OGAAL: ‘Doorashadu waa inay 31 May dhacdaa… Guurtidu awood uma leh muddaynta’

Maxay ku kala duwan yihiin Komishankii hore iyo kuwa maantu?

“Masuulka Kursiga fadhiyaa halay kordhiyo & inuu Doorasho qaban waayo oo ummadda cabudhiyo maaha”

Shukri X. Ismaaciil Baandare – Waraysi

“Haddii mudda-kordhin uun la wado waxa iman kara oo ay taasi horseedi kartaa cawaaqib-xumo”

“Haddii Komishanku hanan waayo Kalsoonida Xisbiyada iyo Shacabka, awood-fulineed yeelan maayo”

“Waa nasiib-darro inay maanta Komishanka lacagtii doorashadu kaga xaniban tahay Xisaab-xidh la’aan”

Hargeysa (Ogaal)- “Komishanka waxa ugu daran laba qodob ayaa la eegaa, haddii dadkii Kubadda wada Ciyaarayay ee Doorashada wada-galayay ee iyagu tartamayay diyaar yihiin, waxa ugu horeeyaa waa wakhtiga, waxa la baad ee ku soo xigaa waa bajadka (Kharashka). Taas oo marka laysla helo ay tahay in jadwalka ay u gudbiyaan dhinacyadaas tartamaya oo dhinac waliba uu ku xisaabtamayo. Dadka Xisbiyada tartamaya, Komishanka iyo Deeq-bixiyayaasha ayaa heshiis ka gaadha xiliga loo arko in ay suuragal tahay ee ay doorashadu ku qabsoomi karto.” Sidaa waxa tidhi Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka mid ahayd Guddidii hore ee Doorashooyinka Somaliland, waxaanay ka hadashay aragtideeda ku wajahan dib-u-dhaca Doorashada iyo Muddo-kordhinta ay mar kale Guurtidu u samaysay Madaxweyne Rayaale.

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa kale oo ay ka hadashay Doorka ay Golaha Guurtidu ku leeyihiin Doorashooyinka Somaliland, iyada oo isbar-bardhig ku samaysay Komishanka hadda ee Doorashooyinka iyo Guddidii hore ee ay Xubinta ka ahayd oo ay ku tilmaantay guddi qiimayn ku samayn jirtay tallaabo kasta oo ay ka qaadaayaan muddaynta Waqtiga Doorashada. “Annagu wakhtigii aanu Komishanka ahayn waxaanu eegi jirnay Wakhtiga ugu suurtagalsan ee ay Dalka Doorasho ka qabsoomi karto. Waxaanu eegi jirnay Dhulka Xeebaha ah, Dhulka Miyiga ah, Xilli-Roobaadka iyo Xilli-Abaareedka, hawsha na hortaala iyo kharashaadka aanu haysano, duruufaha taagan iyo waxaas oo dhan. Marka aanu is waafajino ayaanu wakhti qaban jirnay, kaas oo dhamaan dhinacyada ay doorashadu khusaysaa heshiis ku wada-yihiin. Haddii ay qabsoomi kari waydo Doorashadu Wakhtigii loo muddeeyay, oo cilado farsamo yimaadaan, cidda isla qaadanaysaa waa dhinacyada ay khusayso oo dhan. Ka dib marka Komishanku soo xaqiijiyo inaanay wakhtigii loo qabtay inay doorashadu dhacdo inaanay suuragal ahayn qabsoomiddeedu. Waa in ay dhinacyadaasi heshsiis ku yihiin oo uu Komishanka markaa Doorashada Gacanta ku hayaa fahansiiyo oo uu tuso, sababaha aan suuragalka ka dhigayn in ay doorashadu wakhtigeedii qabsoonto.” Ayay tidhi Shukri X. Ismaaciil Baandare oo Waraysi siisay Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews oo aanu Warkan ka soo xiganay, waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Laakiin in markasta marka ay Doorashadu soo dhawaato ee bili ka hadhsan tahay uu Komishanku ku baraarugo oo dib loo dhigo, isla markaana muddo-kordhin uun la sameeyo waa nasiib-darro. Komishanku iyaga ayaa og halka ay wax u marayaan iyo wakhtiga ay doorasho qaban karaan ee waxay ahayd in ay mar si caafifmaad-qabka u fikiraan oo ay isu eegaan baaxadda hawsha hortaala iyo wakhtiga ay suuragal tahay in ay doorasho qabtaan. Inkasta oo Komishankani ay na dheeraayeen diiwaan-gelin aan annaga Shaqada noogu jirin xiligayagii, taasoo aan odhan karo Qaraxyadii dalka ka dhacayna way sii culaysiyeen oo dib-u-dhaca qayb ayay ka tahay, haddana waxay ahayd in ay Komishanka hawsha gacanta ku hayaa ku xisaabtamaan hawsha u taala, kartidooda iyo wakhtiga la tirsanayay ee ay u muddeeyeen in ay doorashadu dhacayso.”

