Xaaji Cabdi Waraabow adeer, Riyaale hortiina nabadu way jirtey, intuu joogeyna isagaa khatar ku hayey.

Nabadii waxay noqotay shay la isku xuuxiyo. Somaliland waxay gaadhey heer hadii aad gurigaaga ugu soo gasho nin qaawan oo sariirtaadii fadhiya oo aad xukuumadan haatan joogta ama odayaasha dhaqanka u ashkata tagto, in markay arkaan ninkan qaawan ee sariirtaada ku fadhiya, la odhanayo adeer iska aqbal oo u tanaasul nabadaa sidaa ku jirtee. Hadii aad tidhaahdo “waar nabada iyo tanaasulku caynkan kuma jirtane, ninkan guriga iiga soo saara”, waxa la odhanayaa nabada ayaad ka soo hor jeedaa. Markaasaa Madax dhaqameedyo  iyo hebelo la soo dhaqdhaqaajinayaa. Nabada “Hebel” ayaa inaga duminana ayay mudo lagu celicelinayaa, boogaa la xoqayaa! Xaalad abuur ayaa la bilaabayaa! Taloba fara ka haadey!

Waqtigii Nebi Maxamed noolaa “Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee” ayaa nin Yuhuud ahi laba beelood oo muslimiin ah oo heshiiyey u tiriyey gabayo ay isu tiriyeen waqti ay is dileen islaamka hortii…Qolaba qolada kale hadalkii ay tidhi iyo boogihii buu xoqay, wuxu yidhi reer hebel maalintaa hebel uma aarin. Hebelna hebel hadalkii ku beegnaa ma odhan.  Labadii beelood baa dhug isku yidhi oo hubkii boobay. Suubanihii markay arrintii gaadhey, wuxu yidhi, “Waar ma dhaqankii jaahilayada ayaad doonaysaan anigoo idin dhex jooga?”  Halkii ayuu suubanuhu dabkii biyo ku shubay. Maanta rag Riyaale ka dhex hadlayo ayaa shacabkeenii tii yuhuudiga u akhiriyaya. Durbaan colaadeed iyo dhiilo’aan damayn oo maalin walbal taagan ayaa la shidaaya. Shacabkuse waa faahim oo waa iska arkaa in afkani yahay kii yuhuudka, naarahana uu afuufayo Riyaale.

Wadankii waxu gacanta u galay casaabad isku xidhan oo la baraystay dhulgariir siyaasadeed oo joogtada ah, dhanka kalena ku dirkriyasa nabda ha inaga duminana. Waar nabada ma ilaahay baad qandaraas kaga soo qaadateen? Nabada ma idinkaa haya? Nabada waxa haya Eebe weyne, shicibkaana ilaashada. Nabada waxa diidan Riyaale oo burburiyey instituionskii dadka u dhexeeyey. Tusaale ahaan:

1.   Waxuu kufsaday dhaqankeenii wanaagsanaa, oo madaxdhaqameedyadii ayaa badh noqdeen aalad uu sida qoris-mariska uga dhex oo goor iyo alayl tumaya durbaan xaalad abuur ah oo damqayaa boogo bogasadey oo la ilaabey. Waxa la samaynayaa wax alla wixii uu Riyale ku sii joogi lahaa.
2.   Guurtidii wuxu ka dhex samaystay casaabad ay danohooda isku fushadaan, oo waraabaha u ugu yeedhaysa wan, wankana waraabe.
3.   Parliament-ku wuxu baas-gareeyey boqolaal shacri oo mid qudha aanu Riyale hirgelin. Hadii Paliment-ku damco inay la xisaabtamaan, waxa loo diraa Cawil, oo inta badan iyagaa daalac loo raaca.
4.   Maxkamadihii wuxu ka dhigtay tii Afweyne ee Geele joogi jirey. Muwaadink la doono iyo meeshay doontona ku xidha.  Xoriyatul qowl ma jiro, waa car juuq dheh.
5.   Ciidamadii amnigu maalin walba shacabkii ay ilaalin lahaayeen ayay rasaas nool oo aan tudhaale lahayn la dhacayaan.
6. Comissionkii qaranka wuxu ka qaaday karaamadii iyo haybadii. Wuxu comissionkii ka dhigay baqaa baqaa isaga ka daba hadaaqda. Iyadoo markii horeba si xaq darro distuurku u siiyey shan ka mida 7da xubnood ee comissionka.

Meel inoo bed qabtaa ma jirto, weli waxaa taagan tii Siyaad Barre iyo mid ka fog; car juuq dhen, iyo kacaan diidkii oo lagu bedeley nabad diid macaneheedu yahay Riyaale diid. Golihii Sare ee Kacaanka waxa bedeley casaabad Riyaale maleegey oo foorida shimbiraha u rogaysa  arrin reer ama xaalad abuur ku salaysan reer hebel.

Riyale isagaa nabada diidan. Waxa laga kari la’yahay, war wadanka doorasho xalaala ka qabo. Iyadoo la ognahay inuu Riyale gacanta ku haysto, institutionka wadanka oo dhan, sida “Guurtida, Maxkamada, Gudida Doorashada (National Election Committee),  Ciidamada Amaanka, Handitii iyo Hay’adihii dawladaa oo dhan. Iyadoo aynu ognahay inuu boob iyo xoog ku marsaday doorashadii hore iyo sadexdii korodhsiimo ee xigey. Hadana waa diidanyahay inuu doorasho qabto. Goor kasana far baa maydh la’.

