Ciidamo Si Gaar Ah u Ugaadhsanaaya Al-shabaab Oo Muqdisho Laga Abaabulay.

Kadib Markii lagu guuldaraystay dhex-dhexaadin laga dhex waday Golaha Maxkamadaha iyo Argagixisada Al-Shabaab, ayaa Maxkamaduhu dhankooda ka bilaabeen qorshe ay iskaga caabinayaan weerarada kaga imaanaya dhinaca Al-Shabaab. Weeraro rogaal celin ah oo ay qaadeen ciidamada Maxkamaduhu todobaadkan ayey ku dileen ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Golaha Maxakamadaha ayaa dhisay laba kooxood oo ugaadhsada xubnaha Al-Shabaab si ay uga sifeeyeen Magaalada Muqdisho. Madaxdii kooxda Al-Shabaab ayaa gebi ahaan iskaga baxay Muqdisho labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxana hada la ugaadhsanayaa dhalinyaro yar yar oo ka tirsan Al-Shabaab Muqdishana u jooga in ay laayaan xubnaha dowladda Shariifka ka tirsan.
Haddii uu sii socdo is-ugaadhsigan u dhexeeya labadan kooxood ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu galaafto dad badan oo aan waxba galabsan loona dili doono shaki iyo hubsiino la’aan ku saabsan dagaalka u dhexeeya labadan kooxood.

By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.