Warbaahinta Daahir Riyaale Oo Aan Laga Sii Dayn Wada-hadaladii Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed

Hargaysa (Somaliland.org)- Wada-hadalada la doonayo in xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo shalay billaabmay kadib markii xubno ergo ah oo iskood isu xilqaamay ay ku guulaysteen in dhinacyada salka u ah khilaafaadka oo ah axsaabta qaranka in ay isu keenaan, ayaa wada-hadaladaasi aan laga baahin Telefiishanka madaxtooyada laga maamulo iyo Radio Hargaysa.

Dadwaynaha ku dhaqan caasimadda Hargaysa ayaa maanta si xoog leh u hadal hayay sababta warbaahinta Daahir Riyaale Kaahin looga sii dayn waayay furitaanka wada-hadalada khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira oo shalay furmay, iyada oo Culimada Masaajidada Hargaysa qaarkoodna ay ka hadleen arrintan oo ahayd mid miisaan wayn leh, shacbiga reer Somalilandna ay si wayn dhagta ugu taagayeen oo saamayntii khilaafka siyaasadeed uu dalka si wayn u gilgilay, khilaafkaasi oo bilaambay ama ka dhashay markii golaha guurtidu muddo 6 bilood ah ay u kordhiyeen Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, iyada oo aanay wakhtigan jirin sabab ay korodhsiimo u timaado maadaama aanay dagaalo dalka ka jirin.

Baahin la’aanta wada-hadalada khilaafaadka siyaasadeed ee warbaahinta Daahir Riyaale waxa ay muujinaysaa in aanay Daahir Riyaale iyo kooxdiisu’aanay danaynayn dedaalada loogu jiro dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Dhinaca kale guddida dhexdhexaadinta oo dhagaystay shalay guddoomiyayasha axsaabta qaranka ayaa la sheegay qoraal maanta ka soo baxay in la isku qabsaday oo dib loo celiyay intii aanay warbaahintu helin, waxaana warar xogogaal ahi ay sheegayaan in go’aankooda kama dambaysta ah ay soo saari doonaan maalinta salaasada ah ee fooda inagu soo haysa.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E- mail: afqarshe114@hotmail.com
www. Somaliland. org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.