Ogaal: Digniinta Wasiirka Daakhiliga iyo abaabullada iska soo horjeeda

Digniinta Wasiirka Daakhiliga iyo abaabullada iska soo horjeeda

Hargeysa (Ogaal) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cabdilaahi Ciro), ayaa xalay ka digay wax uu ugu yeedhay abaabulka mudaharaadyo aan sharci ahayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si gaar ah ugu waramayay Idaacada iyo Taleefishanka dawladu gacanta ku hayso, ayaan kala cadaynin cida abaabulaysa mudaharaadyada ee dadweyanaha u kicinaysa, hase ahaatee, waxa uu sheegay inay jiraan Boodhadh ama Hal-ku-dhegyo la sameeyay oo lagu doonayo in lagu qabto mudaharaad uu sheegay in abaabulkiisu labadii habeen ee ugu dambeeyay socday. Isaga oo arintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dadkaa iyaga ah, waxaanu leenahay haka waantoobaan iyagoon wax sharci ah haysan abaabulka iyo waxaa ay ku jiraan ee ay dadka ku carqaladaynayaan. Ummada reer Somaliland ee gaar ahaan caasimada degana waxaan leeyahay, nabadgelyadiina sidaad awalba u ilaashan jirteen u ilaashada.” Wasiirku waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata oo uu yidhi, “Cid kasta oo sifaha ay doonto wax ku carqaladaynaysa, waa inaynu iska ilaalino oo dhinac ka wada noqono oo aynu iska ilaalino oo aynu uga digno oo ku waanino inay nabadgelyada iyana dhinacooda ka ilaaliyaan….waayo nabadgelyo ayaa wax lagu helaa, nabadgelyo-xumo waxba laguma helo, markaa waxaanu leenahay nabadgelyo wax kasta halagu raadiyo.”

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay xalay soo baxayeen dareemo muujinaya abaabulo iska soo horjeeda oo ku wajahan shirka Golaha Guurtidu maanta ka yeelanayo dib-u-dhaca waqtiga doorashada iyo xiliga cusub ee gudiga doorashadu u qabtay xilliga ay qabsoomayso doorashada madaxtooyadu. Ka sokow, digniinta Wasiirka Daakhiliga, waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegayay in abaabulka mudaharaad muxaafidiintu ku taageerayaan mudo-kordhin Golaha Guurtidu ku dhawaaqaan laysugu soo bixayo saaka meelo kala duwan. Sidoo kalena, warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya inay mucaaradku abaabulayeen mudaharaad aan buurnayn oo lala hortegayo Golaha Guurtida. Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmiya oo kala xaqiijinaya jiritaanka mudaharaadyaddaas.


Ardayda Jaamacadaha Dalka oo su’aalo ku horay Hoggaanka KULMIYE

“Axmed-Siilaanyo, haddaad talada ku guulaysato M/weyne Rayaale Maxkamad ma soo taagaysaa?”

“Waxa ballan ah in Wasiirka Dhalinyarada aanu u magacowno Qof dhalinyaro ah haddaanu talada dalka qabano”

-Haddii KULMIYE talada ku guulaysto, Ururka Qaran ma ka sii mid ahaanayaa KULMIYE, mise gaar buu isu taagayaa?

Hargeysa (Ogaal)- “Waad aragteen oo Dacaayadaha Xukuumadda waxa lagu doonayaa in Xisbiga KULMIYE loo sawiro inta aan gartiisa la dhegaysan ee aan xaqaaqi’qa la ogaan in la yidhaahdo wuxuu hurinayaa Colaad. Raggaa dalka u soo halgamay ee Noloshoodii khatarta u wada..ee magaca loo wada sameeyay ee la leeyahay Dhiigyo-cab ee Nabadgelyo-xumayn loo sawirayo, uma taagnin Nabadgelyo-darro ee waxaanu nahay kuwa nabadda dhisaya ee dalka nabadgeshay ee doonaya inay nabaddiisu waarto. Nabadgelyada dalka kumaanu ciyaarin, kumana ciyaarayno..cidda 80-ka cod kaga tagtay ee nabadda dalka eegtay waxay ahayd KULMIYE, maantana waxba iskamay-kaaya bedelin.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay Munaasibad xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Ardayda Jaamacaduhu su’aalo ku weydiinayeen Masuuliyiinta iyo Hoggaanka Xisbigaas.

Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo, Guddoomiye-xigeenka koowaad Muuse Biixi, hoggaanka sare ee Urur-Siyaasadeedka Qaran, Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, Arday boqollaal gaadhaysay oo ka socotay Jaamacadaha Dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa ka hor intii aan Su’aalaha Ardaydu weydiinin Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Ururka Qaran, waxa halkaa ka hadlay Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, waxaanu ka warbixiyay Muhiimadda Dhalinyarada iyo Macnaha Ereyga Dhalinyaro oo uu sheegay inuu yahay da’da u dhaxaysa 15-ka ilaa 25 jirka. Waxaanu ku dheeraaday taariikhda waqtigii uu dhalinyarada ahaa iyo halgankii siyaasadeed ee ay dalka u soo galeen, isaga oo u soo jeediyay Dhalinyaradda xillgani inay aqoonsadaan oo ay arkaan awoodda ay dalka ku leeyihiin. Waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta Guurtidu ku leedahay xallinta muranka Siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inay awood u leedahay inay go’aan ka gaadho. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo oo isna hadal hordhac ah halkaa ka jeediyay ayaa Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda ku eedeeyay Xadhigga Shacabka, Suxufiyiinta iyo arrimo kale. “Dhinaca kale haddii aynu eegno, waar yaa Dhalinyarada Xabsiyada u taxaaba ee Xabbadda la dhacdaa ma Kulmiyaa, mise waa Dawladda UDUB? Waxa weeye Dawladda UDUB. Waar ciddaynu ogayn ee Saxaafadda maalin walba Xabsiyada u taxaabaya ee xidhaya kuwa dawladda mooyaane, inta kale oo dhan, ma Kulmiyaa mise waa Dawladda? Waad ogaydeen oo Madaxweynuhu iyada oo 18-ka May tahay ayuu inta uu halkaa istaagay uu yidhi Cadowga guduhu waa KULMIYE, waana hadalka uu maanta ku hadlo Xoghayaha guud ee UDUB.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxaanu ka hadlay Kalsoonida Xisbigiisu Dadweynaha ku qabo iyo in uu talada dalka ku guulaysto, waxaanu yidhi, “”Ilaahay wuxuu igu ogyahay kalsoonida aan maanta ku qabo Umadda iyo Shacabka, waxaan aaminsanahay haddii Doorasho xor oo xalaal ahi dhacdo in aanu Shacabka Somaliland codkooda helayno 80% iyo in ka badan. Mar kasta oo Doorasho dhacdana, diyaar baanu u nahay oo waa ta aanu meesha u taagannahay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan Dalal maalin kasta Doorashooyin qabta, balse loo baahan yahay in Doorasho uun loo baahnayn ee mid xor iyo xalaal ah loo baahan yahay in la qabto. “Doorasho Waddamo badan ayaa qabta oo kuwa Deriska ah ayaa qabta, M/weynaha Zimbabwe Robert Mugabe wuu qabtaa, kuwa Uganda way qabtaan, waddamo badan oo kale oo aanan sheegaynin oo aanay hadda Afku inoo qabanaynin way qabtaan. Qaar baa 30 ilaa 40 sanno joogay oo maalin walba Doorasho qabta.. Doorashada dhabta ahna waa loo wada siman yahay Hantida Qaranka. Balse, Inaga halka Anaga Xafladdan uu Ilaahay ogyahay sida aanu Kharashkeeda ku bixinay, Xisbiga UDUB Lacag baa loo daraa xubnaha marka ay imanayaan.” Ayuu yidhi. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu naqdiyay Masuuliyaadka Baanka Somaliland iyo Lacagaha la  soo daabaco ee Shilinka Somaliland. “Maxaa keenay in Sanad walba marka Doorasho soo dhaw dahay Lacag cusub la soo daabaco oo Dad badani inooga baxaan. Waxa Guddoomiyaha Baanka la waydiiyay oo la yidhi maxaad ula eegataa Doorashada Lacagta aad soo daabacataan, wuxuu yidhi Iyadaa isku beeganta ee Anigu kuma beego. Sanad kasta waxa Miisaaniyadda lagu soo daraa Lacagta Burco Giimbaarta ayaa laga bedelayaa, lamana arko. Waxa xigtay Aafadii Burco iyo tii Laascaanood, welina ma jirto Lacag Laascaanood la geeyay. Meel ay Lacagtaasi martayna cid ka war qabtaa ma jirto.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu ku eedeeyay Baanka dhexe in lagu lunsado Lacagayow badan. “Waxa uu ka mid yahay (Baanku) Hay’adaha aanu baabi’inayno ee aanu bedelayno ee aanu Siyaasaddiisa xor ka dhigayno. Waxaananu u samaynaynaa Guddi fulineed cid kasta ka madax bannaan.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Isaga oo mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu xaaraan ku tilmaamay muddo-kordhin la sameeyo. Waxaanu soo jeediyay in labada Gole lagu wareejiyo talada dalka. “Markaa Xil-gudasho-la’aantii ma waxa umadda la odhanayaa, maantana Madaxweynuhu Xilkii buu gudan waayaye maxaynu abaal uga dhignaa, ha loo kordhiyo. Anagu halkaa mawqif kaliya ayaanu iska soo taagnay…Waxaanu leenahay, waa in labada Gole ee Sharciga ah ee Wakiillada iyo Guurtida oo iyagu dadku soo doortay ama Sharciyan u magacaaban ee Bulshada u wakiil ah talada lagu wareejiyo, iyana ay sameeyaan ciddii Doorasho xor ah oo xalaal ah umadda gaadhsiisa. Halkaas ayaanu taaganahay.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxa kale oo uu ka hadlay Dhalinyarada iyo Siyaasadda uga meel taala Xisbigooda, waxaanu yidhi, “Dhalinyarada marka laga hadlayo, waxaanu aaminsanahay oo aanu idiin caddaynaynaa in Dhalinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka oo ay xaq u leeyihiin in ay si buuxda ka qaadaan maamulka dalka iyo mustaqbalkiisaba..waxaanu qabnaa in laga bedelo oo laga dhigo 25-jir..waxaanu diyaar u nahay in aanu dhalinyarada ka dhigno kuwo saamayn ku leh talada iyo arrinka.” Intaa ka dib waxa la weydiiyay su’aalo kala duwan, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;