Shukri X. Ismaaciil Baandare waxyaabaha ay ka hadashay waxa kale oo ka mid ahaa Doorka ay Golaha Guurtidu ku leedahay arrimaha Doorashooyinka. Waxaanay sheegtay in Komishanka looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Axsaabta iyo Bulshada. “Guurtidu door aad u muhiim ah ayay ku leeyihiin arrintan doorashada, wakhtigan ay maanta dib-u-dhigeena waa wakhti Komishanku wax kasta ku qabsan karo oo ku filan, marka loo eego wakhtiga dib looga raray ee 31-ka bisha May 2009. Markaa waxa loo baahan yahay Komishanku in ay hantaan Kalsoonida Xisbiyada iyo Kalsoonida Shacbiga, hadduu kalsoonidaa hanan waayo oo mad-madaw laga dareemo Komishan noqon maayo, awood fulineedna ma yeelanayo.” Ayay tidhi Shuki Xaaji. Waxaanay u jeedisay Xisbiyada iyo Xukuumadda in ay hawshan isu-garab taagaan Komishanka oo ay ku taakuleeyaan sidii xal midaysan looga gaadhi lahaa. “In dimuquraadiyadda iyo doorashada meesha laga saaro oo beelbeel iyo mudda-kordhin lagu noqdaana waa qalad.” Ayay tidhi Shukri.

Mar ay Shukri ka jawaabaysay su’aal laga weydiiyay dhinaca hawl-gudashada Komishanka iyo siday uga go’an tahay in ay Doorasho dalka ka dhacdo, waxay tidhi, “Anniga ilama aha in aanay Komishanku daacad ka ahayn in doorasho qabsoonto, waayo waxa loo soo dhisay ee loo dhaariyay waa inay doorasho dalka ka qabtaan oo ay dhex-dhexaad iyo Garsoorayaal u noqdaan Xisbiyada tartamaya oo Masuuliyadda Qaranka ayaa saaran. Markaa isma lihi waa dad Masayrka ummadda ku ciyaari kara oo khiyaamayn kara, haddii ay taasi dhacdana waa arrin halis ah oo dadka iyo dalkaba dhibaato u horseedi karta..Dadkeenuna way iska dacaayad badan yihiin oo Annagaba wakhtigii aanu Komishanka ahayn Suuqa waa nalaga dacaayadayn jiray, oo la odhan jiray Xisbi hebel ayay la jiraan oo ay doorashada ugu shubayaan iyo daacad maaha, markaa waxaas yaan dhag loo dhign baan odhan lahaa.”

Sidoo kale waxa wax laga weydiiyay Xisaab-xidhada Kharashkii Diiwaangelinta iyo jawaabtay ka bixiyeen Deeq-bixiyayaashu ee ay ku xidheen bixinta Kharashka Doorashooyinka, mar ay ka jawaabaysay su’aashaa waxay tidhi, “Waa nasiib-darro in ay maanta Komishanka lacagtii doorashadu kaga xaniban tahay Xisaab-xidh la’aan, waa tala-xumo in Xisaab-celintii wixii ay qabteen ee shaqadooda ahayd inay iyagu celiyaan shuruud lagaga dhigo. Sababtoo ah,  warbixinta iyo xisaab-celinta wixii ay qabteen waa waajibaadka iyo masuuliyadda Komishanka doorashooyinka looga baahan yahay ee ay hay’adda u yihiin, taas haddaanay samayninna way adag tahay sida ay gaaladu u aamini kartaa, waayo wixii hore waxa lagu qabtay haddaanay ogaan suuragal maaha in ay lacag dambe si fudud kuugu soo daayaan. Xisaab-celintuna waxa ay kaw ka ahayd waxyaabihii aanu wakhtigayagii aadka isaga illaalin jirnay, kuna dedaali jirnay intaan nala waydiin in aanu celinno hadday ta deeq-bixiyayaasha tahay iyo hadday ta dawladda oo wakhtigaa lacagta ugu badan bixin jirtay tahayba.”

