Togdheer Oo Loo Soo Magacaabay Laba Taliye Qaybeed oo Isku Darajo ah

 
 
Burco (Somaliland.org)-Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa la sheegay in uu Gobolka Togdheer u Soo magacaabay Laba taliye Qaybeed oo isku darajo ah kuwaasi oo yeelan doona laba Taliye ku xigeen
 
Ka dib markii badhtamihii Bishan April xilka laga Qaaday taliyihii hore ee Qaybta booliska ee gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale
 
Wararku waxay sheegayaan in Yuusuf Shire Cabdi loo soo magacaabay Taliyaha Qaybta Degmada Faarax Oomaar, halka Taliye ku Xigeenkii Hore ee Qaybta booliska Togdheer Cabdi Xandulle na loo soo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Degmada Maxamed Cali
 
Sida ay sheegayaan wararkan oo aanu ka xaqiijinay Qaar ka mid ah Gudiga nabadgalyada ee Gobolka Togdheer labada Taliye mid ka Mid ahi, waxa uu la Socday Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo maanta socdaal ku yimid Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer
 
Ilaa iyo hada ma jiro warar faah-faahinaaya magacaabista Labadan taliye ee isku darajada ah oo ka soo baxay taliska guud ee Ciidanka Booliska, iyo maamulka Gobolka Togdheer
 
Hasa yeeshee Macnawiyan Magacaabista Labadan Taliye oo hayb ahaan ka soo kala jeeda labada degmo ee loo kala magacaabay ayaa ah mid laga kala bixiyay Aragtiyo kala jaad jaad ah
 
Dadka qaar ayaa arintani xiligan ku macneeyay bilowgii talaabooyin lagu kala qaybinaayo beelaha Gobolka Wada dega, halka qaar kalena ay ku macneeyeen in ay tahay talaabooyin la jaanqaadaaya Fiditaanka Baaxadeed ee Degmada Burco oo sii weynaatay Baryahan danbe
 
Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee Gobolka Togdheer loo soo Magacaabo Laba Taliye qaybeed oo isku darajo ah tan iyo Inta la Xasuusan yahay Jiritaanka Gobolka Togdheer
 
Foosi Saleebaan Aw-Biindhe
Somaliland.org  Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.