Habeen habeenada ka duwan

Habeen habeenada ka duwan

 
“Wixii la qoraa

Quruumo hadhee

Muxuu hadal qiimo leeyahay” – Cabdi Sinimoo

Habeenkii Jimcaha ee bishu ahayd 18 April 2009, dadka Soomaliyeed ee deggan Abu Dhabi waxay la kulmeen habeen habeenada ka duwan. Sida aalaaba dhacda marka xaflad  la isugu yeedho dadku waxay fishaan dhawr wax: xaflad siyaasadeed oo hadalo dhaadheer oo lagu luloodo laga jeediyo, heeso macno beelay oo sidii loo dhalan rogayey ee codkii iyo muusigii ay lahaayeen loo bililiqaysanyey qofkii yaqaanay uu xusuus haydh-haydha uun ku garto iyo aroosyo muunad ay yihiinba aan la aqoonin oo aan dhaqan Somaaliyeed iyo mid ajnabi midna ka muuqan. 

Haddaba habeenkani wuxu ahaa habeen aan intaa midnaba ahayn oo ugub ku noqday dadka Soomaaliyeed ee deggan magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta. 

Wuxu ahaa habeen boqran oo ku shaaximan hiddo iyo dhaqan, indha-shareer gabadheed, anshax hooyo, gabay murtiyeed da’ weyn, sooyaalkii heesaha iyo muusikada Somaaliyeed, xusuus carruurnimo iyo qosol casriyeysan oo huwan aqoon iyo maaweelo xeel fog. 

Caweysku wuxu ahaa daah fur kutub cusub oo ay soo bandhigeen labada qoraa; Maxamad Baashe X. Xasan iyo Jamaal Cali Xuseen. Dadka madasha isugu yimid oo markii ugu horreysay taariikhda arkay bandhig kutub Af-Soomaali ku qoran ayaa ka koobna hal doorka bulshada, dhallinyar iyo hooyoooyin, iyadoo haweenku ay si xoogle u joogeen. 

Shaydaan xijaabantii hore waxa ayaada Quraan ah akhriyey Sh…Isaga oo weliba raaciyey hadal kooban oo tilmaamaya mudnaanta ay diinta Islaamku siisay aqoonta, qalinka iyo buugga. 

Aayadaha quraanka ah ayaa dadkii miyir iyo maan ugu dambeeyey waxana miiraamis ugu horreeyey markii xaflada la soo gabagabeeyey saqddhexaadkii. Doobaarta macaan ee lagu sakhraamay waxay ahayd miiddii dhaqankeena oo dadku ciil u qabeen, muhdii qoslkeena oo loo jeelay iyo wahdigii  suugaanteena oo waayo badan maangad lagaga oodnaa. 

Cawyska oo uu soo maamulay Baashe Abees, waxa kaalmaha ceelka ku jiray oo gorfaha dardaroon isku weydaarsanayey Maxamad Baashe X. Xasan iyo Jamaal Cali Xuseen oo kutubta soo bandhigay iyo Bashir Sh. Cumar Good oo caweyska daadihinayey. 

Kutubta la soo bandhigay waxay ahaayeen: Guri Waa Haween, Hal Aan Tebayey, iyo Hal Karaan oo uu qoray Maxamad Baashe, Diiwaanka Qosolka oo uu qoray Jamaal Cali Xuseen iyo Ilays oo uu qoray Siciid Cabdillaahi Iimaan. 

Hase yeeshee labada buug ee dadka miyir qaaday waxay ahaayeen Diiwaanka Qosolka oo rag iyo haween, dhalinyaro iyo waayeel lagu daatay iyo Guri Waa Haween oo dumarku faro baas ku dhigeen. 

Guri Waa Haween oo tibaaxaya kartida iyo kasmada haweenka Somaaliyeed dulmar qurux badana ku sameeyey dhammaan marxaladaha cimri ee gabadha Soomaaliyeed ka gudbi jirtay marka ay dhalato ilaa uu gabowgu soo rito: 

Beri baa; beri baan

Wax la dhaloo; bannaan jiifta ahaa 

Beri baa; beri baan

Bilig bilig baraar celisa ahaa 

Beri baa; bari baan

Daba jeex, dabka qaadda ahaa 

Beri baa; beri baan

Rukun rukun; reeraha u wareegta ahaa 

Beri baa; beri baan

Raamaley; ri’yo raacda ahaa 

Beri baa; beri baan

Hablo weyn; had hadaafta ahaa… 

Halkaa ayuu buuggu sheekada ka amba-qaadayaa isagoo dul-ka-xaadin ku samayna aqal-dhismeedka Somaalida waxa agab iyo UDUB gurigu leeyahay iyo wixi maadh iyo maal la dhaqanayey ama la dhuunyanayey: 

Waxan dhuuniga iyo oonta ka dheefsan jirey

Dulbaax iyo dhaylo dhiig caafimaad ku jiro

Haamo dhay iyo gadhoodh culaygu uu dhadhamo

Hadhuudh Cilmi Jaamac soo dhigay iyo galey

Sareen dhilan heed la feedhoo dhab loo shukumay.