Mar sidoo kale Shukri Xaaji Ismaaciil wax laga weydiiyay saamaynta ay Doorashada ku yeelan karto diidmada ka soo yeedhay Axsaabta Mucaaradka ah eek u wajahan muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Rayaale, ayaa waxay ku jawaabtay, “Wallaahi diidmadaasi haddii ay timaaddo ma fududa ee dhibteeda ayay leedahay, hase ahaatee, Somaliland waxa ay halkan ku soo gaadhay talo-wadaag, wada-hadal iyo isu-tanaasul. Maantana waxaan leeyahay, yaan laga tagin isu-tanaasulkii iyo wada-tashigii aynu halkan ku soo gaadhnay, ee waa in laysu yimaaddo, oo talo-qaran hawsha lagu dhameeyo.” Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Masuulka maanta Kursiga Qaranka looga taliyo ku fadhiyaa waa inuu ogaadaa in uu ku yimi Doorasho iyo kalsoonida Shicibka Somaliland oo taa uu masuul ku yahay, sidaa daraadeed, dadkii shalay kalsoonidooda siiyay marka ay xaq u yeeshaan in ay kalsoonidooda mar kale bixiyaan ee wakhtigii hore ee ay kalsoonida siiyeen ka dhamaado, hala ii kordhiyo iyo in uu doorasho qaban waayo oo ummaddii masiiirkooda ku aaminay cabudhiyo maaha ee waa in uu tixgelinta koobaad Shicibka siiyaa, doorashada u diyaargaroobaa. Kuwa Kursiga ku soo socdaana kalsoonida Shicibka ayay doonayaan in ay ku yimaaddaan, sidaa daraadeed, waa inay iyaguna tixgelinta koobaad Shicibka siiyaan.”

Dhinaca kale, mar Shukri wax laga weydiiyay kaalinta ay dib-u-dhaca Doorahsada ku yeelan karto Hay’adda Interpeace ayaa waxay ku jawaabtay, “Annigu ma qabo inay Hay’adda Interpeace qayb ka tahay caqabadaha Doorashooyinka. Waayo, Annagu wakhtigii aanu Komishanka ahayn Interpeace way nala shaqayn jirtay, weliba intay Shaadhka dhexda ka xidheen wakhtigii doorashadii Wakiilladu ay dhacaysay oo dib-u-dhac nagu yimaadda ka shaki qabnay..Lacagta iyagaa nala dul-taagnaa..markaa annaga wakhtigayagii Interpeace gacantayada midig ayay ahayd.” Waxaanay Marwo Shukri ka hadashay muddo-kordhinta cusub ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Rayaale. “Haddii mudda-kordhin uun la wado, oo aan laga waantoobin wakhtigaa kolba dib loo riixayo, waxa iman kara oo ay taasi horseedi kartaa cawaaqib-xumo dadka iyo dalka soo wajaha, waayo haddii dooraba la qaban waayo oo kolba wakhtiga dib loo dhigo, waxa iman karta in Xisbiyadu meesha ka baxaan, haddii ay Xisbiyadu meesha ka baxaana dimuquraadiyaddii aynu sheeganaynay ayaa meesha ka baxaysa.” Ayay tidhi Shukri, waxaanay soo jeedisay in dhammaan si guud loo wada ilaaliyo Nabadgelyada.


Sharcigu muxuu ka qabaa go’aanka Guurtida?

“Xil-gudasho la’aantu waa dembi oo maamus ka xayuubin Madaxweyne ayaa ka furan”

Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi….Waraysi gaar ah

“Haddii ay xukuumadu hortaagan tahay doorashada waxay ahayd inay cadeeyaan Komishanku”

Hargeysa (Ogaal) – Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi ayaa sheegay in sharci ahaan go’aanka Golaha Guurtida Somaliland mudada xilka ugu kordhiyey Madaxtooyada uu u arko sax, Islamaraana waxa uu ku dooday in aanu is hor taageyn waqtiga Komishanku  u cayimay in la qabto doorashada ee ah 31-may.

Ka dib markii lagu dhawaaqey doraad muddada Lixda bilood ah ee Golaha Guurtida Somaliland u kordhiyey waqtiga xil-haynta Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka oo waqtigii hore loogu kordhiyey kaga eg-yahay 6-da April, waxa soo baxayay dareeno iska soo horjeeda oo go’aankaas laga muujiyey. Hase ahaatee, garyaqaan Maxamed Siciid oo xalay wargeyska Ogaal khadka Telefoonka wax kaga weydiiyey arrintan waxa uu sheegay in go’aanka Guurtidu ugu muuqto mid waafaqsan sharciga. Isaga oo ka hadlaya mudada dhamaadka ah ee Madaxtooyada iyo qaabka Guurtida loogu gudbiyey waxa uu yidhi. “Waxay ahayd in Komishanku Bil ka hor waqtiga ay ku egtahay dhamaadka xil-haynta mudada Madaxtooyadu ay u qabtaan xiliga doorashada, balse may ahayn inay qataan bil ka dib {31-may}.   Dastuurkuna markaad eegto xalka kaliya ee banaan marka Doorasho qabsoomi weydo, jidka kaliya ee banaani waa qodobka 83 oo Guurtida waajib kaga dhigaya inay mudo kordhin sameeyaan, duruufta inay qiimeeyaana iyaga ayaa leh (Guurtudu).” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaanku, isaga oo ka hadlayay go’aanka Guurtidu qaadatay waxa uu yidhi. “Sida loo macneynayana maaha’e, Go’aanka Guurtidu waxa weeye, in mudada Madaxweynuhu ay ahaato ilaa 29-ka Oct/09  doorashadana la qabto  inta ka horeysa 29- Sep/09, markaa may mudaynin Guurtidu waqtigii doorashada. Waqti kasta oo ka horeysa Komishanku waa soo mudayn karaan doorashada, Madaxweynuhuna digreeto ayuu ku soo saari karaa.. Laakiin, Guurtidu waxay sameeyeen waqti ku filan oo lagu ciyaari karro oo haday doorashadu ku dhici weydo xiliga loo mudeeyay haddana dib loogu mudayn karro, waajibaad Dastuuri ah ayay guteen, aragtidaydana hore ayaan uga dhiibtey oo aan u idhi jidkaas oo kaliya ayaa furan, waxaanan u arkayaa inuu sharciga waafaqsan-yahay.”

