Natiijadda Shirweynihii Shalay ee xoojinta Cududda KULMIYE ee H. Yoonis iyo H. Awal

Wararkii Wargeyska Ogaal, Axad Apr.26, 2009.

Marti-qaadkii Suldaan Cismaan, Miisaankii madasha iyo Milicsigii Tawfiiqda

Hargeysa: Natiijadda Shirweynihii Shalay ee xoojinta Cududda KULMIYE ee H. Yoonis iyo H. Awal
Hargeysa (Ogaal)- Shir weyne ay ka qayb-galeen in ku dhow kontomeeyo xubnood oo isugu jiray Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan, Aqoon-yahano iyo wax-garad kaleba, lagagana arrinsanayay sidii kor loogu qaadi lahaa loona tayayn lahaa siyaasada mucaaradnimo, isla markaana loogu midoobi lahaa Xisbiga KULMIYE cudud ahaan iyo dhaqaale ahaanba, si uu si buuxda guusha u beegsado, ayaa shalay ka dhacay Xaafadda New-Hargeysa.

Shirkaas oo la sheegay in uu daba socday kulan hore uga dhacay magaaladda Burco, waxa marti-qaadka qabashadiisa lahaa Suldaanka Beelaha H.Yoonis, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, waxaana kulankaas sumadiisu u ekayd mid laba dhinac ah (Mucaaradka KULMIYE ee Beesha Habar-awal iyo mucaaradka KULMIYE ee Beesha Habar-yoonis), dadkii dhinacyadaas uga qayb-galayna waxa ka mid ahaa, Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Cabdi Iskeerse, Abiib Diiriye ( Abiib Timacad), Maxamed Xaashi Cilmi, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weyne, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Xildhibaan Ibraahin Kacaan, Xildhibaan Maxamed Xuseen Ciise iyo xubno kale oo dhalinyaro iyo siyaasiyiinba isugu jiray. Dhanka kalena, waxa ka qaybgalay, Dr, Maxamed Cabdi Gaboose, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur), Xildhibaan Maxamed X Yuusuf (Waabeeyo), Maxamed Shukri, Yuusuf Nuur Guruuje, Cabdillaahi Carab, Jaamac Ganaf-cade iyo xubno kale. Waxa kale oo ka qayb-galay fadhigaas Suldaan Barre oo wehelinayay Suldaan Cismaan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Suldaan Cismaan oo la sheegay in uu maanta u safrayo dhinaca dalka Ingiriisku, uu kulankaas furay, hadal dheer oo uu ka jeediyayna uu ugu qadimay labadaa dhinac, in loo baahan yahay midnimo lagu beegsado guusha doorashada. Isla markaana si taasi suura-gal u noqoto ay lama huraan tahay in lagu midoobo oo lagu bahoobo Xisbiga KULMIYE. Sidoo kale dhamaan dadkii madasha shirkaa ka hadlay ee labada dhinac waxay iska daba mareen, in Madaxweyne Rayaale uu ku fashilmay hogaamintii taladda dalka, sidaa aawadeedna haatan loo jeel qabo isbedel macno leh, si kaa loo beegsadana waxa la sheega in gunaanadkii shirkaasi isla qaatay, in labada beelloodna ay cudud ahaan iyo dhaqaale ahaanba KULMIYE isugu geeyaan awood kasta oo suura-gal ah. Isla markaana waxa kale oo kulankaasi isla qaatay, in qurba jooga labada dhinac loo hawl-galo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaqaalaha Xisbiga.

Siday tibaaxeen warar aanu ka soo xiganay illo ku dhaw-dhawaa kulankaas, shirkaas waxa kale oo layskula qaatay, in loo hawl-galo sidii loo suulin lahaa xintanka qabaliga ah ee xanuunka ku noqday siyaasadda Somaliland, isla markaana la ilaawo wixii damac ah oo la isugu tago sidii marka hore looga midho-dhalin lahaa isbeddel dalka lagu badbaadinayo. “Marka waylaha la helo ayaa lo’da la maalaa.” Weedhan ayaa ka tarjumaysa Baytal-qasiidkii shirkaas.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.