S: Guddoomiye, magacaygu waa Cabdilaahi Axmed Caarshe waxaan ka mid ahay Ardayda Jaamacadda Hargeysa qaybta Saxaafadda ka baxay, waxa jira tacaddiyo Xukuumadda & Madaxtooyadu kula kacday Suxufiyiinta madaxa bannaan, haddiiba aad ku guulaysato talada Madaxweyne Rayaale Maxkamad ma soo taagaysaa? mase jiri doontaa Dhaqaale aad u taageerto Saxaafadda?

J: Siilaanyo: Waxa jirta oo Shuruucdu dhigayaan in cid kasta oo lagu helo in ay Hanti Qaran lunsatay oo si cad u lunsatay, Hay’adaha ay khusayso waa mid u taala oo maalin uun lagu qaadi doono oo ay noqon doontaa, taas waa mid aanay Shaki ku jirin. Midda kale, Anigu maanta odhan maayo waxaas ayaan Saxaafadda siinaynaa, balse waxaanu diyaar u nahay in ay madax-bannaani taam ah yeelato oo Shuruucdeeda lagu dhaqmo.

S: Magacaygu waa Xadiis Maxamed Xadiis, waxaan ahay Suxufi Madax-bannaan, su’aashaydu waxay tahay Aniga oo Guddoomiyaha waydiinaya, waxaad had iyo jeer u sacab tuntaan dhaliilaha Xukuumadda ee Warbaahintu baahiso, maxaa berri kaaga meel yaala in aanad kala jeclaysan doonin Saxaafadda?

J: Siilaanyo: Waxaan ballan qaadayaa in aan Saxaafad xor ah oo madax bannaan oo aan dhiirigeliyo aan sameeyo oo aan Gacansiiyo.

S: Magacaygu waa Ibraahim Siyaad Yoonis, Jaamacadda Hargeysa ka tirsan, Xisbiga waxaan weydiinayaa haddiiba aad talada ku guulaysataan Guddoomiye, talada qayb ma naga siin doontaa, mise sida Madaxweynaha hadda ayaad Ciidan tiro badan isku oodi doontaa?

J: Cabdicasiis M. Samaale: In aan Masuulka u sareeya ee KULMIYE aanu Albaabka hoosta ka xidhan ee sidaa hadda loola fadhiyo loola fadhiyi doono xilliyada qaarkood, dabcan xilli walba maaha, ballankaa waanu qaadaynaa.

S: Magacaygu waa Axmed Gobadhle, Jaamacadda Hargeysa ayaan ka socdaa, waxaan idin weydiinayaa, waxa jirta in haddii shaqo soo baxdo aan loo eegin Cilmiga iyo Aqoonta qofka ee la yidhaahdo keebaa Adeer loo yahay oo xitaa Shirkadihii gaadhay, maxaad ka qabanaysaan?