Waxa jiray heshiis sideed qodob ahaa oo dhinacyada doorashadu khusaysaa ku gaadheen, islamarkaana lagu soo afjaray muran hore ugu dhashay muddo kordhin sanad ah oo Golaha Guurtidu ugu kordhisey waqtiga Madaxtooyada badhtamihii sanadkii hore oo sidan oo kale doorasho la’aan lagu gaadhay waqtigii uu xilku ka ekaa. Qodobadaas mid ka mid ah ayaa tilmaamayay in aan guurtidu fara-gelin hadii loo baahdo waqti kale oo dheeraad ah, Islamarkaana ay sharciyeeyaan uun mudada Komishanka iyo Axsaabtu ku heshiiso ee loo soo gudbiyo, sidaa daraadeed, Garyaqaan Maxamed Siciid oo la weydiiyey meesha go’aankani ka marayo iyo waxyeelada uu u leeyahay heshiiskaas hore waxa uu ku jawaabey. “Heshiiska Qaanuunka ayaa ka weyn…heshiiskaasina kama hadlayn cida kordhinta sameynaysa oo Dastuurka waxba kamuu badaleynin, awoodoodii sharci ee Dastuurku siinayay ayay adeegsadeen.”

Waxa jira dood kale oo mucaaradku u cuskanayaan walaaca ay ka qabaan doorashada iyo dib u dhacyada, islamarkaana waxa ay ku eedeeyeen xukuumadu inay ka caga-jiideyso oo ay toos u diidantahay doorashada, Islamarkaana ay tahay xil-gudasho la’aan. Sidaa darteed, su’aal arrintan laga sii weydiiyey garyaqaan Maxamed Siciid waxa uu kaga jawaabey “Xil-gudasho la’aantu waa dambi oo maamus ka xayuubin Madaxweyne ayaa ka furan. haddii ay dambi sameeyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku oo cadayn loo hayo dastuurka ayaa sheegaya qaabka loo marayo. Laakiin, waxa suurtagalin waayey in doorashadu qabsoontaa arrimo farsamo ayay ahaayeene ma ahayn arrimo la odhan karro iyagaa toos uga masuul ah.. Komishanka ayaana ka masuul ah oo lagu canaanayaa, waayo waa ay madax-banaanyihiin Komishanku waxaanay ahayd inay diyaariyaan saaxadii lagu tartami lahaa, masuuliyadaa iyaga ayaa u madaxbanaan oo leh. Haddii ay xukuumadu hortaagantahay doorashada waxay ahayd inay cadeeyaan Komishanku, weli miyaad oragtay Komishanka oo leh xukuumada ayaa hor taagan?” “Go’aankani waa go’aan sharci ah oo soo baxay, waa in Komishanku sheego, Lixdaa bilood mudada ay ka qabsoomeyso doorashadu, Madaxweynuhuna digreeto ku soo saaro, Is mana hortaageyo go’aankani (Guurtidu) inay doorashada qabtaan 31-ka May.”


Gudd. UCID oo meel adag iska taagay go’aankii Guurtida iyo dooddii labada dhinac

“Doorashadu waa inay 31 May dhacdaa… Guurtidu awood uma leh muddaynta doorashada”

