Garabka Haweenka KULMIYE oo Gaashaanka Ku Dhuftay Mudo Kordhinta Guurtida

Hargaysa (Somaliland.org)- Garabka Haweenka ee KULMIYE ayaa maanta shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa waxa ay ku canbaareeyeen Go’aanka Golaha Guurtidu markii kale muddada ugu dheereyey Madaxweyne Rayaale, islamarkaana waxa ay sheegeen in Xukuumada xilkeedu ku eg-yahay 6-da bisha Apr. wixii ka danbeeyana loo baahan-yahay in qaranku talo midaysan ka gaadho si dalka loo badbaadiyo.
Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee KULMIYE Canab Cumar Ileeye oo shirkaas oo maanta ka hadashay waxa ay sheegtay in go’aanka Guurtidu meel ka dhac ku yahay geedi-socodka dimuquraadiyada, Islamarkaana aan la aqbali karrin sharci darro.
Shirkan maanta oo ay ka qab-galeen Hogaanka Garabka Haweenka KULMIYE ka sokow Gudiyada Waaxaha iyo degmooyinka Hargeysa waxa ay sheegeen in shacbiga looga baahanyahay inay fiiro gaar ah u yeeshaan talaabooyin ay ku tilmaameen kuwo guracan oo ay xukuumadu dhaqan ka dhigatay, Islamarkaana ay nabad-galyadooda ilaashadaan.
Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
Somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.