Xisbiga UCID Muxuu Ka Yidhi Muddo Kordhinta Golaha Guurtida?

Hargaysa (Somaliland.org)- Xisbiga UCID ayaa si adag u naqdiyey go’aanka Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyay Madaxtooyada.
Xisbiga UCID oo shalay warsaxaafadeed ka soo saaray arrintan waxa ay sheegeen arragti ahaan in ay aaminsanyihiin in aan Golaha Guurtidu meela ka soo galin mudaynta waqtiga doorashada, isla markaana uu mawqifkoodu yahay in doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo, waqtiga hore Gudiga doorashadu ugu mudeeyey ee ah 31 May 2009.
Xisbiga UCID waxa ay sheegeen in xaaladan adag ee dalku galay ay u arkaan in lagaga bixi karro waqtigaasi, waxaana ay tilmaameen in go’aanka guurtidu sii murgiyey xaalada.
Xisbiga UCID iyo KULMIYE ayaa hore mawqifyo isku dhaw uga soo saaray dhamaadka mudada xilka ee Madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen in aanay aqbali doonin mudo kordhin danbe oo loo sameeyo.
Waxa xusid mudan in Xukuumada iyo Xisbigeeda UDUB talaabada ugu mudan ee ay ugu mar-marsoonayeen muda kordhintu waxa uu ahaa Curashada Roobabkii Gu’ga oo haatan dalka ka curtay, iyadoo Wariyayaasha Goblada Somaliland ee Radio Horyaal soo tabinayaan in Curashada roobku ka simantahay inta badan Galbeedka dalka iyo goobo ka mid ah barigaba.
Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
Somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.