dagaalanka Ayaxa Geeska Afrika, waxaana lagu magacaaba DLCO, waxayna hoos tagtaa FAO (hay’adda dhinaca Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay)….Waxa hadda noogu daran dhinaca Bariga iyo Saaxil oo hadda uu qaylo-doonkiisu’aad u badan yahay. Ayaxaasi Roobkii yaraa ee ku da’ay dhinaca Bariga hilfuhuu u qaaday.”

Mar la waydiiyay qorshahooda Wasaarad ahaan la xidhiidha wax-ka-qabashada Ayaxaa uu sheegay inuu ka dilaacay deegaamo ka tirsan dhinaca Bariga, waxa uu sheegay inay maalmaha soo socda halkaas u bixi doonaan kooxo ka socda Wasaaradda Beeraha. “Inta aanu ka dambe (Ayaxa) inagu dilaacin, waxa lagu sameeyaa kormeer ama qiimayn, imika hawsha ugu culusi ee naga haysataa waxa weeye Ugxanta uu Ayaxaa hore ku aasay dhulka sidii loo xakamayn lahaa, si marka uu Roobku imika dilaaciyo si aanu u duulin. Markaa, kooxahaa Wasaaradda Beeruhu waxay baxayaan beri (maanta) ilaa maalinta ku xigta, waxayna qaadanayaan Haamo iyo baabuur ay ku hawlgalayaan, wixii awood ahaan inaga ka batana Diyaaradda uun baa loo qayshanayaa, sababtoo ah iyadaa kala dagaalami og wixii awoodooda ka baxsan. Midda kale, wixii sahan ah ee ay kooxahaasi sameeyaan waxay warka ka siinayaan (Diyaaradda) Satelite (war-isgaadhsiinta Caalamiga ah) ay sitaan, waxayna u gudbinayaan dhulka ay joogaan iyo Ayaxa ay arkaan,” ayuu yidhi Wasiirku. 
 

Hargeysa: Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay suxufiyiin kooras dhamaystay

“W/Warfaafintu intuu saxaafadiisa la shiro ayuu aflagaadeeyaa warbaahinta madaxabanaan”

Guddoomiyaha USJ

Hargeysa (Ogaal)- Tababar ku saabsan habka tababaridda (T.O.T) oo muddo 23 maalmood ah Magaalada Hargeysa uga socday Suxufiyiin kala duwan oo ka kala socday Hay’adaha Warbaahinta ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa shalay lagu soo gebo-gebeeyay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda CARE INTERNATIONAL, USAID-na ay maalgelisay, isla markaana ay bixinayeen Macallimiin ka socday Hay’adda tababarrada Saxaafadda ee MA Media oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ugu horrayn lagu tababaray 12 suxufi oo ka kala socday Somaliland, Koonfurta Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland. Kuwaas oo lagu tababaray sida tababarada loo bixiyo, isla markaana muddadii uu tababarkani socday sii tababaray 12 Suxufi oo kale oo ka socday Hay’adaha Warbaahinta Somaliland qaarkood. Waxaana munaasibaddaas ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Hay’adda CARE International, Wasaaradda Warfaafinta, Ururada Saxaafadda dalka, Macalimiintii tababarka bixiyay iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Dallada Midawga Suxufiyiinta Somaliland (USJ) Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka jawaabay hadal uu Wasiirku Warfaafintu Md. Axmed Xaaji Daahir sheegay in xukuumaddu urur saxaafadeed u aqoonsan tahay SOLJA, balse aanay aqoonsanayn ururrada saxaafada ee dalka ka jira. Mar uu ka hadlayay xidhitaanka xafladdaas lagu soo gunaanadayay tabobarkan waxa uu Guddoomiyaha Dalladda Midowga Suxufiyiintu si kulul u cambaareeyay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta toddobaadkan. “Mihnaddan oo mida ugu adag, ayaa haddana waxa noo dheer in aannu ka baqano Agaasime yar oo dhiirran, xataa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta aha ahaadee oo wada boolis ayaanu uga baqanaa, taasaana keentay in aanu samayno Ururka Dallada Suxufiyiinta Madaxabanaan ee (USJ). Wasiirkayaga Warfaafinta mar qudhaanu ayaanu maqalnay, markaana wuu na xantaa oo inta uu shaqaalihiisa soo kaxeeyo oo uu keenaa Maansoor, isaga oo saxaafaddiisa la shiraya ayuu saxaafadda madaxabannaan aflagaadadeeda wadaa, waannu dhegaysanaa uun oo markaas oo keliya ayaanu maqalnaa Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimahanba, waxay nagu taraan iska daayoo, sida milatariga iyagaanu uga baqnaa, xataa dorraad oo u dambaysay Wasiirka Warfaafintu wuxuu lahaa ma aqoonsani, waxaan leeyahay dee adeer aqoonsi kaagama baahnin oo adigaanu kaa samaysanay dalladdan,” ayuu yidhi Cukuse oo daba socday hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir. “Annagu xukuumadda waxaanu u naqaanaa inuu Madaxweynuhu oday ka yahay, Madaxweynahana waanu la kulanay, dardaarankiisii wuu na siiyay, anaguna wixii aanu cabasho iyo talo lahayn waanu u gudbinay, ballana waanu ku kala-tagnay, Wasiirku xilligaa inuu joogay iyo inuu maqnaa ma kala garanayo, sharciyadii ururka oo buuxdana waanu haysanaa, sabab aanu Wasiirka u murano oo aanu wax ku nidhaano ama uu nagu yidhaahdo maba jirto. Waxaanu leenahay Wasiir waxaanu u baahnayn in aad na caawiso, hadii aanu kaa wayno naga aflagaado la’ow.” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xasan, ayaa isna hadal uu ka jeediyey munaasibadda xidhitaanka tababarkaas, waxa uu jawaab ka bixiyey eedaymaha uu Guddoomiyaha USJ u soo jeediyey Wasiirka Warfaafinta, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Haddii aad wax tabanaysaan waxay ahayd inaad noogu timaaddaan Wasaaradda Warfaafinta oo aad noo sheegataan tabashadiina iyo waxa aad ka cabanaysaan, balse may ahayn inaad halkan naga cambaarayso.” Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay inay wasaaraddiisu diyaar u tahay ururrada kala duwan ee saxaafadda iyo weliba hay’adaha warbaahinta madaxabannaan.

