“Riyaalow Waxay Ragganimo Kuugu Jirtaa Ummadda Oo Aad U Soo Celiso Maalkooda, Haddii Aad Doorashada Ku Guulaysan Weydana Waxaad Heli “Pension” Kugu Filan”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi“Riyaalow Waxay Ragganimo Kuugu Jirtaa Ummadda Oo Aad U Soo Celiso Maalkooda, Haddii Aad Doorashada Ku Guulaysan Weydana Waxaad Heli “Pension” Kugu Filan”

“Adduunkaa Aad Urur-Satay Waxa Kaa Raaci Doonta Maro Yar Oo Cad Oo Ay Fiicnaan Lahayd Inay Tahay Xalaal” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa, April 24, 2009 (Haatuf) – Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee urur-siyaasadeedka QARAN ee bah-wadaagta kula jira xisbiga KULMIYE, ayaa eedo musuq-maasuq u soo jeediyay Xukuumadda Riyaale, taas oo uu sheegay inay hanti badan ka urursatay muddadii ay xukunka dalka haysay, waxaanu Madaxweyne Riyaale u soo jeediyay inuu ummadda reer Somaliland u soo celiyo maalka ay xukuumaddiisu ka musuqmaasuqday.

Sidaana waxa uu Eng. Maxamed Xaashi ku soo bandhigay qoraal dhawr bog ah oo uu shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Xaalad adag oo horleh ayaa soo food saartay JSL. Xaaladdaa waxa abuuray madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Daahir wuxu mansabka Madaxweyne ka dhaxlay, Madaxweyne M .I.Cigaal (AN) bishhii May 2002. Daahirna wuxu u magacaabay Ku-Xigeen madaxweyne Axmed Yuusuf Yaasiin.

Maamulka Rayaale side loo arkaa? Sida qaalibka ah, madaxdu waa laba nooc. Mid ay arrimihiisa gaarku hogaamiyaan iyo mid u adeega danaha caamka ee dalka iyo dadka. Haddii aan qiimayno xil gudashadii Daahir Rayaale Kaahin, wuxu ku sifoobi nin aad u danaya arrimihiisa gaarka ah. Madaxda noocan ihi waxa ay adeegsadaan, dad u dhaga-nugul. Karti iyo daacadnimo ma aha, shardi raali geliya.

Waxa furma, albaabada musuq-maasuqa. Dastuur, sharci iyo dana-gaar meel uma wada hoydaan. Dastuur iyo sharci waxa loo sameeyay, danta caamka ah. Waa sababta Dastuurka loo adkeeyay, ee lagu ansixiyay afti dadweyne.

Sidee ayay madaxda noocan ihi, dadweynaha u raali geliyaan? Waxa ay adeegsadaan Qabiil. Kaas oo u adeega danaha khaaska ah. Mid qof, qoys ama beel.iwm. Markaa dadweynaha waxa loo tumaa durbaanka qabiilka. Durbaankaa waxa u dhaga-wadan danayste oo dhan iyo inta aragtida gaaban. Kuwaa, waxa hormood ka ah: Maal-qabeen, Madaxa-dhaqameed baahi badan iyo af-miishaar.

Waxa dadweynaha lagu duufsadaa sheekada; Dawladdii reer-hebel, wasiirkii reer-hebel. Waxa la isugu faanaa, Madaxweyne ilaa Agaasime, wasiir, xil-dhibaan iwm ee reerku leeyahay,. Waa dareen in aan dadweynuhu u sinayn xukuumadda, haddii ay tahay mansab ama dheef. Waa aasaaska xukuumad balaadhan oo tayo xun. Waa majaro habaabin dadweyne. Laguma xisaabtamo, maxay xukuumaddu qabatay, ee waa imisa madaxda aynu ku leenahay. Waa gaboodka madaxda sare ee musuq-maasuqa, maal urursigii iyo kursi jaceylka.

Maxaa Rayaale lagu xusuusan karaa ee wanaag ah, toddobadii sannadood uu xilka hayay?

1. Doorashooyinkii Dawladaha Hoose.

2. Doorashadii Madaxtooyada

3. Doorashadii Golaha Wakiilada.

4. Ciidamadii uu geeyay gobolka Sool.

Bal iyana raadkii Rayaale aan dib u raacno, toddobadaa sannadood, guul-darrada laga dhaxlay:

1. Ficilkii ugu horeeyey, wuxu ahaa, inuu odayaal u diro, xaaskii marxuum Cigaa inay guriga uga saaraan, iyada oo geeriyaysan oo assaydii sidda.

