Wasiirka Hawlaha Guud Ee Maamulka Riyaale Oo Ka Muquurtay Kulan Ay Ka Dalbadeen Guddida Joogtada Ah Ee Guurtida

Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirka hawlaha guud ee maamulka Daahir Riyaale ee wakhtigiisu dhamaaday Siciid Sulub Maxamed ayaa ka baaqsaday in uu hortago guddida joogtada ah ee golaha Guurtida oo ka dalbaday kulan ay kaga xogwaraysanayaan xaraashka dhulka danta guud ee ay xukuumaddu sida sharci darrada ah u dhaxal wareejisay.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Cabdillaahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) ayaa sabtidii saxaafadda u sheegay in wasiirka hawlaha guud uu ka warwareegay in uu hortago guddida joogtada ah oo u yeedhay, ugu dambayntiina uu kula balamay sabtidii xafiiskiisa balse aanu fulin balantaas oo uu u gooyay.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah Cabdillaahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) waxa uu sheegay in ay ugu yeedheen wasiirka hawlaha guud in uu sabtidii warbixin ka siiyo iibka guryaha dawladda ee Indian Linka oo xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ay ku wareejisay qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalka kuwaasi oo la sheegay in laga iibiyay.

Xaraashkan dhulka danta guud ayaa muujiyay in musuqmaasuqa Daahir Riyaale iyo kooxdiisu in uu gaadhay heerkii ugu sareeyay ee la arko caalamka, taasina ay sababtay in dadku ay meel walba kaga sheekeeyaan.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E – Mail: afqarshe114@hotmail.com
arc.somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.