Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo Cambaareeyey Go’aankii Guurtida, kuna baaqay la tashi wadajir ah

 London (Somaliland.org) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa cambaareeyay go’aankii golaha Guurtida ee wakhtiga xukuumadda Daahir Rayaale ku kordhiyay muddo lix bilood ah marka u xilligeedu dhamaado 6 bisha April. 

Xoghayaha oo maanta u waramay shabakadda wararka ee Somaliland.org, waxa uu  yidhi “ marka hore  go’aanka golaha Guurtidu kuma salaysna qaynuunka dalka u yaalla, marka labaad kama salaysan duruufo sharicga qiil looga heli karo, marka seddexaad kumuu iman la tashi wadajir ah oo dhexmaray golayaasha sharci dajinta ee dalka, marka afaraad lagama tala galin xisbiyada mucaaridka ah, marka shanaadna kama turjumayo rabitaanka shacabka Somaliland, sidaa awgeed waxaan u arkaa go’aankan mid aan ka talinayn maslaxadda dalka, loona bahan yahay in la tashi qaran layskaga yimaado” 

Dhinaca kale, Xoghayuhu wuxuu hambalyo balaadhan u soo jeediyay 35 kii xubnood ee golaha Guurtida ee diiday in xukumada si shirciga khilaafsan wakhtiga loogu dheereeyo, wuxuuna ku tilmamay go’ankodu inuu laha bisayl siyaasadeed, kana turjumayay dareenka shacabka. Wuxuuna sheegay in xubnaha ogolaaday dheeraynta wakhtiga xukuumaddu in anay tixgalin sharciga iyo dhismaha dimuqraadiyaddaba.  

Isago ka hadlaya Guurtida, wuxuu Xoghayuhu tilmaamay ina tirada inta el’eg e golaha Gurtida ee is hortaagtay dheeraynta wakhtiga madaxwaynah ay muujinayso sida ay u yaraatay taageeradii ay xukuumaddu ka heli jirtay golaha Guurtida,  arrintan oo tilmaan cad u ah hoos u dhaca wayn ee ku yimid kalsoonida lagu qabo  xukuumadda Daahir Rayaale. 

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah e KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in si dhakhso ah talo wadjir ah looga yeesho arinkan si loo hagaajiyo qalooca u yeeshay geedigii dhismaha dimuqraadiyadda Somaliland. 

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay Xoghayuhu in go’aanka golaha Guurtidu uu la yaab ku noqday dawladaha aynu saaxiibka nahay iyo kuwa ina caawiyaba oo u arkay arrin aad loogu degdegay, loona  baahnaa in dhammaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada doorashada ku tartamayaa ay si wadajir ah ugawada qaybgalan kawada hadalka arinkan, mar haddii aanay si cad ugu qeexnayn distoorka. 

Somaliland.org

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.