“Hoggaanka Djibouti Waa CadowgaSomaliland, Wasiirka Khaarajiguna Waa Niman Ikhtiyaar Lahayn, Dalkuna Wuxuu Galay Xaalad Qaynuun La’aana…..”

“Hoggaanka Djibouti Waa CadowgaSomaliland, Wasiirka Khaarajiguna Waa Niman Ikhtiyaar Lahayn, Dalkuna Wuxuu Galay Xaalad Qaynuun La’aana…..”

Md: Maxamed Farax Qabile,

Hargeysa, April 29, 2009 (Haatuf) Md: Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayasha guddida joogtada golaha wakiilada Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Saaxil ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u taalay uu ku tuntay isla markaana aanu ogolayn in shuruucda dalka uu ku dhaqmo, isagoo intaas ku daray in heshiisyo qarsoodiya ay xukuumadiisu la yeelatay maamulka Sheekh Shariifka Somalia, tilmaamayna in hoggaanka dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay cadowga Somaliland, waxaanu sidoo kale xildhibaanku sheegay in guddida dhexdhexaadinta eek u guddo jirta khilaafka siyaasiga ah ee ka dhex taagan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka aanay wax natiijo oo midho dhal ahi ka soo baxaynin isagoo daliil uga dhigay ku dhaqan la’aanta shuruucda dalka.

Md:Maxamed Faarax Qabile waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, taas oo uu sidoo kale kaga hadlay qoraalkii guddoomiyaha maxkamada sare uu dhawaan shirgudoonka golaha Wakiilada kaga codsaday in xisaanada laga qaado xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaalada guud ee dalka iyo siyaasada khaarajiga ee Xukuumada Rayaale.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S:maadaama oo guddida joogtada golaha wakiilada aad ka tirsan tahay golihiina wakhtigan xaadirka uu u maqan yahay fasax, sideed u aragtaa qoraalkii uu guddoomiyaha maxkamada sare dhowaan shirgudoonkiina kaga codsaday in xisaanada laga qaado Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale ?

J:Horta arrintan oo guddoomiyaha maxkamada sare u soo qoray shirgudoonka maaha arrin ugub ah ee waa arrin curad ah oo hadda ka horba xeer ilaaliyaha guud uu waaran u soo qoray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada, taas oo dastoorka iyo xeerhoosaadka golahayaguna ay dhigayaan in xildhibaanadu ay u madax banaan yihiin afkaarahooda, mudan yihiina dhawr sanaantooda xildhibaanimo, haseyeeshee qoraalkaa guddoomiyaha maxkamada sare waa mid indho la’aana oo qayral sharci ah, guddi joogto ahaana maanta ayaanu kulan gaar ah ka yeelan doonaa arrinkaasi foosha xun.

Sida sharciyadii dalka loogu tuntay talaabadii golaha Deegaanka lughaya ee gobolka Awdal ay wasaarada arrimaha Gudduhu u kala dirtay taas oo guddoomiye ay soo magacaabeen ay dusha kaga keeneen, iyadoo 13 xubnoodna la kala diray, sidaa darteed arrintan maxkamada Sare ka soo baxday waxan u arkaa baroortu orgiga ka weyn.

S:Waxa jira in dhexdhexaadin ay guddida anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka ay ka dhexwadaan khilaafka cakiran ee u dhexeeya asxaabta mucaaradka iyo xukuumadda, taas oo ka dhashay go’aankii muddo kordhinta ee ka soo baxay golaha Guurtida, arrinkaasi sideed u aragtaa?

J:Horta maaha markii u horeysay ee khilaaf sharci oo dalka ka dhacay laga galay dhexdhexaadin, balse waxa hore u jiray in hore dhexdhexaadin looga galay khilaafkii saddexda gole Qaran, xadhigii siyaasiyiinta ururka Qaran, taas oo qaynuunkii lagu xalin lahaa khilaafyada sharci ee taagan uu maamulkani iskaba laabay, sidaa darteed, maadaama oo aanay kuwaa horaba wax natiijo ahi ka soo bixin oo hal bacaad lagu lisay noqday ma qabo in guddidan maanta dhexdhexaadinta wadaa ay wax midho dhal ah keeni karto.

S:sideed u aragtaa Komishanka Doorashooyinka oo lagu dhaliilo in aanay dalka doorasho ka saari karin?

J:waxaan u arkaa komishankan doorashooyinka Qaranka oo aan qabaa in komishankani yahay macawis uu ina Rayaale guntan yahay.

S:Waxa lagu eedeeyaa xukuumadda Rayaale sida asxaabta mucaaradku ay ku doodayso in aanu Madaxweyne Rayaale diyaar u ahayn in doorasho dalka ka dhacdo, arrinkaasi sideed u aragtaa adigu?

J:Marka la eego habdhaqamada Madaxweyne Rayaale iyo facaa’ilada uu ku dhaqmaayo ee ay ka mid yihiin xisaabtan la’aanta, ku dhaqan la’aanta dastoorka iyo heshiisyada qarsoodiga ahaa, ee ay la soo galayaan maamulka Somalia ee sheikh Shariif ee aanu Madaxweyne ku xigeena qarin, wasiirka khaarajiga ee Somaliland uu difaaci kari waayey hadaladii ka soo yeedhay wasiirka Khaarajiga ee Somalia waxa xaquuq ah in dalkan sharciyadiisii la afduubay oo si badheedh ah loogu xadgudbay, doorashaad sheegaysaaye dalkani wuu afduuban yahay, waxaanu dalku ku jiraa xaalad qaynuun la’aana oo ka xun digtaytarship, runtaana laga warwareegayaaye oo dalkaan wali waxba fahmine Rayaale wuu iscadeeyey waanu cadaystay in dalkan uu sharci daro iskaga haysto,

S;Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Ducaale shirjaraa’id oo uu qabtay shalay (Doraad) wuu ku beeniyey hadalada laga soo sheegay wasiirka arrimaha dibada Somalia, oo sheegayey inuu xidhiidh dhexmaray maamulka Somaliland, arrimahaasi sideed u aragtaa ?

J: Horta wasiirka arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale waa kii ku margaday inuu bayaamiyo heshiisyadaa xaaraanta ah ee la galay, waa nimaan ikhtiyar lahayn oo dooni dabadii saaran meel ay kula socoto iyo jiho ay kula xidhan doono doonida uu saaran yahayna waa nimaan ogayn.

Waxaan kuu sheegayaa Djibouti hogaankeeda Ismaaciil Cumar Geelle waa cadowga Somaliland, waana meel laga soo maleego dibindaabyada iyo mijo xaabinta Somalia.

s:maxaad xal u aragtaa in lagaga gudbi karo xaalada uu dalku ku jiro?

J: waxaan anigu soo jeedin lahaa, in labada gole ee Baarlamaanku ay dalka samata bixiyaan oo ay ka badbaadiyaan burbur ku yimaada, isla markaana ay kulan wada jira ka yeeshaan, xaalada halista ah ee uu dalku ku sugan yahay, waxaanan odhan lahaa goleyaashu waxaanay horayn hore ha u yeelaan.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.