2. Maamulkii JSL ee uu ka soo raray Sool iyo Sanaag-Bari 2002.

3. Todobadaa sannadood, Rayaale ma dhisin hal Class room. Wuxu ku mashquulay dan u gaar ah.

4. Muddadii Deegaamada oo dhamaaday oo sharci darray ku fadhiya. Waa xil Rayaale gabay.

5. Madaxtooyada, oo muddo kordhin aan sharci ahayn ku fadhida. Iyana waa xil Rayaale gabay.

6. Guurtidu oo muddo kordhin isu sameeyay aan sharci ahayn. Waa xil Rayaale gabay.

7. Maamulka oo aan wada gaadhin gobolada iyo degmooyinka dalka.

8. Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada oo aad u yar, oo aan lagu noolaan karayn.

9. Darajo la’aanta ciidamada kala duwan ee Qaranka.

10. Ganacsigii xoolaha, ee xorta ahaa oo loo xidhay shirkadda Jaabiri.

11. Marinkii xoolaha dhoofa ee Berbera, oo boqolkiiba lixdan (60 %) ka dhoofto Djibouti iyo. Waxa sababay dan-wadaagta Rayaale-Jaabiri.

12. Itoobiya shidaal jabani inooga yimaad. Sababtu waa dan-wadaagta Rayaale-Total.

13. Kala xadeyn la’aanta Gobolada iyo degmooyinka JSL iyo ku xad-gudubka (Xeer Lr 23/2002, Qodobka 7aad -1,2,5,7; oo sababay bililiqaysiga Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin degmooyinkii Gobolka Hargeysa iyo Gabiley.

- Qaybta Rayaale::Awdal: Bildhaale, Ceel-lahelay, Waraqa-Dhigta, Ceel-Sheekh, Hulka, Cabdi-Geeddi Shirdoon, Lug-Haya, Hadeyta (Sh. Madar ku dhashay), Cali –Xaydh, Garba-Dada iyo Diirato.

- Axmed Yuusuf Yaasiin: Saaxil: Qudhaca, Salay-Biyo Kulul iyo Boodale.

14. Tuulayaasha xaqii ay u lahaayeen diiwaan gelinta loo diiday: Bildhaale, Ceel-lahelay, Waraqa-Dhigta, Ceel-Sheekh, Hulka, Cabdi-Geeddi Shirdoon.

15. Maraakiibta Kalluumaysiga ee Masar, Dan-wadaagta Qasriga-Ina-cunaaye ……..

16. Dhex-dhexaadinta Rayaale iyo Madaxweynaha Somalia ee Madaxweynaha Djibouti waddo. Arrintani waxa ay qayb ka tahay, dib-u-dhiga doorashada, si Rayaale u noqdo ninka wadahadalka la gelaya Shariifka.

Maxaa u sabab ah, xaaladdan dalku galay? Si kooban waa; Adduun urursi iyo Tir-tiridda JSL.

1. Waxa aan maqaalkii hore ku xusay, in uu jiro dakhli badan oo aan Miisaaniyadda Qaranka gelin ($ 52,227,407) sannadkii iyo in ka badan oo aanan hadda xogtooda hayn. Toddobadii sannadood hantida ummadda ee la lunsaday way ka badan tahay $ 365,600,000.

2. Mushaharka madaxweynaha oo qudhaa la yaab leh, waa: sls 2,600,419,200/ 3,500 = $ 742,977 sannadkii ama $ 62,000 bishii. Kaas oo ka badan mushaharka madaxweynaha USA.

3. Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay:

- Djibouti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah.

- Qaahira ; Dhisme 9 dabaq ah, oo ku qoran , Cabdi-Raxmaan Daahir Rayaale Kaahin.

- UAE (shaariqa) : Qasri

- Boorama dhawr guri.

4. Xisaabaha Baanka JSL uga furan: Djibouti, Germany iyo Addis-Ababa. Baanka JSL, ma furo L/C, waxa la odhan karaa, waa xisaab madaxdu dhigato lacagta.

5. Waxa maanta la boobayaa, hantidii maguurtada ahayd ee JSL. Waxa laga iibiyaa niman maal-qabeen ah. Iibkaasi ma aha mid Dastuurka iyo sharciyada Dalka waafaqsan. Mana aha iib gala Miisaaniyadda Qaranka. Waa XAARAAN ay u badhee-dheen kuwa iibsadaa iyo xoolo ay iska LUMIYEEN.