J:  Maxamed Xaashi Cilmi: Cadaalad sida lagu helaa waa marka Shaqo laga hadlyo in Imtixaanno jiri jiray la soo celiyo..Aniga wey I soo martay oo markaan Dawladda hoose (Hargeysa) joogay Odayaal baa ii keenay Innamo ay wadaan oo ay shaqo u doonayaan, markaan idhaahdo Imtixaan ayuu galayaa ayay dib ula laaban jireen. Markaa waxaynu u baahanay in ay imtixaankii soo celino oo aynu karti ku qorno.

S: Magacaygu waa Maxamed Faarax Miigane oo ka tirsan Jaamacadda ADMAS, waxaan idin weydiinayaa diyaar ma u tihiin in aad dalka keento Wasiiro tiro yar oo tayo haddii aad ku guulaysato talada? Gabboose waxaan weydiinayaa, KULMIYE waad la heshiisay, berrito haddii uu talada ku guulaysto KULMIYE, Qaran ma gaar bay isku taagi doontaa?

J:  Dr. Gabboose: Axmed-Siilaanyo waxaanu kula talinay oo uu naga aqbalay in uu Dawlad tiro yar oo tayo badan uu dalka ka dhiso, waayo aqoontiisa ayaaba dhaqaale ku dhisan. Qaran ahaan, runta markaan idiin sheego damac Siyaasadeed waanu lahayn, hase ahaatee, waxay xambaarsanayd mabda’a weyn oo Daaqadaha SIyaasadeed idiin furayay oo ah in aad Urur furan kartaan. Labada Xisbi ee kale ma ogola, balse Xisbiga KULMIYE wuxuu ogolaaday maalinta uu soo baxo Dawladaha hoose ee u horeeya inay ka qaybgalayaan ciddii doonaysa in ay Urur furato.

S: Magacaygu waa Umal, waxaan KULMIYE weydiinayaa waxa jirta in Wasiirka Dhalinyaradu uu Wasiir ka yahay Wasaaraddii Dhalinyarada, balse uu yahay Nin weyn oo aan Dhalinyar ahayn, ma ballan qaadaysaan in aad Wasaaraddaas u magacawdaan Nin Dhalinyaro ah haddii aad guulaysataan? Guddoomiye, haddiiba Xukuumaddu cudur-daar keento Doorashada ah, maxaa kuu meel yaalla?

J: Silaanyo: Marka hore waa ballan-qaad oo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaan ka dhigayaa Qof Dhalinyaro ah. midda kale, waxaynu ku dagaal galaynaa in aanay cidiba inagu soo dhawaanin oo in laynaga badinayaba kumaynu talo-gelin ee in aynu badinayno ayaynu ku talo-galaynaa oo aynu qorshaheena ku dhisaynaa.

S: Waxa la maqlaa uun Server-ku wuxuu ka shaqaynayaa dadkii is-diiwaangeliyay, marka hore muxuu yahay Server-kani?

J: Xuseen Axmed Caydiid: Bahalkan Server-ka la yidhaahdaa wuxuu ahaa goobtii lagu habayn lahaa DIiwaanka Qaranka iyo Xogtii laga soo ururiyay Diiwaangelintii Qaranka..Bahalkan Server-ka ee la yidhaahdo hawshii kala shaandhaynta ayaa ka socota waxay ahayd in uu qabto dadka ku noq-noqday Diiwaangelinta..Balse, Anigu waxaan ka mid ahay Guddida Diiwaangelinta Qaranka oo waxa lanoogu talo galay in aanu Diiwaanka wax ka habayno, hase ahaatee, ma u lmalaynaynsaan in aanan weligay arag oo aanan gelin halka uu yaalo. Sheeko ayuun buu igu yahay, ma Libaax Ilko waaweyn ayuu le’eg yahay, miyuu ka yar yahay.


Komishanku muxuu ka yidhi tabashada Xisbiyada ee la socoshada kala-saarista Diiwaangelinta?

“Axsaabta weli warbixin buuxda lagama siin waxa lagu shubay Server-ka, Interpeace-na….”

Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Diiwaangelinta

“Meeshu waa cidhiidhi (goobta uu yaal Server-ku), shan qofna mar walba ma wada joogi karaan, marka laga…”

“Khubarada ay qoladan Inter-peace keenayso ayaanu sugaynaa, dabadeedna Farsamo-yaqaanada Axsaabta ayaanu…”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Maxamed Yuusuf Axmed, ayaa caddeeyay in wakiilada xisbiyada loo diiday inay si joogto ah u joogaan goobta uu yaalo Mishiinka kala-shaandhaynaya Diiwaangelinta.

