Xafladdii Gurmadka Abwaan Boon Xirsi Oo Xalay Lagu Qabtay Magalada Toronto

Toronto, Canada AprilBandhigfaneed  Boon Xirsi 25-  Faniinta waawayn ee Somaliyeed ee magaalada Toronto ayaa xalay xaflad balaadhan oo aad u xiso badnayd ka tumay tiiyatar ku dhex yaal dugsiga la yidha David and Mary Thompson ee ku yaal bariga magaalada Toronto. Gudida soo qaban qaabisay xafladdaas oo ah gudida gurmadka abwaan Boon xirsi ayaa dadweynihii halkaa isugu yimid u soo diyaariyay barnaamij khudbado iyo heeso isugu jiray.

 

Anwar sheekboonfundraisingh oo isagu ahaa qofka daadihinayay barnaamijka gurmadka ayaa ugu horaynba waxaa uu mikrfoonka ku soo dhaweeyay Md Jim Karigiannis oo ah mudane ka tirsan baarlamanka dalka Kanada oo laga soo doorto xaafada Scarborough agin court ahna xaafad ka mid ah xaafadaha ay degaan dadweynaha reer Somaliland ee Toronto oo ku taala bariga magaalada. Md Karigiannis, wuxuu dadweynihii uu kula hadaly halkaa uga mahad celiyay martiqaadka ay soo marti qaadeen iyo sida wanaagsan ee uu xidhiidhka ula leeyahay Somaliland madax iyo qurba joogba. Md Karigiannis waxa u halka ka sheegay in ay hada sameeyeen gudi uu madax ka yahay oo ka tirsan mudanayaal baarlamnka ah oo lagu magacaabo gudida saaxibada Somaliland.

Waxaa isna halka si wayn d

boonfundraising1adweynihii halkaa isugu yimid kala hadlay Md Ducaaleh Maxamed Xirsi oo ah odayga jaaliyada Somaliland ee magaalada Toronto. Md Ducaaleh waxaa u si guud ugula dardaarmay dadweynihii halkaa isugu yimid in ay isku duubnaadaan, diintooda iyo dhaqankoodana ku dheganaadaan si dhalinyaradu ay dariiqa wanaagsan ee toosan u qaadaan. Md Ducaaleh waxaa uu aad ugala dardaarmay waalidiintu in ubadkooda la socdaan kana badbaadiyaan caadaadka qaldan ee maanta caruuro fara badani uga buuxaan jeelasha magaalooyinka waawayn ee Kanada.  Md Ducaaleh Maxamed Xirsi waxaa ugu dambayn uu aad ugu ahad celiyay gudidii qabanqaabada gurmadka abwaan Boon Xirsi iyo dhamaan haweenka oo u sheegay in ay kalintoodii bulshada si fiican uga soo baxeen.

Waxaa markaas halka ka bilaamay heeso macaan oo aan kala go’ lahayn oo aynu soo diyaariyeen fannaaniinta waawayn ee magaalada Toronto oo kala ahaa fanaanada xidigta wayn ee Shamis Qarda Jeex, xasuuso waayo waayo fannaanadii waynayd ee  Khadija Cabdillahi Dalays, Faduma Cali Nakruuma oo aad u xiiso badnayd, Fannaanka Kooshin codka wanaagsan, Fartuun Birimo iyo heesihii dhaantada ahaa, Aways iyo fannankii waynaa ALLA wayne Cabdil Jabbaar Alkhaliiji oo isagu ku soo khatimay heeso’aad u macaana.

boonfundraising2

 Xafladda gurmadka abwaan Boon Xirsi oo gudida is xilqaantay wada degan yihiin magaaladan Toronto ayaa la soo gabagabeeyay 0300 subaxnimo. Hadaba gudida qabanqaabada gurmadka iyo dadweynihii faraha badnaa waxay talo bixin ku soo jeediyeen in la sii wado dhaqaale ururinta cisbitaalka loogu soo qaadayo abwaan Boon Xirsi oo aan halka lagu joojin. Gudidu waxay dadweynaha ka gaysanaya tabaruca ka codsanayaan in ay ku soo hagaajiyaan wixii dhaqaale loogu tabarucayo abwaanka Accountka looga furay sharikada Dahabshiil oo ah;

Account ku:              D11570
Magaca ACCont Ka: Axmed Juuq Dhowr

 Magacyada Gudida Gurmadka Dhaqaale Ee Abwaan Boon Xirsi Oo Kala ah:

Shamis Qardajeex
Axmed Juuq Dhowr
Anwar Sheekh
Ismaciil Farax
Ibrahim Mataan

 

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Somaliland.org
Toronto, Canada

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.