6. Sidoo kale, Bula-xaar, dhul laga kireeyay/iibiyay Carabka Jaabiri : Ma aha mid waafaqsan sharciga mana aha dakhli galay miisaaniyadda.

7. Qaraxii – Hargeysa: Waxa la yidhaahdaa, waxa inna caawiyay; Qadar, Baxreyn, UAE iyo UNDP?

8. Markab raashin ah, oo Carabka Camuudi ku caawiyay, ummadda baahan ee JSL oo Cawil Cali Ducaale ku iibiyay Djibouti, lacagtiina ayna gelin khasnadda dawladda ama miisaaniyadda.

9. Hantida uu urursaday Cawil (Xusseen) Cali Ducaale intii uu xilka hayay:

- Kenya (Nairobi) affar daarood oo middii tahay hal dabaq..

- 7 gaadhi weyn oo Volvo ah.

Cawaaqibka ka dhashay wuxu noqday, JSL oo lagu sifayn karo maamul bur-buray (Failed State).

F.G: Maalkaa la lunsaday wuxu Dalka iyo Dadka u Qaban lahaa: Qoraalkii hore, waxa aan soo sheegay lacagta la lunsadaa, sannadkii inay ka badan tahay, $ 52,227,407. Waxa kale oo aan ku xusay lacag kale $8,073,688, laga samayn karo wasaarado iyo kharashyo la dhimo. Isugeyn; $ 60,300,000. Haddii la danaynayo dadka iyo dalka: Waxa lacagtaa la gelin lahaa arrimahan soo socda:

Daryeelka Shaqaalaha iyo Ciidamada: Waxa Mudnaanta la siin lahaa, shaqaalaha iyo ciidamada. Waxa loo kordhin lahaa Mushaharka 500 %, si loo gaadhsiiyo heerkii mushahark joogay, 1994. Iyada oo Dib-u-habayn lagu sameeyn tirada iyo tayada. Waxa lagu kordhin lacagta ku baxda, Toddoba iyo labaatan milyan $27,000,000.

Korodhsiimaha 500 %, Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada.

Darajada A Mushaharka Hadda $ 68.00 Mushaharka Cusub $ 340.00
Darajada B Mushaharka Hadda $ 56.00 Mushaharka Cusub $ 280.00
Darajada C Mushaharka Hadda $ 42.00 Mushaharka Cusub $ 215.00
Darajada D Mushaharka Hadda $ 24.00 Mushaharka Cusub $ 120.00

Waxbarashadu: waa muftaaxa aqoonta, Waa asaaska horumarka. Waxbarashada guud ahaan, si gaar ahna Dugsidyada farsamada ee lagu barto xirfadaha casriga ah, si dhalinyaradu shaqo u hesho.

Ardayga waxa dhibay Fiiga; Dugsi Hoose/Dhexe ilaa Jaamacad. Dadweynaha ay isu garabsadeen; sicir-bararka iyo shaqo la’aantu, ma awoodi karo Iskuul fiiga laga rabo..

Marka macaliminka mushaharka, loo kordhiyo waxa laga dhaafi ardayga; Dugsiysda Hoose/Dhexe ilaa dusiyada Sare ee Xukuumadda Fiiga laga qaado. Waxa loo dejin Qorshe shan sannadooda ah oo Miisaaniyadaha Qaranka loogu daro Laba milyan oo Doollar ($ 2,000,000) sannadkii ba.

Sido kale, Taclinta Sare, waxa loo dejin siyaasad iyo Qorshe ku salaysan baahida dalka, tayada iyo shaqo abuurka. Isla markaa waxa Miisaaniyadda loogu dari sannadkii laba miyan oo Doolar ($2,000,000). Halka ay Xukuumadaa hadda ka siiso, laba iyo lixdan kun oo Doollar ($62,000) sannadkii. Fiiga ardayga Jaamacadaha laga qaado dib-u-eegid baa lagu sameyn si looga dhigo ilaa $15 bishii, halka uu hadda ka yahay $35 bishii.

Beeraha: Noloshii dadweynuhu cidhiidhi bay ku sugan tahay maanta; sicir-barar, abaaro iyo cunno yaraan. Si wax soo saarka beeraha loo kordhiyo, loona soo saaro cunno dalka ku filan, waxa Biyo-Xidheeno iyo biyo–qabatiino (Irrigation) loo sameyn dhul-beereedka Gobolada. Waxa loo Qorsheeyn muddo shan sannadood ah, in la geliyo; Laba iyo toban Milyan oo Doolar ($12,000,000) ama Laba milyan iyo affar boqol oo kun ($2,400,000) sannadkii.

