Warsaxaafadeed: Xukuumadda Oo Abuuraysa Khal-khal Nabadgelyo

Warsaxaafadeed

Xukuumadda Oo Abuuraysa Khal-khal Nabadgelyo

Warbaahinta ay Xukuumaddu maamusho waxa maalmahan ugu dambeeyey ay mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsani ka jeedinayeen arrimo nuxurka ay xambaarsanyihiin yahay xaalad abuur iyo nabadgelyo darro ay Xukuumaddu ujeedooyin gaar ah ka leedahay.

Waxa kale, oo ay aabulayaan mudaharaadyo lagu dhaawacayo nabadgelyada Caasimada, waxaana arrinkaas abaabulkiisa loo xilsaaray Wasaaradda Daakhiliga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Maayarka Caasimadda. Mudaharaadyadaas oo ujeedadoodu tahay inay Dawladu kaga faa’iidaysato xaalada Siyaasadeed ee maanta Dalka ka taagan; iyadoo hindisaheedu yahay inay eedaas oo dhan dusha ka saaraan mucaaridku.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Daahir Rayaale waxay ku wargelisay hay’adaha ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo kuwa kale ee Caalamiga ah inay joojiyaan hawlahoodii ay Somaliland ka wadeen.

Talaabadani loogu digaayo hay’adaha waa arrin si cad u daah furaysa, una caddaynaysa inay xukuumaddu ka abuurayso Dalka khal-khal nabadgelyo darro.

Xisbiga KULMIYE wuxuu Dadweynaha u soo jeedinayaa inay ka taxadiraan arrimahaas nabadgalyadooda lagu waxyeelaynayo ee ay Xukuumaddu ka dambayso.

Xisbiga KULMIYE waxaa kaloo uu Dadweynaha u sheegayaa inaanuu marnaba ku kacayn, kuna kici doonin wax nabadgalyada iyo xasiloonida wax u dhimaya.

Wa billaahi Tawfiiq

Md. Kayse Xasan Cige

Xoghayaha Guud Xibiga KULMIYE

This entry was posted in Press Release and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.