Maxaa laga yidhi go’aanka Guurtida ee muddo-kordhinta Madaxtooyada?

“Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan…” Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Ogaal)- “Waxaan u arkaa go’aan ayaan-daro ah. Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan laga soo waaqsanayn u geysanayo horumarkii dalka, kuna bilaabay jidkii Keli-talisnimada iyo xorriyad la’aanta inuu horseeday baan arkaa inuu yahay aad iyo aadna waan uga xumahay, waase go’aan sidaa aanu u aragno u dhacay. Midda labaad, waxa la yaabka lihi waxa weeye; Golaha Guurtidu wuxuu u xilsaaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay dalka ka jirto Nabadgelyo-daro, waqtiga doorashadu dhacayso Nabadgelyo-daro jirto, weliba mid ah in aanay doorasho qabsoomi karayn. Dalka Somaliland wuxuu mar walba ku faanayay inuu xorriyad, xasilooni iyo degenaansho haysto, sababta qodobkaa loo cuskadayna waa wax aan suurtogelayn, Sharciga iyo Distoorka ku jirin oo ka gudubsan weeye. Midda saddexaad, Komishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay waqtiga qabtaan. Markaa, Komishanku waqti bay soo qabteen, waqtigii ay soo qabteen laftigiisiina way ka gudbeen (Guurtidu). Waxa dhab iyo biyo kama dhibcaan ah inay dawladdu awoodo badan isticmaalaysay oo ay awoodo dhaqaale isticmaalaysay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay sida uu u arko go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

Guddoomiyaha KULMIYE oo xalay u waramay Laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu aanu awood u lahayn dib-u-riixa doorashada. “Guurtidu shuqul kuma laha shaqadeedana maaha inay qabato waqtiga doorashadu dhacayso. Arrintaa haddii ay ku celinayaan waxay ahayd inay ku celiyaan Komishanka oo ay yidhaahdaan waqti munaasib ah qabta oo soo-jeediya. Guurtidu xaq uma laha inay iyadu qabato muddada doorashada oo taasi cid kale ayay xilkeeda tahay, mar walbana waanu caddaynaynay Sharciguna wuu qeexayaa. Time-line-ka (waqtiyaynta doorashada) waxa Sharciyan iska leh Guddiga doorashooyinka, mana aha inay Guurtidu qabato. Arrimahan kale oo dhana Sharcigu si qudha uun buu ogolaanayaa in loo kordhiyo, taasina waxa weeye Nabadgelyo-daro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso ee la soo-jeediyo. Laakiin, taasi wax kastaba ha ahaatee wax la soo dhaafay weeye, maanta Nabadgelyo-daraa taala jirta ama ay tilmaamayaana ma jirto, wax isu-tanaasul ah iyo talo ah oo laga waydiiyay Axsaabta iyo talooyinkoodiina midna may soo qaadan. Markaa, waxaan aaminsanahay oo aad u cad in maanta geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac weyn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanayay ama umaddeedu ay hawaysanaysay ee ay hiyiga ku haysay inuu dhaawac weyni soo gaadhay baan u arkaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko sababo ay Mudaneyaasha go’aankaa meelmariyay ku dooddeen inay saldhig u yihiin arrintaas. Mar la waydiiyay maadaama ay go’aankaa diidan yihiin sida ay xalka u arkaan waxa uu ku jawaabay, “Annagu xal maanta ka hadli mayno, dareenkayagii u horeeyay kaa weeye, xisbi ahaana weli talo iskumaanu iman, waananu isugu iman doonaa kana tashan doonaa, umadda oo dhan way u taalaa.” Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ka sokow awoodo dhaqaale oo sida uu tilmaamay Xukuumaddu adeegsaday, ay jireen dad sife aan Sharci ahayn loo xidhxidhay, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubno Suxufiyiin ah oo shalay Boolisku xidheen.