Gudd. UCID…………..Waraysi

“Dooddii labada dhinac waxay ku salaysnayd hoggaanka oo la kala boobayo…Si jaah-wareerkan looga baxana waa in….”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqdiyay aragtiyihii ay isku hayeen labadii dhinac ee aakhirkii isku muquuniyay go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyay Madaxtooyada.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu Golaha Guurtidu awood u lahayn muddo-kordhintaa iyo inuu waqti u qabto qabsoomida doorashada, isla markaana uu aaminsan yahay in doorashada Madaxtooyadu ku dhacdo 31 May 2009. Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramay Laanta afka-Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu ka hadlay sida looga bixi karo murugan siyaasaddeed ee dalku galay. “Waxay ahaayeen laba kooxood oo qolona doonayso in dawladdan 6 bisha (April) waqtigeedu dhamaanayo muddada u kordhiyaan, qolona ay doonayso inay iyadu ka qaadato xukunka. Markaa, waxaan odhan karaa wuxuu ahaa naaqus, dan shacbi iyo danta Somaliland midna shalay (doraad) lagama talin. Sidaa darteed, waxaanu annagu soo-jeedinaynaa in lagu soo noqdo danta Qaranka, layskana dhaafo danaha gaarka ah iyo isku muushaqadaa ay dadku isku muuqdaan.” Sidaa ayuu yidhi, wuxuuna intaa raaciyay, “Haddii aanu nahay xisbiga UCID, waxaanu aaminsanahay in doorashadu ku qabsoomi karayso 31 May – sida ku cad qorshaha ay soo sameeyaan Komishanka doorashooyinku, Interpeace iyo qolooyinka Deeqbixiyeyaashuna ogolaadeen. Waxaanu u aragnaa in aanay Guurtidu awood u lahayn qabashada waqtiga doorashadu dhacayso, laakiin waxa taas awood leh Komishanka oo keliya, waanu caddeeyay. Markaa, maadaama aanu jirin wax loogu marmarsoodo in 6 bilood la kordhiyo, waxaanu leenahay ha socoto doorashadu, 31-kii baanay ku qabsoomaysaaye halagu qabto ayaanu leenahay. Si looga baxo jaah-wareerkan siyaasaddeed ee taagan waa inay saddexda Guddoomiye xisbi si degdeg ah isugu yimaadaan.”

“Horta, haddii Sharciga lala doon-doono dad, koox ama qayb weligii Sharci noqonmaayo. Mar reer-guuraagii waxay ku odhanayaan Abaar baanu ku jirnaa, mar Xeebtii waxay ku odhanayaan Kulayl baanu ku jirnaa, mar waxay odhanayaan Roobkaa da’aya oo Baabuurtaa gelaysa oo Sanaadiiqdu nama soo gaadhayaan. Laakiin, Sharcigu waa mid loo siman yahaye dad lalama doon-doonto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha oo la waydiiyay duruufo ay dooddoodii ku sababeeyeen Mudaneyaashii Guurtida ee xambaarsanaa muddo-kordhinta Xukuumadda. Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Komishanka doorashooyinka, Deeqbixiyeyaasha iyo hay’adda Interpeace qoraal ay laba maalmood soosaareen ku sheegeen in aanu jirin caqabado ka horjoogsanaya qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo loo muddeeyay 31 May 2009. “Waxay yidhaahdeen wax dhulka naga yaalaa ma jirto oo waanu ka gaadhsiinaynaa….Shalay (doraad) dooddu kumay salaysnayn doorasho mala qaban karaa mise lama qaban karo iyo 31-ka malaga gaadhsiin karaa mise lagama gaadhsiin karo, balse waxay ku salaysnayd awood la kala boobayo iyo hoggaanka oo la kala boobayo. Kooxi waxay ku socotay wax aan Sharciba ahayn oo qodobka ay qabsadeen wuxuu ahaa ‘Guurtidu waxbay kordhin kartaaye, waxba ma diidi karto iyo laba Gole ha isku yimaadeen Inqilaab halagu sameeyo hanaanka siyaaddeed ee dalka meel ay ku taalaa ma jirto. Laakiin, qolada kalena kamay fekerin doorasho ma dhici kartaaye, waxay sameeyeen iyagoo aan awood u lahayn oo ah si ay dawladdan waqtigeedii dhacayo ugu dheereeyaan. Markaa, annagu waxaanu u aragnaa wixii dhacay in aanu ka tarjumayn danta umadda oo ay niyad-jab ku samayn doonto adduunka iyo bulshada Caalamka ee jeclayd in Somaliland Ictiraaf hesho oo ay hore u socoto. Sidaa darteed, arrintaa dhacday dan uma aha Somaliland,” ayuu yidhi. Su’aal laga waydiiyay mawqifka xisbigiisa ee qabsoomida doorashada waxa uu yidhi; “Doorashadu waa inay 31 May dhacdaa, wax ilaa hadda naga joojinaya oo odhanaya ma dhici karto ma hayno, hay’addihii ku shaqada lahaana waxay leeyihiin way ku dhici kartaa, Qandaraaskii alaabtana (adeegyada doorashada qaarkood) waxa dadka loo furayaa 2 bisha April, lacagtii oo saddex Milyan oo doolar ahna way hayaan Deeqbixiyeyaashu, Shaqaalihii waa la naadinayaa, wax marmarsiiyo ah oo yaalaana ma jiraan. Laakiin, waxaanu leenahay halaysku soo noqdo, Miyirka hala yeesho, hana layska daayo isku-muuqashada….Hore ayaanu annagu u saxeexnay waqtiga doorashada loo qabtay ee 31 May, Axsaabta qaar baa nagu diiday oo la safatay halgan awooddeed. Markaa, waxaanu leenahay Madaxweynuhu hala yimaado tanaasul, waa inay si degdeg ah saddexda Guddoomiye isugu yimaadaan, arrintan la xalilaa dalkana loo diyaar gareeyaa doorasho, si uu Ictiraaf u doono.” Guddoomiyaha oo su’aal laga waydiiyay qaybsanka Guurtida iyo dareemo cusub oo qaybsan dhinacyo kale ah oo arrintaa ka soo baxay, waxa uu naqdiyay qaabka ay arrintaa u galeen, wuxuuna ku eedeeyay inay dano siyaasaddeed xambaarsanaayeen. “Xalku waxa weeye; in Guurtidu ka baxdo siyaasadda, oo aanay ku milmin UCID, KULMIYE iyo UDUB midna, isla markaana ay dantii Qaranka ee loo igmaday ku ekaadaan oo ay Axsaabta iyo ka saraysaa….Kordhinta inay ku saleeyaan maaha baahida ama aragtida siyaasiyiinta, waana in sidii ay ahaaan jirtay ay ku salaysnaato baahida Qaranka iyo midnimada dalka,” ayuu yidhi.