Maxamed Cabdillaahi oo ah Guddoomiyaha Hay’adda tababarka bixinaysay ee MA Media, hoggaaminayayna Kooxda Macalimiinta ah ayaa ka warbixiyay muddadii uu tababarku socday iyo waxyaabaha ay Suxufiyiintu barteen. “..Waxyaabaha ay barteen waxa ka mid ah, sida tababarada loo bixiyo, farsamada Kamaradda, sida looga warbixiyo dhulalka khilaafaadka, duruusta aasaaska Saxaafadda, qurxinta iyo nashqadaynta Wargeysyada, hababka tebinta Wararka, wax-soo-saarka Telefishannada, turjumidda oo nin ajaanib ah oo wax ka dhiga Jaamacad Maraykanka ku taala uu dhigay iyo waxyaabo badan oo kale.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi, isaga oo sheegay in ay kalsooni buuxa ku qabaan in ay tababaro bixin karayaan Suxufiyiinta loo tababaray habka tababariddu. Waxaanu ammaan u jeediyay guud ahaan Maamulka Hay’adda CARE, Macalimiinta, Suxufiyiinta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in la suurogeliyo tababarkan. Sidoo kale waxa halkaa ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee Somaliland WIJA Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxaanay ku dheeraatay baahida loo qabo in Suxufiyiinta loo tababaro minhadda ay ku shaqeeyaan iyo sida loogu baahan yahay iskaashi dhex mara Warbaainta laf ahaanteeda. “Suxufiyiintu waa kuwo is-taageera oo iska war haya, isla markaana la socda oo og ka buka, la xidho ama yar ciirsan..in ay iskaashadaan waa mid muhiim ah.” Ayay tidhi Marwo Shukri, waxaanay kula dardaarantay Suxufiyiinta in ay waajibka saaran u gutaan si quman.

Dhinaca Hay’adda CARE waxa u hadlay Maxamed Aadan Xirsi (Terra) oo ah La-taliyaha dhinaca Warbaahinta ee Hay’addaas, waxaanu ka warbixiyay ujeedada tababarkan. “In ay ka taxadiraan waxyaabaha khalkhalka bulshada ku keenaya ee xasaasiyadda abuuraya ayaa ka mid ahayd ujeedada aanu tababarkan u qabanay. Ujeedadu dhammaanteedna waxay ahayd wax barid iyo sidii ay u gudan lahaayeen sidii ay dadka wax u bari lahaayeen si masuuliyadi ku jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu ugu baaqay Suxufiyiinta in ay iskaashadaan iyo in ay waajibaadka saran u gutaan si wacan. Isaga oo aad ugu dheeraaday waxqabadka Hay’addaas iyo in aanay ahayn markii u horraysay ee tababar ay u fidiso, balse ay jirtay tababar ay hore Suxufiyiintan ugu soo tababartay Dalka Kenya. 

“Waan soo dhaweynayaa dhex-

dhexaadin laga sameeyo Falastiin iyo Isra’iil”

Maxamuud Axmedi-Nejad

Tehran (ABC/Ogaal)- Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmedi-Nejad, ayaa shaaca ka qaaday inuu taageerayo qorshe kasta oo lagu midaynayo shacabka Falastiiniyiinta, isla markaana lagu dhexdhexaadinayo Falastiin iyo Isra’iil.

Madaxweyne Nejad oo waraysi siiyay Telefishanka ABC oo laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in labada wadan ee Falastiin iyo Israaiil ay Nabad ku wada noolaadaan. Wuxuuna muujiyay sida dalkiisu u danaynayo nabad ka dhalata Bariga Dhexe iyo hanaan Nabadeed oo dhexmara Falastiin iyo Isra’iil.  
 