Dhinaca kale, xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa la filayaa inuu maanta war rasmi ah ka soosaari doono aragtidiisa la xidhiidha go’aanka Golaha Guurtidu muddadii xil-haynteed ugu kordhiyay Madaxtooyada. Siday tibaaxeen ilo xogogaal ahi, xisbiga UCID waxa uu aaminsan yahay aragti lid ku ah go’aanka muddada lixda bilood loogu kordhiyay Madaxweynaha, isla markaana sida la sheegay waxa uu u arkaa in aanu Golaha Guurtidu xaq u lahayn inuu sameeyo muddo ka baxsan cayimaadii Komishanka doorashooyinka ee 31 May 2009. “Xisbi ahaan waanu ka tashanaynaa, berina (maanta) waxaanu soosaari doonaan mawqifka aanu arrintaa ka taaganahay.” Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan xisbiga UCID.

Marka laga yimaado aragtida Mucaaradka, taageerayaasha xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa durba bilaabay inay muujiyaan soo-dhawaynta muddo-kordhinta oo Xukuumaddu olole u gashay. Siday xalay laga faafinayay warbaahinta Qaranka ee Xukuumaddu gacanta ku hayso, waxa bilaabmay hambalyo ay masuuliyiinta Gobollada, degmooyinka iyo Madax-dhaqameedka qaarkood ku taageerayaan go’aanka Guurtida. Hase yeeshee, taas bedelkeeda waxa jira dareen kakan iyo didmo ay bulshada intooda badani ku qaabishay go’aankaas shalay. 
 

Duullaankii gudoomiye-ku-xigeenka iyo Dulqaadkii Saleebaan

Muuqaalkii madasha iyo Go’aankii Golaha Guurtida ee shalay

“Qaraxyadii 29 October aynu ku beegno, maalinta uu la wareegayo Madaxweynaha la doortey” 

“Waar Siciidow Fadhiiso, waxba lagu noqon maayo tirada’e.”

Gudoomiye Saleebaan

“Waxaan ahay Gudoomiye kula mid ah Adiga”

Gudoomiye ku xigeenka labaad

Hargeysa (Ogaal) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay shalay yeesheen ugu kor  kordhiyey waqtiga xil-haynta Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin Ilaa October 29. Islamarkaana waxa ay cod ku meel-mariyeen in doorashada madaxtooyadu qabsoonto September 29 2009.

Muuqaalkii guud

Waxa adkaa in laga ag-wareego Xayndaabka guud ee Golayaasha Baarlamaanka Somaliland shalay. Waxa guud ahaan loo diiday gaadiidka iyo dad-weynaha isticmaala Jid hal-bawle ah oo u dhexeeya Madaxtooyada iyo xayndaabka xarunta Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo baabuurta laga duwayay inta u dhaxaysa labada Is-gays ee  Wasaarada Maaliyada iyo ishaarada dhinaca Cusbitaalka. Iyadoo labadaa dhinac ee ciidamada Ilaalada u ah xarunta Guurtida ee dooda mawduuca mudo kordhinta ka socotay ay gaaf-wareegayeen dad-weyne ka dhursugayay go’aanka ka soo baxa kulankan amaankiisa’aadka loo adkeeyey. Waxana la arkayay dadkaa qaar ka mid ah oo ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen. Dadka arrimahan loo xidh-xidhay shalay waxa  ku jiray Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka mid ah soo saarayaasha idaacada madaxa banaan ee Horyaal. Wariye Liibaan Maaweel Shire, Ducaale Cabdi Fuuraa iyo Cabdi Abokor Siciid. kuwaasoo qaarkood ka mid ahaayeen dad ilaa habeen hore xukuumadu xidh-xidhay.

Marka loo gudbo Gudaha madasha doodu ka socotey, waxa dareen ahaan Saxaafadii ka qayb-gashay kulanka ugu muuqanayay kala qab-sanaanta mudanayaasha oo isu soo dhiilo dhaansaday. Iyadoo tiraba laba jeer muran Golaha hadheeyey uu shaki galiyey codka. Iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali ka mid ahaa mudanayaasha dalbaday in lagu noqdo tirada ka dib markii natiijadii hore muujisay in xildhibaanadu ka hor jeedaan mudo kordhinta. “Halagu noqdo tirada” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka labaad, taasoo keentay muran qadar daqiiqado ah socday oo dhexmaray Gudoomiyaha. “Waar Siciidow fadhiiso”  hor yimaadeen ayaa waxa ay si weyn isku khilaafeen Guddoomiyaha Guurtida, oo ku adkaystay in tirada codka dib loogu noqdo., taasi oo markii dambe u hirgashay oo Guddoomiyuhuna aqbalay in dib loo tiriyo.