Xisbiga UDUB muxuu ka yidhi

wadahadal lagu dhameeyo xaaladda taagan?

Hargeysa (Ogaal)- Xoghayaha Guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa muujiyay in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in khilaafaadka jira lagu dhameeyo wadahadal, isla markaana la sii ambo-qaado heshiiskii ay hore ugu heshiiyeen Axsaabta siyaasaddu.

Xoghayuhu waxa uu xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu mar walba diidan yahay wadahadalada Axsaabta dhexdeeda. “Wixii jira in lagu xalilo dhexdayada oo aanay iska horimaad dhibteeda leh oo shucuur colaadeed abuuraa haba yaraatee aanu jiri…..Hadday dhacday in xisbiga UCID iyo xisbi UDUB ahaan aanu ogolaanay (muddaynta doorashada ee 31 May), in wixii horeba loo samayn waayay imikaba la sameeyo, ilayn waxba gu’I kama tegine, waxbana aanaan ka qabin in imikaba la sameeyo Guddi saddexda xisbi ah oo ilaaliya waxaa ay ka cabanayaan (Mucaaradku). Laakiin, nasiib-daro waxa ah in xisbiga saddexaad (KULMIYE) uu ka kacayo fadhiga ama uu diidayoba inuu yimaado.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha UDUB oo xalay u waramay BBC-da. Mar la waydiiyay cabashada Mucaaradka ee la xidhiidha in aanu xisbiga UDUB fulin heshiiskii ay Axsaabtu hore u gaadheen ee la xidhiidhay Guddi isku-dhaf ah oo xakamaysa in Xukuumadda iyo xisbigeedu ay si gaar ah ugu takri-falaan dhaqaalaha iyo warbaahinta Qaranka, waxa uu sheegay in ay haatanba diyaar u yihiin samaynta Guddigaas. Sidoo kale, mar la waydiiyay Warsaxaafadeedyo uu hore u soosaaray oo uu xisbiga KULMIYE ka cawday, ka dib markii Xoghayuhu ku eedeeyay inay dagaal dalka ka hurinayaan, waxa uu qiray in eedahaasi qaar culus yihiin. “Eed culus weeyaan, waxa keenayaana waxa weeye; marka uu wax walba maya yidhaahdo (KULMIYE),” ayuu yidhi. Hase yeeshee, waxa uu Xoghayuhu tilmaamay inay jecel yihiin in xisbiga KULMIYE oo sida uu ku eedeeyay mar walba wax aan Sharciga waafaqsanayn ku dooddayaa uu talaabooyinkaa ka waantoobo, isla markaana uu iska dhaafo masabidyo joogto ah oo sida uu sheegay xisbiga KULMIYE u jeediyo Xukuumadda iyo xisbiga UDUB.

KULMIYE oo ka shiray go’aan ka-gaadhista muddo-kordhinta cusub ee M/weyne Rayaale

Hargeysa (Ogaal)- Xisbiga KULMIYE ayaa shalay kulan ay isugu yimaadeen kaga arrinsaday siday go’aan ay u dhan yihiin uga gaadhi lahaayeen muddo-kordhinta ay Golaha Guurtida mar kale waqtiga ugu kordhiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa.

Kulankan ay ka qayb galeen Hoggaanka, xubno ka socday Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale Ururka Qaran, isla markaana ka dhacay Xarunta dhexe ee Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagaga dooday habka ay Xisbi ahaan go’aan Xisbigu u dhan yahay uga qaadan lahaayeen go’aan ay dorraad Golaha Guurtidu muddadii Xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo hore Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tilmaamay mid aanay aqbalayn. Kulankan oo ay xubno tiro leh oo Xisbiga ka tirsani ka dhiibteen Afkaarahooda ku wajahan waxay ula muuqato in ay tahay in Xisbigu ku waajaho Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta, ayaa inkasta oo ujeedada guud ee nuxurka Afkaaruhu ay ahaayeen kuwo salka ku wada hayay in la qaaddaco go’aankan, haddana u muuqday kuwo ka arooraya bar-bilow kala duwan oo ay xubnahaas ula muuqday in ay ku habboon tahay in lagu dhaqaaqo.