Xaaji Waraabow, Adeer nabada cida diidani maaha mucaaradka iyo shacabka midna. Gari Alay taqaane, nabada Riyaalaa diidan. Waana ognahay inaanay doorasho dhacayn. “Waxaro ayaan aqaan oo dundumaan aqaan”. Sifo ay doorasho ku dhacdaaba ma muuqato. Tusaale ahaan:

1.   Waa ta koowade, Serverkii intii comissionkan cusub ee Mr. Sweden dembaabaa yimi, meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo. Waxa ugu war dambaysey iyadoo Aw-Ahmed Yasiin leeyahay aan bal cid ka daba diro. Hindiya ayaa lagu sheegayey. Hadaan inyar ka aqaano culuunta Computerkana, Biometric system ciyaar kuma hir galo. Server qudhihina ma shaandhayn karo. Database wuu noqon karaa, laakin biometric system Africaba ma yaalo.
2.   Waa ta labaade, doorashadii agabkii lagu geli lahaa lama hayo. European Union-kii iyo deeqbixiyayaashii kaleba way freeze-gareeyeen mood iyo noolba hantidii ay ballan qaadeen, waxay ku xidheen in arrinta waddanka ee cakiran Riyale nabad ka yeelayo.
3.   Ku darso oo, doorashada waxa si ula kac ah ayaa loogu beegay Ramadan, Ramadaana doorasho dhicimayso. Iyadoo Riyale khuurinayo ayay Septemberta uu qabsaday imanaysaa, wuxuna odhanayaa lacagi ma jirto oo lacagihii deeqbixiyayaashu way joojiyeen.

Masuul anigu kama ahi…Kursigan la faaruqin kari maayo. Guurtiduna laba sano oo cusub ayay ugu dhufanaysaa. Ciyaartii ayaa halkeedii laga sii wadayaa…You get the point.

Nabada Riyale ma keenin, mana dumin karo, carqalad wen ayuu ku hayaa. Nabadu waxay ku timi “Alla weyne”. Waxa ka shaqeeyey 12kii beelood ee gamcaha isku saaray Burco iyo Boorame, ee dhidibada u aasay Somaliland. Nabada waxaa keenay SNM oo Somaliland ka xoraysay taliskii Siyad Barre, dhulkana dhigtay taladii dalka oo aan noqon shufto shacabka laysa, ama hogaamiye kooxeedyo ku loolama masiirka wadanka.  Waxaa nabada keenay shacabkii isa saamaxay ee ilaahay beerkooda burcadka isu mariyey. Nabada waxa keenay mucaaridka goor iyo alayl lagu eryanayo xabada ee qabsan kari la’ mudaharaad salmi ah.

Waxaa marag ma doonta ah in Mucaaridku ay yihiin sharafta keliya iyo institutionka keliya ee Somaliland manta inooga bedqaba. Mucaaridku waa dhidibada dimoqraadiyadeenu ku taagantahay. Dawladu way dumisey dimoqraadiyadii, waxayna u diga rogatey aalad dad gaar ahi si khakhsi ah u adeegsadaan. Miyaad aragtay mucaarid sita xabad ama tooganaya shacabkiisii? Miyaad aragteen mucaarad dhagax tuuraya? Miyaad aragtay mucaarad si guracan u adeegsanaya madax dhaqameedka ama isku diraya beelaha walaalaha ah, ama ka sitaynaya oo xooqaya boogihii aynu bogsiiney? Mucaaridku waa institution-ka keliya ee inoo bed qaba. Waxayna  markasta si habsami ah oo salmi ku dhisan u dalbanayeen in doorasho xor iyo xalaala la qabto. Mucaaridku waxay soo hooyeen guulo ay ku faanto Somaliland Waxa nabada diidan casaabada  maalin walba daqmaya boogihii shacabka laga bagsadey. 

Riyaalow maalintii Cigaal geeriyoodey, “Alla yarxam” si sharaf leh ayaa wadankii gacanta laguugu geliy. “Deero deero may herdiyin”. Weliba laguu haniyeey oo duco iyo wanaag laguu raaciyey. Waxaa la galay doorasho aad ogayd in KULMIYE kaa helay, oo laguu mustafeeyey oo layidhi 82 cod baa sanduuq lagu iloobey. mucaaridku, nabad ayuu ka doortay oo laguugu hibeeyey.  Maanta waxaad ku joogtaa sharci darro, iyo sadex korodhsiimo xaaraan ah. Riyaalow Somaliland iyo dawladnimadii sidii dermadii ayaad cidhifyada uga soo laabtay. Waxad isugu keenay Hargeysa. Waxayna tegi doontaa qasriga madaxtooyada. Yaan jar lagaa tuurin, markay runi run geydo, ee damero ilmohood cunaan, hebelo waxba kuuguma jila. Hadhow nin waliba reerkiisii buu odhanayaa “hooyoy hoosta I geli” Keligaa ayaa eeda iyo aafaduba ku raacaysaa? Lama hayo wiil sidaad wax u wado ay ugu badisay. Dictotor kastaa si fool xun buu u dhintay…..Aduun hadal baa kahadha.

Ibrahim Yusuf Bulay
dhirsi@hotmail.com

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.