Dadwaynaha Ku Dhaqan Caasimadda Sideebay U Arkeen Muddo KordhintaAy Golaha Guurtidu Xilka Ugu Kordhiyeen Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenkiisa

“Waxaan Is Lahaa Wadanku Uu Ka Soo Raynayaa, Waxaanse Hadda U Biyeystay Inaan Iskaga Tahriibo Waayo” Arday Dhigta Jaamacadda

Hargeysa March 30 2009 (Haatuf) – Dadweynaha ku dhacan caasimada Hargeysa ayay lama filaan ku noqotay muddo kordhinta ay golaha guurtidu muddo 6 bilood ah ugu kordhiyeen Rayaale iyo Ku xigeenkiisa inay sii hayaan xilka, taas oo ay dad badani u arkayeen inay ka badantahay muddadii Komishanku u qoondeeyey inay doorashadu ka dhacdo dalka, isla markaana Madaxweynuhu ka codsaday inay guurtidu waafajiyaan muddo kordhinta wakhtiga komishanku qoondeeyey.

Koox Weriyeyaal ah oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ayaa maalintii shalay waxa ay wax ka weydiiyeen aragtidooda dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa, kuwaas oo intooda badan ay saluugeen muddo kordhinta lixda bilood ah ee ay golaha guurtidu xilka ugu kordhiyeen xukuumadda, halka ay tiro yari oo ka mid ah dadka ku dhaqan caasimadu ay soo dhaweeyeen.

Dadkan ayaa waxa ay ku sababaynayaan in aanay jirin doruufaha uu sharcigu tilmaamayo in xilka loogu kordhin karo xukuumadda jira, isla markaana waxa ay sheegeen in muddo kordhintan soo noqnoqonaysa ay caqabad ku noqon karayso doorashooyinkii iyo hanaankii dimuqraadiyada ee ay Somaliland doonaysay inay beesha caalamka kaga hesho aqoonsi buuxa, waxaana ay qaar ka mid ah dadweynuhu ay tibaxeen in haddii laga qalmi waayo in muddada la kordhiyo ay ahayd in golaha guurtidu uu ku sar gooyo muddo kordhintooda, wakhtiga komishanku ay sheegeen inay ku qabsoomi karto doorashad madaxtooyadu ee 31-ka may .

Qaar ka mid ah hadalada dadkii ay wariyeyaashu wax ka weydiiyeen sida ay u arkaan muddo kordhintan cusub ayaa waxa ka mid ahaa  Cabdale Cabdiraxmaan oo ah arday sanadkii ugu dambeeyey ee jaamacada Hargeysa ku jira ayaa isagoo dareenkiisa cabiraya  yidhi “Aad baan uga xumahay muddo kordhinta ay golaha Guurtidu ku talaabsadeen waxaana aan u arkaa inay khalkhal galinayso dimuqraadiyadii aanu ku faani jirnay, isla markaana ay mugdi galinayso siyaasadii gudaha iyo dibada ee dalkeena, Arrintani waa mid shacbi weynaha ku noqotay amakaag kuna soo biirtay taariikhdii madoobayd ee madaxweyne Rayaale” ayuu yidhi.

“waa xaaraan in xilka loo kordhiyo xukuumadda mar haddii aaanay jirin nabadgelyo daro, iyo masiibo qaran, arrintanina waxay ka hor imanaysaa qodobka 83 faqradiisa 5aad ee dastuurka Somaliland, golaha Guurtiddu maaha inuu noqdo dhaameel qaate mar walba la taagan muddo kordhin” sidaa waxa yidhi Axmed Muxumed oo ka mid ah shaqaalaha dawladda.

Daahir Faarax oo ka mid ah dhalinyarada magaalada Hargeysa ayaa isaguna ku dooday in ay sharci tahay muddo kordhinta xukuumada, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “arrintan muddo kordhintu waa arrin sharci ah, golaha guurtiduna waa golaha xaqa u leh inuu kordhiyo, maxaa yeelay haddii aan loo kordhin xukuumada waxaa imanaysa jaha wareer siyaasadeed oo dalka ku habsada, sidaa awaadeed waan taageersa nahay in muddada xilka loo kordhiyo xukuumada Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.”
Cabdicasiis Maxamed Ismaaciil oo ah sarifle magaalada Hargeysa ka shaqaysta ayaa isaguna yidhi “waa sharci daro arrintani, teeda kale guurtidda lafteeda ayaa sharci daro ku fadhida, markaa taasi waxay ka dhigan tahay hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho”.