 

Cudur-daar

Caddadkii 769 ee Isniintii doraad, waxa Wargeyska Ogaal ku soo baxay war ciwaankiisu ahaa; ‘Soomaaliya: Nin Madaxweynenimo sheegtay oo lacag cusub soo daabacay’, kaasoo khalad Madbici ah dartii aan ku soo bixin Wargeyska. Sidaas darteed, waxaanu akhristeyaasha ka raali gelinaynaa khaladkaas.

Haddaba, si akhisteyaashu uga bogtaan warkaas Caddadkii Isniinta khaladkaa farsamo uga hadhay oo ay faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Somaliweyn, wuxuu u dhignaa sidan;

Hargeysa (Somaliweyn/Ogaal)- Cabdinuur Darmaan oo sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday lacag cusub oo uu dalkaas u soo daabacay.

Mr. Darmaan oo sannadkii 2003-dii mar sheegtay in loo doortay Madaxweynenimada Soomaaliya, waxa uu sheegay in daabacaadda lacagtani ka dambaysay ka dib markii uu muddooyinkii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeeshay guddiga ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasoo uu sheegay inuu kala hadlay sidii suuqa loo gelin lahaa lacagtan cusub oo uu dhawaan soo daabacay. Guddoomiyaha Xisbiga Mudnimada Jamhuuriga Soomaaliya, waxa uu sheegay in lacagtani suuga geli doono 1 bisha May oo maalmo koobani inaga xigaan, wuxuuna sheegay in lacagtani bedeli doonto Kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugga ah.” 

Bakool: Shaqaale afduub loo haystay oo la sii daayay

Muqdisho (W.Wararka/Ogaal)-  Shaqaalihii hay’adda MSF Belguim ee afduubka loogu haystay Soomaaliya, ayaa barqonimadii shalay la sii daayay.

Shaqaalahan oo laba qof ka koobnaa muddo todobaad ka badana koox dablay ahi ku haysteen gobolka Bakool, waxay sii dayntoodu ka dambaysay ka dib markii ay dedaal u galeen odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ee Bakool ah iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Al-Shabaab ee Bay iyo Bakool. Ka dib markii la sii daayay waxa lagu wareejiyay odayaashaa dedaalka u galay sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen shaqaalahaa ajaanibka ahi, waxaana isla shalayba la geeyay degmada Rab-dhuure ee gobolkaas, halkaasoo sida la sheegay ay uga sii gudbeen magaalada Xudur. Odayaasha lagu wareejiyay shaqaalahaa afduubka loo haystay, waxay warbaahinta Muqdisho u sheegeen inay wanaagsan tahay xaaladda Caafimaad ee la haysteyaashu, waxayna sheegeen in aanu jirin wax madax-furasho ah oo la siiyay kooxaha gacanta ku hayay oo hore u dalbaday lacag Madax-furasho ah oo gaadhaysa 4-Milyan oo doolar. 

Sucuudiga oo Masaajidada ka mamnuucay kor-u-qaadida Aadaanka iyo Muxaadarooyinka

Riyaad (W. Wararka/Ogaal)- Xukuumadda Sucuudiga ayaa la sheegay inay digniin qoraal ah u kala dirtay masaajidada ku yaala magaalada barakaysan ee Mekka iyo guud ahaan dalka Sucuudiga oo dhan, kaasoo ay ku amrayso in dhawaaqa Aadaanka iyo Muxaadarooyinka ee ka baxa cod-baahiyeyaasha masaajidada.

Warkan oo ay faafiyeen qaar ka mid ah shabakaddaha wararka caalamiga ah ayaa lagu sheegay inuu Wasiirka Diinta (Islamic Affairs Minister) Sucuudiga Sheikh Saleh al-Sheikh uu guddi u saaray dabagalka iyo dhegeysiga dhawaaqyada Masaajidada magaalooyinka Mecca, Riyad iyo guud ahaan dalka oo dhan. Magaalada Madiina oo qorshahan la faafiyay in hore loogu soo rogay ayaa lagu amray inay masaajidadu isticmaalaan keliya sameecadaha gudaha marka ay muxaadarooyin ka socdaan, isla markaana xiliga’Aadaanka ay furi karaan dhawaaqa banaanka oo xadidan.

Qorshahan oo la sheegay inuu ka soo shaqeeyay magaalooyin dalkaas ku yaala ayaa inka badan 45 masaajid laga dejiyay ilaa 100 sameecadood. Waxa sida la sheegay inta badan dalkaas ka dhacda inay isku dhex-yaacaan dhawaaqyada muxaadarooyinka iyo Aadaanka masaajidada, isla markaana uu adkaado fahamkoodu, sidaa aawadeed, dawladda Sucuudiga ayaa shuruuc ku soo rogtay.

Warku ma sheegin sida dalkaa looga dareemay sharcigaa cusub iyo sababaha ka dambeeya ee xukuumada boqortooyada Sucuudiga ku kelifay inay talaabaddaas qaadaan. 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.