Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Wariye Darwiish Ku Xukuntay Xadhig, Ganaax Lacageed Iyo Xayiraad Shaqo

Hargaysa (Somaliland.org)- Maxkamadda gobolka Sanaag ayaa maanta hal sanno oo xadhiga, 400,0000 oo ganaax ah iyo lix bilood oo xayiraad dhinaca shaqada ah ku xukuntay wariye Cabdillaahi Xuseen Darwiish oo ah wariyaha magaalada Ceerigaabo uga soo warama wargayska madaxa banaan ee Ogaal.

Sida uu ku soo waramay wariye Cali Aadan Daahir, waxa wariyahan la xidhay todobaadkii hore kaasi oo lagu eedeeyay in uu warar been abuur ah ka qoray wakaaladda biyaha ee magaalada Ceerigaabo.

Xadhiga Wariye Darwiish ayaa waxa cambaareeyay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta madaxa banaan ee USJ Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuuse), waxaanu masuuliyiinta maamulka Riyaale ka codsaday in suxufigan xoriyaddiisa si deg deg ah loogu soo celiyo.

Xadhiga Wariye Cabdillaahi Xuseen Darwiish ayaa ka dambeeyay kadib markii uu wax ka qoray musuqmaasuq baahay oo ragaadiyay wakaaladda biyaha ee Ceerigaabo, iyada oo xadhiga wariyahani muujinayo tallaabo lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa banaan iyada oo bishii hore ee aynu ka soo gudubnay xabsiga loo taxaabay, isla markaana xukun lagu riday Tifaftiraha Wargayska Madaxa-banaan ee Yool, Cabdi Maxamed Curad, taasi oo meel ka dhac ku ah xeerka saxaafadda madaxa banaan iyo distoorka qaranka Somaliland oo suxufiga u damaanad qaadaya in uu shaqadiisa u gudan karo si waafaqsan xeerka saxaafadda iyada oo dacwada qofka suxufiga ah loo raacayo isla xeerka saxaafadda.

Warar goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxay sheegayaan in la sii daayay wariye Darwiish, kadib markiii ehelada wariyuhu ay u iibiyeen xadhigii lagu xukumay, laakiin ay wali saaran tahay xayiraadii maxkamaddu ka saartay dhinaca shaqada.

Fadhigii Maxkamadda gobolka Sanaag ee maanta lagaga dhawaaqay xukunka iyo gungaadhka maxkamadda ee dacwadda wariye Darwiish ayaa gabi ahaanba waxa uu u muuqday in aan la tixgelin xeerka saxaafadda Somaliland ee ay ansixiyeen golayaasha sharci dejinta ee Baarlamaanka (Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida), kuna meel maray saxeex madaxwayne. Waxaana laga dheehan karaa heerka Garsoorka iyo Caddaalada Somaliland iyo sida maamulka Riyaale ugu tunto shuruucda iyo qawaaniinta dalka iyo waliba tacadiga uu ku hayo suxufiyiinta iyo guud ahaanba muwaadiniinta Somaliland.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
arc.somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.