Waxaas oo dhereg ah oo noloshayda dheeli tiray

Dhamaan dhulka hooyaday baan ka dheefsan jirey

Haddaan dhulka beero kayd baan u dhaadhacaa

Haddaan dhaqo maalka waan dhaashanaayaa

Dheemanta iyo luulka way dhaaban tahay carradu

Dhankii loo dayaba hidahaygu waa dhammays

Dhalliil laga waa oo midnimuu ku dhiirradaa 

Markay gabadhu hooyo noqoto iyo sida ay hiddaha iyo dhaqanka ugu laqinto ilmaha iyadoo luuq qurux badan iyo erayo macaan dhegtiisa ku dhaanxaraaminayso ayuu buuggu si fiican u soo gudbinayaa: 

Calow waa Calow Calow waa

Calow Cabdillaahiyow waa

Calaacalo maydhanow waa

Calow cir darroorayow waa

Calow cosob laacayow waa 

Geediga dheer ee dhaqanka haweenka ayuu buuggu dhex jibaaxayaa. Wuxu akhristaha xusuusinayaa heesihii xoolo raacista, rarista, samaynta tuldaha aqalka iyo xataa tumista dhuuniga iyo tibta iyo mooyaha. Heesta mooyaha oo qoraagu ku tilmaamay in ay tahay dhudda ugu yar ee tix maanso laga sameeyo ayaa erayada uu ka soo qaatay ay ka mid yihiin: 

Mooyaha

Malablaha

Magacii

Mooyaan! 

Mooyaha

Mooyaha

Magacii? 

Calaliye

Ciil-tire 

Tibahana

Tibahana

Magacood? 

Culus iyo culus iyo

Cabban baa la yidhaa. 

Halkaas ayuu kaga hiranayaa sitaadkii iyo heelo yar-yartii haweenka Soomaaliyeed gaarka u lahaayeen iyo gabayo luxdan oo haween tiryeen ilaa uu geediga ku hakiyo magacdii hore ee haweenka Soomaaliyeed loo bixi jiray iyo kuwo casri ah. 

Maxamed Baashe waa nin suxufi ah oo wax ku bartay dalka Czeck Republic, wuxuuna baadhitaan xeel dheer ku sameeyey dhaqanka iyo suugaanta dadka Somaalida. 

Diiwaanka Qosolka sida uu ku xusay Jamaal Cali Xasan hordhaca buugga wuxu xambaarsan yahay sheekooyin qosol murtiyeed leh oo taabanaaya dhinac kasta oo nolosha bulshada ah. 

Waxa muuqata in qoraagu sannado badan ku jirey ururinta, kaydinta iyo saxar-ka-gurka sheekooyin iyo mahadhooyinka  buuggu sido.  Waxa kale oo uu ku dadaalay in sheekooyinku ka soo jeedaan dhulka dadka Soomaaliyeed dego ee Geeska Afrika iyo adduunweynahaba. Iyadoo ay sidaa tahay haddana waxa hubaal ah in Jamaal cududdiisa saaray sheekooyinka bulshadii uu ku soo dhex koray. Waxa sheekooyinka qayb libaax ku leh Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur oo caan ku ahaa degaamada Burco iyo Berbera hadalhaysna u lahaa erayada “Eesh Qiyaasak.” 

Sheekooyinka Aw Xasan ee buuggu sido waxa ka mid ah Sheekada Aw Xasan iyo Tuugga oo ahayd in maalin maalmaha ka mid ah uu nin tuug ahi Aw Xasan Jeebkiisa bidix ee shaadhka makiinad ku jeexay oo uu kala baxay lacag ku jirtay iyadoo ay tahay maalin cad dadkuna wada arkayo. Aw Xasan maba nuuxsan oo isha uun buu ka eegayey inta tuuggu lacagta ka qaadanayey lana baxsanayey. Markii la weydiiyey: “Aw Xasan maxaad  ninka iskaga qaban weyday illayn wixiisu badheedh baabay ahaayeene?” Sidii caadada u ahayd Aw Xasan sangaabta ayuu ka soo qabtay jawaabtii ku munaasabka ahayd isagoo yidhi: ‘Eesh qiyaasak, wadnahaaban uga baqanayey inuu isagana igala cararo.” 

