Sool: Dagaal dhex Maray Ciidamada Somaliland ee Jiidaha Bari Iyo Kuwa Puntland

 
 
 
Burco (Somaliland.org)-Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha bari ayaa gacanta ku dhigay laba gaadhi oo midkii tikniko yahay  iyo sadex askari oo maxaabiis ah.
 
Ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Deegaanka  Cadaadda oo u dhaxaysa Tukaraq iyo Gambara Ciidamo taabacsan Maamul goboleedka Puntland oo halkaasi ku sugnaa, Sidaasina waxa Somaliland.org u xaqiijiyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka ee Jiida hore
 
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dagaalkani qarxay markii ay ciidamada Somaliland ku ruqaansadeen deegaanka Cadaadda oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland, halkaasi oo loogu sii gogol xaadhaayay safar uu ku iman lahaa Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaasi iyo xubno Wassiiro ah oo ka tirsan Maamulka puntland
 
Wararka laga helaayo dhinaca Ciidamada Somaliland waxa ay sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen gaadhi Tikniko ah oo uu saaran yahay Qori Baroon 30 Ahi iyo Gaadhi yar oo Mark II ah iyo Sadex askari oo maxaabiis ah
 
Isla markaasina ay Ciidamada Somaliland gacanta ku hayaan goobta uu dagaalku ka dhacay, hasa yeeshee ma jiraan warar faah-faahinaaya jiritaanka wax dhimasho Iyo Dhaawac ah oo soo kala gaadhay labada dhinac
 
Maamul goboleedka Puntland ayaan isagu ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin sababaha dhaliyay Dagaalkaasi, iyo Khasaaraha ka soo gaadhay intaba
 
Hasa yeeshee waa markii u horeysay oo dagaal noocan oo kale ahi dhex maro Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka goboleedka Somaliyeed ee Puntland Tan iyo Intii la doortay Maamulka Madaxweyne Faroolaha Puntland
 
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Somaliland.org  Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.