Lix Bilood ka Dib Sadex Sano Hadii loo Kardhiyo, Maxay Samayn Karaan kuwa Damaca Lihi ? Yaa Huba? Yaa kaa Damiin ah

Burco (Somaliland)-Haa waa suura gal inaad ku faraxdo ama ka naxdo natiijada ka soo baxday kulankii golaha odayaasha Somaliland ay gacmaha kor ugu taageen in uu Mudo lix bilood ah bilaa Shuruur Xilka Madaxweynenimo ugu Sii hayo Dalka Madaxweynaha Mudo-kordhinta ku Mamay ee Daahir Riyaale Kaahi.
 
Hasa yeeshee Akhriste xusuusnow in aanad wax damaanad ah u haysanin in doorasho dhici doonto xataa lixda bilood ka dib, ma jirto waxa shuruud ah oo lagu xidhay mudo kordhintan, ma jirto cid damaanad qaadi karta lix-bilood ka dib in hadana 42 kan Oday Madaxweynohooda Riyaale ay u kordhin doonaan Mudo kale oo haday doonto 3 Sano ah
 
Mid kale xasuusnow akhriste Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Isaguna waxa uu golaha guurtida ugu abaal gudi doonaa go’aankoodan dhigiisa oo ah mudo-kordhin goleed, waxa kale oo suura gal ah in Natiijada Doorashooyinka Madaxweynenimo hadii bilaaba ay dhacdo ay soo saari doonaan golaha Guurtida Laftoodani.
 
Talaabooyinkan oo dhan waxa ay u muuqdaan in uu masuul ka yihiin Xisbiyada Mucaaradka ah, Waayo?, ma muuqato istaraatijiyada Siyaasadeed oo ka dhan ah isku dayga noocan oo kale ah
 
Ma Jirto waxa ay Xisbiuada Mucaaradka ahi diidi karaan gabi ahaantoodba, oo dhaafsiisan Canbaarayn oo kali ah, taasi oo lafteedu ah Ayaamo ama Galin Qudha, taasi badalkeedana tani waxay sii dhiirigalisaa isku day kasta oo siyaassadeed misna khatar badan 
 
Waxa hubaal ah in hadii madaxweyne Riyaale caawa ku dhawaaqo go’aan qaadasho shaqsiyadeed oo uu gabi ahaanba ku mamnuucaayo ereyga ina wareeriyay ee “Doorasho” In jawaabta qudha ee Xisbiyada Mucaaradkaahi ka bixin karaan uun tahay Canbaarayn Maalin Galinkeed ”Bes”
 
Si kastaba xaalku ha ahaadee Xisbiyada Mucaaradka ah waxa la gudboon in hadii ay Damac Leeyihiin ay la yimaadan Durbaankiisii oo dhamaystiran, Hadii kalena ay Bulshada ka Daayaan Qiirada Yar ee Maalin Galinkeed ah, Arintuna imika u muuqato Sidaasi oo Abadan ah, Hadii aay Liqayaan Iyo Hadii kaleba
 
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Somaliland Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.