“Waar Siciidow Fadhiiso, waxba lagu noqon maayo tirada’e.” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan hase ahaatee waxa uu ku adkaystay in uu gudoomiye la mid ah yahay oo aanu fadhiisan doonin. “ Waxaan ahay Gudoomiye kulla mid ah addiga”

  Codbixintii

Fadhiga waxa ka soo xaadirey, 79 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudan ee uu ka koobanyahay Golaha Guurtida. Labaataneeyo xildhibaan ayaa ka qayb galay, kuwaasoo ka turjumayay kala qaybsanaanta Golaha. Islamarkaana, kala taageerayey laba arragtiyood oo midkood u qiil-dayayso in Madaxtooyada waqtigii hore ka dhamaanayo  loo kordhiyo mudo Lix bilood ah “29 October aan ku beegno waqtiga uu la wareegayo madaxweynaha la doortay,” halka arragtida labaad ee taas ka hor jeeda mudanayaasha watay kaga doodayeen in aan la aqbali karrin waqti kale oo loo dheereeyo Rayaale iyo Axmed Yaasiin, “Mudo kordhin uun baa lagu jiri doonaa hadii aynu saadsano nadbad-galyo daro aan  jirin” maadaama aanay mudo kordhintii horeba waxba ku soo kordhinin, hase ahaatee, waxa guuleystay dood iyo muran ilaa goor danbe oo shalay ahayd gaadhay Taageerayaashii dhinbaca muxaafidka u xaglinayay in kasta oo taasi ay u muuqatay mid ku meel-martay rafaad iyo gal-galasho badan. “Waxa yaala laba ra’yi ayaa yaala, mid leh hala kordhiyo mudada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka loo mudeeyey. Taasoo ay soo jeediyeen in ilaa 29- October ay ku ekaato inta ka horeysa 29 bisha sagaaladaana doorashadu ha dhacdo iyo qolo aaminsan in aanay jirin wax la kordhinayaa.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtidu.

Waxana la gudo galay mar kale cod-bixintii taasoo lagu ogolaaday in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo kordhiyo illaa bisha October ee sanadkan 42 Mudane, halka ay ka diideen muddo kordhintaasi 35 Xildhibaan, Hal Mudane ayaa ka aamusay, Guddoomiyuhuna  muu codeyn.

Go’aanka Goluhu waxa uu dhaafa qorshihii Komishanku hore ugu asteeyey Waqtiga doorashada ee ahayd 31 –May in la qabto, iyadoo horena uu u jiray heshiis dhinacyada Axsaabtu ugu gaadheen in aan Golaha Guurtidu fara-galin waqtiga Komishanku u asteeyo, balse ay halkaa ku ekaadaan.

Marka la soo ururiyo, waxa loo arkayay in arrintan Xukuumadu ku qabatay gacan adag iyadoo Wasiirka Arrimaha guduhuna uu warbaahinta dawlada ka shaaciyey in ay jiraan dad doonaya inay mudaharaado dhigaan. 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

“Al-Qaacida Diinta namay barin, mana doonayaan in Somalia Dawladi ka jirto ee ha  na dayso”