Kulankan oo muddo saacad iyo dheeraad ah socday, isla markaana la ururinayay Afkaaraha xubnaha Kulankan ka qayb galay ka dhiibteen arrintan, ayaa inkasta oo aan la shaacinin waqtigaa natiijada rasmiga ah ee ka soo baxay, haddana waxa Shirguddoonka Kulankaasi uu halkaa ka sheegay in Hoggaanka Xisbigu uu talada iyo go’aanka kama dambaysta ah shaacin doono, taas oo lagu soo saari doono ugu yaraan laba maalmood oo ay maanta ku jirto. “Afkaaruhu waxay u muuqdaan kuwo laga siman yahay in go’aan laga gaadho muddo-kordhintan oo ay badankoodu isugu soo ururayaan, hase ahaatee go’aanka waxa shaacin doona Hoggaanka Xisbiga, kaas oo ku soo saari doona laba maalmood in aan ka badnayn.” Sidaa waxa ka-qaybgalayaashii Kulankaa ku wargeliyay gebogebadii Shirguddoonkii Shirkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay Golaha Guurtida Somaliland muddo Lix bilood ah xilka Madaxweynenimo ugu dareen Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa, una qoondeeyeen in uu Xilka sii hayo ilaa 29-ka bisha October ee sanadkand.

Hargeysa: Wariye Dhuxul oo xalay habeenkii labaad u hoyday Saldhiga Dhexe

Hargaysa (Ogaal)- Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa xalay habeenkii labaad u hoyday saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa oo uu ku xidhan yahay, ka dib markii ciidanka Boolisku qabteen dorraad isaga oo ku guda jira hawshiisa Saxafinimo ee xarunta Baarlamaanka.

Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah tifaftiraha guud ee Idaacada MadaxaBanaan ee Horyaal, isla markaana xubin ka ah guddida fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, lama oga sababta dhabta ah ee xadhigiisa iyo cidda bixisay amarka lagu qabtay, mana jiraan war rasmiya oo ay boolisku ka soo saareen xadhigiisa.

Sida lagu faafiyay shabakada wararka Somaliland.org Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhiga Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul, iyaga oo sheegay inay u arkaan in sifo sharci-darro ah loo maray xadhiga wariye Dhuxul, isla markaana xad-gudub lagu sameeyay xeerka saxaafadda Somaliland ee golayaasha sharci dejintu ansixiyeen, madaxwayne Riyaalena saxeexay, kaas oo tilmaamaya qaabka dacwadda loogu oogi karo saxafiyiinta dalka, waxaanu ururka SOLJA ku baaqay in xoriyaddiisii shakhsi iyo mihnadeedba loo soo celiyo oo la sii daayo weriyahaas.


Maydka Dad Soomaali ah

oo ku xayiran Sucuudiga

Riyad (Ogaal/W.Wararka) – Meyadka dad Soomaali ah oo tiradoodu ka badan tahay 10-qof oo qaarkood 9-bilood ka hor geeriyoodeen ayaa ku xayiran dalka Sacuudiga, ka dib markii ay dawlada dalkaasi diiday in la aaso meydkaasi.

Meydadkan oo tiradoodu gaadheyso kudhawaad 12-qof oo siyaabo kala duwan ugu geeriyooday magaalooyin ka mid ah wadanka sucuudiga sida Jidah iyo Daa’ifa ayaa sida ay faafisay idaacada Shabeele oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa dawlada Sucuudigu ay diiday in la aaso iyo in dalkoodii dib loogu soo qaado midna. Dadkan ayaa la sheegay in dhamaantood ay ahaayeen Soomaali qaab sharci daro ah ku joogay dalka Sucuudiga, waxaana qaaarkood meydkoodu ay sanduuqyo ku jiraan 9-bilood iyo in ka badan. Ibraahim Yuusuf Maxamuud oo Aabe u ah gabadh ka mid ah meydadkaasi ayaa idaacada shabelle u sheegay in 3-dii bishii aynu soo dhaafnay gabadhiisu ku geeriyootay islamarkaana ilaa haatan loo diiday in lagusoo wareejiyo meydkeeda si ay u Aastaan. Shiikh Max’uud Ow Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaalida ayaa  ku tilmaamay arintaasi mid ka baxsan Diinta islaamka isla -mar ahaantaana waxa uu ku dooday in uusan astaahilin qof muslim ah oo geeriyooday in aan la aasin oo la iska hayo.

Dawlada Sucuudiga ayaan arrintan ka hadal ilaa hadda.