Caafimaadka:Waxa Caafimaadka loo qorsheyn, Dhisme Cusbitaalo, dib-u-habeyn kuwa jira iyo qalabayntooda; Waxa kale oo kordhin Xarumaha caafimaadka ee Tuulooyinka iyo Miyiga (MCH iyo Health Posts). Waxa Miisaaniyadda loogu dari hal milyan iyo badh ($ 1,500,000) Sannadkii, qorshaha shanta sannadood.

Kalluumeysiga: Waxa gaar looga dhigi dadweynaha JSL si shaqo loogu abuuro. Waxa la dhigi Qaboojiye; Berbera. Zeylac, Xiis, Maydh iyo Laas-Qoray. Miisaaniyadda Qaranka waxa looga qoondeyn ilaa Saddex Milyan oo Dollar ($3,000,000).

Berbera-Free Zone Area; Waxa si dhakhso ah loo bilaabi inta aynu awoodi karo, oo ah; qorshaha (Plan), dhismaha dariiqyada, xaffiisyada iyo Bakhaarada. Biyo gelinta, korontada, iyo isgaadhsiinta, qalabaynta. Hawlahaa waxa loo qoondeeyey; shan milyan ($5,000,000).

Jidka Ina Af-Madoobe / Ceerigaabo: Si dhaqaalaha Gobolka, loogu soo xidho, Dalka intiisa kale, waxa la siin mudnaanta dariiqaasi leeyahay. Dhererku waa 306 Km. Sannadkii waxa la dhisi ilaa soddon km. oo laamiya. Waxa loo qoondeyay $ 7,500,000 sannadkii ba. Waana mashruuc toban sannadood.ah. Wadooyinka Dalka sida Hargeysa-Borama iyo kuwa kale oo badan waxa lagu dari qorshaha Horumarinta Isgaadhsiinta.

Waxa Kayd, u soo hadhay, sagaal malyuun iyo sagaal boqol oo kun ($ 9,900,000) sannadkii.

Gaba-gabo: Tala soo jeedin ku waajahan, Daahir Rayaale Kaahin;

Khamiistii 16 April, 2009, Salaaddii subax ka hor, ayaa anoo Quraan akhriyaya, waxa igu soo baxday; suuradda AZ-Zumur (39) :53-61. Aayadahaas oo aan jeclahay inaad akhrido, ayaa I xusuusiyay, kulankii isugu keen horeeyay gurigaagii hore. Markii laguu magacaabay, Madaxweyne, geeridii Cigaal (A.N). Annaga oo dhawr nin ah, ayaanu ku ham-balyaynay.

Waxa aan ku siiyay, khudbaddii Siyidinaa Abubakar Al-Sadiiq (A.R) uu akhriyay markii loo magacaabay Khaliif nimada. Khudbadaasi waxa ay xambaarsanayd, nuxur qiimoweyn. Waxa ka mid ahaa; haddii aan qaloocdo I toosiya. Anoo soo jeedintan daba socda, ayaan jeclaystay in aan talo ku soo jeediyo.

Markii aad Qasriga Madaxtooyada gashay, ayaa baahidaadi nololeed, JSL xil-qaaday. Xuquuq kugu filan inta noloshaad ka hadhayna ay kuu diyaar tahay. Balse waxa aad ka leexatay, xilkii iyo waajibkii laguu igmaday ee laguu dhaariyay. Sida qoraalkan ku xusana dambi weyn baad muquuratay. Adduunkaa aad urur-satay waxa kaa raaci maro yar oo cad, oo ay fiicnaan lahayd inay tahay xalaal.

Waxa wanaag, sharaf, raganimo iyo aakharo-sami kuugu jirtaa, Ummadda oo aad u soo celiso Maalkooda. Kuwa aad masuulka ka tahay sidoo kale ku amar. Doorashada qabo oo isa soo sharax, adoo Daahir dhaba ah. Haddii aad doorashada ku guulaysan weydo, waxa aad heli “Pension” kugu filan.

Waa arrin adag, oo geesinimo u baahan. Waa dumin gidaarkii musuq-maasuqa. Sharaf lagugu xusuusto qarniyo badan baa kuugu jirta. Waa TOOBAD keen. Sii wadidda iyo ku jiridda xaaladdani, waxa ay kuu horseedi wax ka sii xun oo ah DHAGAR.

Alla ha ku waafajiyo TOOBADDA. Aamin

ALLA MAHAD LEH

Maxamed Xaashi Cilmi”

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.