Shariif Sh. Axmed

Muqdisho (Reuters/Ogaal)- “Aad baanu uga xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Usama Bin Laden ee ahaa in Dagaal ka bilowdo Somalia, waqti aanu Dawlad dhisanay. Al-Qaacida waligeed nagama caawinin dhinaca Nabadda, mana doonayso in Somalia Dawladi ka jirto.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somalia Shariif Sh. Axmed oo Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho shalay kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay waxyaabihii uu kala kulmay socdaalladii uu ku maray Dalal Afrika ka mid ah.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Warkan baahisay, Madaxweynaha Somalia waxa uu dhawaaqiisani ka dambeeyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Hoggaamiyaha Shabakadda Al-Qaacida Usama Bin Laden, kaas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado. “Waxaan aad uga xumahay in Al-Qaacidda intay weyday wax ay ka hadasho, in ay tidhaahdo Shacabka Soomaaliyeed oo Muslim ah, isla markaana heshiiyay, dowladna dhistay ha is-dilaan.” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Al-Qaacida Anaga Diinta namay barin, waxbana noomay qaban. Hadda waxaanu nahay Dawlad oo dhan yahay, waxaananu rejaynaynaa in aanu aakhirka nabadda gaadhno.” Madaxweynaha Somalia waxa uu baaq u jeediyay Shabakadda Al-Qaacida iyo Hoggaamiyahooda. “Waxaan u soo jeedinayaa Al-Qaacida in ay na daayaan.”  Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia waxa uu ka hadlay waxyaabihii uu kala kulmay socdaallo uu ku maray Dalal ka mid ah Afrika oo ay ka mid yihiin, Sudan, Burundi, Kenya, Libya, Uganda iyo Rwanda. “Sudan iyo Libya waxay noo sheegeen in ay ku gudo-jiraan habkii ay isugu keeni lahaayeen Dawladda iyo Kooxaha Mucaaradka ah, si wada-hadal u dhex maro.” Ayuu yidhi Shariif Sh. Axmed. Waxaanu sheegay in dalalkaasi ay dedaallo ugu jiraan sidii Somalia loo midayn lahaa, isla markaana nabad looga islaaxin lahaa.

Is-rasaasayn iyo qaraxyo

ka dhacay Boosaaso

Bosaaso (Ogaal/Somalilandpress)- Rasaas lays-waydaarsanayay ayaa la sheegay in laga maqlayay habeenimadii Jimcaha magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland.

Inkasta oo aan si rasmiya loo kala cadayn dhinacyada rasaasta isku ridayay, hadana sida lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka Soomaalida waxa rasaastan is-waydaarsanayay kooxo maleeshiyaad ah iyo ciidanka sirdoonka Puntland (PIS). Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in rag hubayani ay garnaylada gacanta ku tuureen gudaha xarunta PIS oo ku taala xaafadda Laanta Hawada ee Boosaaso ka hor intii aanay bilaabanin rasaas ka dhacaysay qoryaha fudud.

Warku ma kala cadayn khasaaraha kala gaadhay dhinacyaddaas, hase ahaatee, wararka qaarkood ayaa sheegaya in weerarka lagu’aaday xarunta sirdoonku uu la xidhiidho xadhigii dhawaan xabsiga logu taxaabay wadaad aad looga yaqaano degaankaas, kaasoo la xidhay ka dib mar uu ka soo laabtay booqasho la sheegay inuu ku tegay magaalada Kismaanyo, halkaas oo ay awood badan ku leeyihiin ururka Al-shabaab. Sidoo kale, magaalada Garoowe ayaa weerar dhimasho keenay uu ka dhacay, ka dib markii koox dablay ahi ay garnayllada gacanta ku tuureen goob lagu caweeyo. Sidaa daraadeed, wararka ka imanaya dhinaca Puntland ayaa sheegaya in masuuliyiinta dawlada maamul-goboleedku ay magaalada Boosaaso kaga wada hadlayaan arrimaha la xidhiidha amaanka magaalada, iyada oo ay soo baxayaan eedaymo lagu xidhiidhinayo Al-shabaab qaraxyadii dhawaan Garoowe ka dhacay iyo weliba qaraxyo kale oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Cabdillaahi Siciid Samatar oo ah wasiirka Puntland u qaabilsan arrimaha amaanka ayaa shaaca ka qaaday qaraxa ka dhcay Garoowe iyo dhimashada hal qof iyo saddex kale oo ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo dhamaantood ahaa Itoobiyaan, balse waxa la sheegay inuu ka gaabsaday qaraxyada ka dhacay Boosaaso.

Isniintii la soo dhaafay ayay sirdoonka PIS xabsiga u taxaabeen wadaad lagu magacaabay Sheekh Cismaan, taasoo cirka ku shareertay rabshado khasaare keenay, ka dib markii ay dadweynuhu ka gadoodeen xadhiga wadaadkaas. Ma jiraan ilaa hada wax war rasmiya oo ay dawlada Puntland ka soo saartay xadhiga wadaadkaas, balse warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in wadaadka lagu xidhiidhinayo ururka Al-shabaab. 
 