“Ballanteenu waxay ahayd in dadka reer Sool shaqo loo sameeyee may ahayn in loo soo shaqo-tago”

Anigo ah nin oday ah markhaatina ka ahaa shirarkii ay qabteen masuuliyiinta ka socday dawlada Somaliland waxaa halkan ka cadaynayaa inay arintii gobolka Sool iyo caawintiisu tahay mid u eg balanqaad been ah. Xiligii uu gobolka Sool gacanta u soo galay maamulka Somaliland, ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyay gobolka, haday tahay arimaha bulshada sida dibudajinta, waxbarashada, caafimaadka IWM. Waxa intaa dheer burburka hoose ee soo gaadhay gobolka, markii ay dadkii barakaceen waxa isbedel weyni ku dhacay dhaqaalihii gobolka. Waxa yaraaday baayacmushtarigii iyo Dhaq-dhaqaaqii wax iibka, taasoo ay sabab u tahay dadkii oo u kala haajiray gobolada kale iyo ciidamada Somaliland oo aan wax ganacsi dhaqaale ah la samayn ganacsatada gobolka oo saadkooda ka qaata Burco iyo Hargeysa. Dhanka shaqaalaha: Tusaale ahaan, wasaaradda maaliyadu waxay u magacowday boosaskii gobolka xubno u dhashay gobolada kale iyaga oo ay diyaar yihiin xubnihii gobolku. Wasaaradda howlaha guud, sidoo kale dad gobolo laga keenay ayay ka shaqaalaysiisay gobolka. Taasina waxay hoos u dhigtay rajadii dadka reer Sool ay ka qabeen maamulka Somaliland. Waxaan leeyahay in dadka reer Sool shaqo loo sameeyo ayay balanteenu ahayde in loo shaqo tago may ahayn. Marka aan arimanhan ka hadlayo maaha inaan qabyaalad u jeedo, waxanse leeyahay in wixii gobolka ka maqnaa la buuxiyo, dowladu xaq way u leedahay in shaqaalaha isku badasho, waxase weeye marka ay dowladu waajibkeeda ka soo baxdo ilaalisana isu dheelli tirka shaqada shaqaalaha.

Waxaan sidoo kale rabaa inaan taabto wixii waxtar ah ee gobolka soo gaadhay:

  1. saddex aqal oo dib u habayn lagu sameeyey (guriga badhasaabka, Saldhigga Booliska, xarunta dowladda hoose)
  2. Raashin mucaawima ahoo la geeyey markii Somaliland tu ay qabsatay gobolka kaasina sidii loogu tala galay uma bixin, luuq-luuqyo ayaa lala galay ka dibna dadka ayaa dib looga iibiyay
  3. Mishiino shan ah oo la yidhi biyay macaanaynayaan hadana aan shaqayn
  4. Wax la yidhi 2% ayaa cashuurta dalka lagu kordhiyay si wax looga qabto gobolka Sool lagactaasina gobolka wax soo gaadhay ma ah wixii masuul ka ah ayaa og halka ayay lacagtaasi qabatay.

Waxaan leeyahay kuwa gobolka maamulka u haya iyo kuwa halkan (Hargeysa) joogaba hal dhedigi geel ma rimiso. Wixii gobolka ka xuna waxa ka masuul ah Madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waana lagula xisaabtami doonaa. Waxaan leeyahay ragay dawladu idmatay gobolka warbixinta dhabta ah ee gobolka ka jirta uma soo gudbiyaan meesha laga rabo ee hawshaa iska leh waxayna ula dhaqmaan sidii dadku inaanay Somaliland u hogaansamin iyo adayg aan hada loo baahnayn.

Talo soo jeedin:

  1. Waxan dawladda u soo jeedinayaa in marka howl la qabanayo la siiyo dadka halkaa jooga lagana faa’iidaysto aqoonta dadka loona faa’iideeyo
  2. Arinta gobolka in taladeeda wax laga siiyo dadka mufakiriinta ah oon lagu sii dayn dad aan dadka mudnaan badan ka lahayn.
  3. Gobolka in loo sameeyo gudi horimarineed oo la shaqaysa maamulka gobolka ka jira si loo ogaado habsami u socodka howlaha gobolka
  4. Marka gobolka assessment lagu sameyna ama wax loo gudbinaya waa in ay jiraan dad xogta soo ururinayaana waa in yihiin dad danaynaya arrinta gobolka
  5. Waa in gobolka hay’adaha loo furaa oo ay ka howlgalaan iyada oo hada ayna jirin sababo ka hortaagan
  6. Xiligan la jooga gobolka uma cuntamayso in dano shaqsi gaar ahi leeyahay oo loo fuliyee wuxuu u baahan in dadweynaha iyo danta guud ee gobolka wax laga qabto.
    Sool iyo Sanaag waa gobolada dalka ugu baaxadda weyn, uguna barwaaqo badan, markaa waa in aan la dhayalsan, gobolka Sool waxqabadkiisa iyo waxyeeladiisaba Madaxweynaha ayaa ka masuula.
    By: Caaqil Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Gadh-yare)
This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.