Jamaal sheekooyinka soo werintooda oo keliya kagamuu hadhin ee wuxu mid walba tilmaamay hab adeegsigeeda iyo munaasabadaha ku habboon ee qofku uu cuskan caro. 

Sheekooyinka qurba-jooga ee buuggu ku jira waxa ka mid ah Sheekada Reer Jabuuti iyo Dhaxanta Kanada oo ku saabsan wiil dhallinyaro ah oo reer Jabuuti ah oo aabbihii tilifoon kula hadlay markii uu caga-dhigtay Magaalada Montreal ee dalka Kanada. Wuxu wiilku doonay in uu aabbihii u sheego in uu nabad tegay iyo in uu wax uga ifiyo qabawga Kanada. Wuxu odhanayaa: “Aabbo meeshani aad bay u qaboob tahay oo barafkii ayaa dhacaya” Odaygii baa hore u fahmi waayey barafka dhacayaa markaa si uu uga dhaadhiciyo ayuu wiilku odhanayaa: “Aabbo, Galaaseerka xaggiisa sare maad garan! Dee xaggaasaannu joognaa maahin.” 

Sheekooyinka buugga ku jira waxa ka mid aha kuwo ku saabsan haweenka iyo dhacdooyinkooda oo qosol iyo xikmad badan xambaarsan. Waxa kale oo ku jira murti-suugaaneed uu ka mid yahay Gabay-Xayir. Waxa ka mid ah laba nin oo reer Hargeysa ahaa oo mid ammaanay faa’iidada caanaha geela kala gabay xayir ku ammaanay faa’iida maraqa karaaciinka ee uu maqaaxidiisa ku kariyo. 

Gabayga hore oo uu tiriyey Cumar Australiya oo ahaa gabay geela ammaanaya ayaa waxa ka mid ahaa cutubka soo socda: 

“…Dhool caano lagoo soo lisay, oo yara dhanaanaaday

Marka aad dhadhamisaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane

Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhamma galxoorkooda

Qodxihii dhallaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye…” 

Waxa gabaygaa dheegtay Ismaaciil Rusheeye oo isagu maraqii karaaciinka ee uu maqaaxidiisa ku samayn jiray ka dhigaya in aanu ka dhicin caanaha geela. Wuxu yidhi:  

“…Dhuuxaa karaaciinka iyo, dhirahaan qooshaayo

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane

Dhufashada malqaacaddaa farxadi, kugu dhammaataaye

Dhumuq markaad ka siisaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye

Waxa dhaba habeenkaa haddii, roodhi lagu dhuuqo

Qushkii dhallaanimo kugu galaa, kaaga soo dhiciye…” 

Jamaal oo madax ka ah Bangiga CitiBank laanta Ivory Coast ahna nin wax ku soo bartay Jaamicadda caanka ah ee Harvard markii la weydiiyey waxa ku qaaday in uu buug qosol ah qoro iyadoo oo uu dhaqaalo ka shaqeeyo, wuxu sheegay in uu isku illowsiinayey hammiga ka haleelay dhaqaale burburka adduunka ka dhacay. 

Dadka reer Abu Dhabi mar dambe ayey codsadeen in loogu celiyo xafladii oo Jimcihii labaad ayaa mar kale loogu celiyey. Dabadeedna waxay qoraayada u baqooleen dhinaca magaalada Al Cayn oo bulshada Somaaliyeed ee halkaa joogta ay ku marti qaaday. Waxaana gelbiska weyn loogu qaban doonaa Magaalada Shaariqa oo dad badani ku sugayaan una gogol dhigay ganacsadaha caanka ah Maxamed Yasin (Colaad). 

Haddaba labadaa qoraa markay suugaan, dhaqan iyo qosol dadka beerku rigaaxaha ka dhigay nagu nagu asqeeyeen wadnahayaga ayaaban uga yaabnay in ay nagala cararaan iskadaa wax kalee.. Eesh Qiyaasak.

Bashir Goth

bsogoth@yahoo.com

 

This entry was posted in Editorial. Bookmark the permalink.

Comments are closed.