Ciidanka Booliska Oo Xalay Hoteel Uu Degenaa Kala Baxay Nin U Sharaxnaa Suldaan

Hargaysa (Somaliland.org)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa noo sheegay in habeenimadii xalay ciidamada boolisku ay kala baxeen Hoteel uu degenaa oo ku yaala magaalada Hargaysa nin lagu magacaabo Axmed Faahiye Mire, ninkaasi oo u sharaxnaa in loo caleemo saaro Suldaan.

Saalax Guure Camale oo ka mid ah xildhibaanada kaydka ah ee xisbiga KULMIYE ayaa noo sheegay in xadhiga muwaadinkaasi ay u arkaan mid siyaasadeed oo la xidhiidha caleemo saarkiisa.

Guddida nabadgelyada ayaa dhawaan laba sanno oo xadhiga ku xukuntay muwaadin Maxamed Aw Maxamuud oo ay walaalo yihiin Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw.

Xadhiga sharci darrada ah ee guddida nabadgelyadu kula kacaan dadka muwaadiniinta ah ayaa shacbiga xasuusinaysa dhaqankii xumaa, cabudhintii iyo tacadigii taliskii Siyaad Barre ku hayay bulshada.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
Somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.