Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Cashuur Aargoosi Ah Ku Soo Rogtay Xaafadda Maxamed Mooge

Hargaysa (Somaliland.org)- Masuuliyiinta dawladda Hoose ee xaafadda Maxamed Mooge oo ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, ayaa shir ay galabta isug yeedheen dadwaynaha ku dhaqan xaafadda Maxamed Mooge ku wargeliyay in dhulka banana ee ay degenyihiin ay ka bixiyaan cashuur lagu soo rogay, dadkaasi oo u badan dad danyara oo ah dadkii dib uga soo laabtay xeryaha qaxoontiga ee bariga dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah waxgaradka degen xaafadda Maxamed Mooge ayaa noo xaqiijiyay in dadka danyarta ah ee degen xaafadaasi lagu wargeliyay in ay cashuur ka bixiyaan dhulka banana ee ay degenyihiin, in ciddii bixinwayda cashuurtaasina ay dhulkooda la wareegi doonto dawladda hoose ee Hargaysa, waxaanay intaa ku dareen in dadkii galabta ka qayb galay kulankaasi ay dhako-faar iyo amakaag ku noqotay arrintaasi.

Dadwaynaha ku dhaqan xaafaddaasi Maxamed Mooge ayaa markii horeba ku cabanayay in xaafaddoodu aanay lahayn dhamaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada kuwaasi oo ay baahi wayn u qabaan dadka ku dhaqan xaafaddaasi.

Xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa ayaa ah xaafaddii ugu horaysay ee ay masuuliyiinta dawladda hoose kaga dhawaaqaan in ciddii cashuur ka bixinwayda dhulka banana ay dawladdu kala wareegi doonto, waana tallaabo daba socota dhulboobka iyo xaraashka xukuumaddu ku hasyo dhulka danta guud ah.
Lama garanayo sababta xiligan keentay in masuuliyiinta dawladda hoose ay si gaar ah cashuur ugu soo rogaan dhulka banaan ee ay degenyihiin dadka danyarta ah ee xaafadda Maxamed Mooge, balse qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan xaafadaasi ayaa noo sheegay in tallaabadani ay tahay culays lagu saarayo in ay taageeraan muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay Madaxwayne Riyaale iyo ku xigeenkiisa, kadib markii xukuumaddu ka arkiwayday xaafaddaasi dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo xukuumadda xilkeedii gabaabsiga yahay iyo xisbiga talada haya ee UDUB.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
Somaliland.org, Hargaysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.