Rashiid Cali Muu’min oo ah arday dhigta jaamacada Hargeysa ayaa isaguna ku dooday  “walaahi arrintan aad ayaan uga xumahay, waana nasiib daro soo waajahday dalkeena, maxaa yeelay inta jeer ee loo kordhiyey xukuumaddu lama qiyaasi karo, waana arrin xaaraan ah, Dee muddo kordhin ku jiri maynee meesha ha lagu kala yaaco, waxaanan u biyeystay hadda wixii ka dambeeya inaan wadanka iskaga tahriibo waayo, waxaan is lahaa wadanku hadda ayuu ka soo raynayaa, laakiin hadda mugdi iyo muran siyaasadeed ayuu sii galayaa, sida daraadeed waxaan leeyahay dhalinyarada waar meesha waxba kuma haynee aynu iskaga tahriibno”.

C/risaaq C/laahi Xasan oo ka mid ah dhalinyarada ciyaarta kubbada cagta ee xaafada jig jiga yar ayaa fikirkiisa ku bilaabay  “waa wax laga xishoodo in odayaashii aynu ixtiraamka u haynay maanta ay sidaa inoogu abaal gudaan oo dimuqraadiyadii aynu hiigsanaynay adhaxda ka jabiyaan, anigu shacbiweynaha waxaan ugu baaqi lahaa inay xaqooda ka soo ritaan xukuumadda kelitaliska ah ee Daahir Riyaale Kaahin”.

Ugu dambeyntii Sahra Cabdi oo ah ardayad ku jirta fasalka afraad ee dugsiga sare ee Faarax Oomaar ayaa ku dooday “waa arrin laga xumaado inay guurtidu caqabad hor leh ku noqoto dimuqraadiyadii aynu ku faani jirnay, runtii aad baan uga xumahay arrintan doraad dhacday, qof kastoo Somaliland danaynayaa wuu ka naxayaa”.

Faadumo Axmed oo ah hooyo ka mid ah haweenka suuqa wadhatad wax ku iibisa ayaa waxa ay tidhi “waxaan halkan cadceeda ah u fadhiyaa ee aan maalin walba u bixiyaa cashuurta dawladda hoose inaan mar uun hello dawladd dadkeeda u xil qabta ayaydun heli doontaan hase yeeshee maanta markii aan maqlay in doorashadii cirka lagu laalay waxa ay taasi igu noqotay niyad jab weyn aniga iyo qayrkayba, odayaashu haddii ay ka qalmi waayaan inay muddada kordhiyaan in inta ay komishanku sheegeen inay doorasho ku qabanayaan inay ku simaan, maxaase noo damaanad ah haddii ay lixdaa bilood ee loo kordhiyey doorasho ku qaban wayaan hadana miyaa la kordhin doonaa, sidaa darted waxa aan soo jeedinayaan xukuumadda iyo guurtidaba in aanay dalka iyo dadka mugdi u horseedin”.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan caasimada ayaan soo dhaweynin muddo kordhintan ay golaha guurtidu xilka ugu kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa moddo lix bilood ah, iyagoo u arkaya inay muddadaasi ay tahay mid aan loo baahnayn wakhtigan xaadirka ah, balse waxa ay sheegeen in haddii laga tegi waayo ay ahayd in golaha guurtidu ay laba bilood ugu daraan ama saddex bilood.

Dadka reer Somaliland oo muddo hal sanadood ah u dhex taagayey in la qabto doorashada madaxtooyada ayaa candhuuftooda dib u liqay kadib markii ay komishanka doorashooyinku dabayaaqadii bishii February ku dhawaaqeen in aanay qabsoomayn doorashadu 29-ka march oo shalay ahayd, waxaanay quusteen markii Doraad ay golaha guurtidu lix bilood ugu dareen xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay sii hayaan, waxaana u muuqataa in mudadaasi 31-ka may ee ay komishanku u cayimeen ay doorashada qabanayaan ay egtahay inaanay ku qabsoomayn doorashadu, lamana saadaalin karo in ay mudada guurtidu muddo kordhintan ku xustay lafteedu ay xukuumada rayaale iyo kumishanku ku qaban doonaan doorashada madaxtooyada.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.