Weriyeyaal ay boolisku xabsiga u taxaabeen iyo mid ka mida oo la garaacay

Hargaysa (Ogaal)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay afar wariye oo ka tirsan saxaafadda Madaxabanaan, iyada oo weriyeyaashaas saddex ka mid ah la qabtay habeen hore.

Liibaan Maaweel Shire iyo Cabdi Abokor Siciid oo ka mid ahaa afarta maxbuus ayaa iyaga isla xalay laga sii daayay Saldhiga dhexe, hase ahaatee, Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Ducaale Cabdi Fuuraa ayaan ilaa xalay la sii dayn. Isla markaana weriye Axmed Saleebaan Dhuxul oo shalay xabsiga loo taxaabay isaga oo marayay agagaarka Xarunta Wasaarada Maaliyada, ayaa ciidanka Boolisku qabteen shalay gelinkii hore isaga oo hawl-maalmeedkiisii xilligaas ku guda-jiray. Ma kala cada sababta keentay xadhiga suxufiyiinta, isla markaana ma jiro war rasmiya oo ay boolisku ka soo saareen xadhigooda. Hase ahaatee, waxa uu warku sheegay in weriye Axmed Saleebaan Dhuxul ay boolisku garaaceen isla markii ay qabteen, sidoo kalena nabarro ayaa la sheegay inay madaxa kaga yaaleen.

Xadhiga weriyeyaashan ayaa ku soo beegmay shalay xilli lagu guda jiray codayntii Golaha Guurtidu mudada lixda bilood ah ugu kordhiyay xukuumada Madaxweyne Rayaale.  
 
 
 

Soomaali lagu xidhiidhiyay argagixiso oo booliska Kenya xabsiga u taxaabay

Malindi (Daily Nation/Ogaal)- Sadex qof oo lagu xidhiidhiyay waxa loogu yeedho argagixisada ayay booliska Kenya xabsiga u taxaabeen, ka dib markii la qabtay iyaga oo ka socdaalay magaalada Lamu kuna socday magaalada Malindi, sida la sheegay inay shaaciyeen booliska ka-hortaga iyo la-dagaalanka argagixisada Kenya.

Dembi-baadhaha degmeda Malindi Mr John Kariuki ayaa sheegay inay boolisku heegan adag ku jireen, maadaama degaanada waqooyiga Kenya ee xuduudka la leh Soomaaliya loogu yeedhay dhul fawdo ah. “Saddexdan qof oo looga shakisan yahay falalka argagixiso, waxay kala yihiin haweenay iyo laba nin, kuwaasoo ay xidheen booliska la-dagaalanka argagixisadu oo ka yimi magaalada Mombasa, isla markaana waxay su’aalo ku waydiinayaan istayshanka dhexe ee Malindi,” sidaa waxa yidhi Mr Kariuki.

Waxa uu sarkaalkaasi sheegay in xadhiga saddexdan qof uu ka dambeeyay markii ay ku andacoodeen inay yihiin Kenyaan, balse mid keliya uun laga helay sharciga aqoonsiga Kenya. “Eedaysanayaashu waxay ku andacoodeen inay ka yimaadeen xaflado dabaaldegyo ahaa oo ay u tageen dhinaca Maulidi oo ku taala Lamu,” ayuu yidhi Mr Kariuki. Sidaas oo ay tahay weli boolisku waxay ka gaabsanayaan inay carrabka ku dhuftaan in dadkani yihiin kuwo ka tegay dalka Soomaaliya iyo inkale. Mr Kariuki waxa uu ku sheegay magacyada saddexdan qof inay kala yihiin Ms Fatuma Mohamed, Mr Khalid Harith iyo Mr Athman Omar Bapae. “Waxay sheegeen inay ka yimaadeen magaalo-taariikheeda Lamu, halkaasoo ay kaga qaybgalayeen xaflado lagu xusayay dhalashadii Nebi Muxamed (NNKA) oo sida guud ahaaneed loo yaqaano Maulid,” ayuu yidhi taliyaha saldhiga booliska la geeyay. Hase ahaatee, Mr Kariuki waxa uu intaa raaciyay in Istayshanka Malindi oo loo geeyay wax waydiin ka dib ay u wareejiyeen dhinaca magaalada Mombasa si su’aalo intaa ka badan halkaa loogu sii waydiiyo. 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.