Guddoomiyaha oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in aan weli xisbiyada warbixin buuxda laga siin hawsha kala-hufida codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda oo haatan in muddo ah ku hawlanaa Server-ku. “Way jirtaa in aanu ku nidhi Axsaabta meesha (goobta uu yaalo Mishiinku) ma joogi kartaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa taxadar xoogani ka muuqdo. “Waxa sababay….Anigu iyadoo hawshu socoto ayaan jagadan imid, imikana way socotaa. Markaa, marka ay Axsaabtu meesha timaado su’aalo fara badan iyo nooga warama bahalka (Server-ka) ayay wadaan oo waqtigii dib-u-dhac baa ku iman kara…Saddexda xisbi farsamo-yaqaanadoodii (wakiiladii ay xisbiyaddu u magacaabeen la socoshada hawsha Mishiinka) inay meesha joogaan uma ogolaan karno, qolada Interpeace-na warqad bay soo qortay ay ku sheegayso inay iyagu si gaar ah ugu xilsaaran yihiin, waxayna yidhaahdeen annagaa masuul ka ah bahalka, iyagaana weli gacanta ku haya (Server-ka). Markaa, qoladan xisbiyadu keeneen ee Farsamo-yaqaanada ah waa in la isla garto intee bay joogi karaan, ma warbixin baa la siinayaa, ma qalabkaa looga waramayaa? Laakiin, kollayba in warbixin la siiyo weeye, loogana waramo sida wax loogu shubay, qalabku siduu yahay iyo sida uu wax u kala saarayo. Waayo; meeshii waa meel cidhiidhi ah (goobta uu yaal Server-ku), shan qofna mar walba ma wada joogi karaan, marka laga dhaqaaqana in qof bahalka wax ku sameeyo oo uu taataabto lama doonayo. Markaa, maadaama Farsamo-yaanada uu xil gaar ahi saaran yahay oo ay u hayaan, waa in iyaga warbixin la siiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Diiwaangelinta oo la waydiiyay sababta ay wakiilada xisbiyada ugu diidan yihiin inay si joogto ah ula socdaan goob-joogna uga ahaadaan hawsha kala-shaandhaynta Diiwaangelinta. Hase yeeshee, Maxamed Yuusuf Axmed waxa uu sheegay inay ka war sugayaan xubno khubaro ah oo sida uu xusay hay’adda Interpeace sheegtay inay dalka u keenayso hawsha Server-ka, kuwaasoo uu tilmaamay inay xisbiyada warbixin buuxda ka siin doonaan Mishiinka Diiwaangelinta lagu kala hufayo. “Khubarado ay qoladan Interpeace keenayso ayaanu sugaynaa, dabadeedna Axsaabta aanu Farsamo-yaqaanadoodii ka horgayno (fool-ka-fool u kulmaan) oo ay wax walba su’aalaan. Axsaabtu kalsooni ma ku qabaan (hawshan) iyo kuma qabaan baan weli laga jawaabi karayn, waayo weli Axsaabta si buuxda warbixin loogama siin, waxna kamaanu siin waxa lagu shubay. Markaa, dad si buuxda uga warbixiya (hawsha Server-ka) waa inay keenaan Interpeace, qolooyinka Qandaraaska qaatay,” ayuu yidhi. Guddoomiyaha oo la waydiiyay waqtiga ay khubaradaa uu sheegay dalka iman doonaan waxa uu ku jawaabay, “Si degdeg ah, waxaanan rajaynayaa inay si degdeg ah waxaasi inooga dhamaadaan.” Mar la waydiiyay in sii socoshada hawsha Diiwaangelinta ee Server-ku ay khilaafka sii xoojin karto shakina keeni karto, maadaama bilawgiina aanay dhinacyada ay khusaysaa heshiis ku ahayn, waxa uu yidhi, “Kollay liis kama dambays ah baa soo baxaya, farsamoyaqaanadiina way joogaan. Maxaa lagu shubay, sidee loogu shubay, siduu u shaqaynayaa, Mishiinku siduu wax u kala saarayaa, xawaarihiisu waa sidee iyo su’aalahaas oo dhan iyagu way waydiin karaan (khubarada), waqti ku filana waa la siinayaa, sababtoo ah iyagu (xisbiyadu) inay saxeexaan oo ay liiska u dambeeya ogolaadaan weeye.”


“Xisbiga UCID waxa uu rumaysan yahay in xukuumaddu jebisay qodobkii tiir-dhexaadka u ahaa heshiiskii saddexda xisbi hore u gaadheen”

Warsaxaafadeed

“Waxaanu ka digayaa in Golaha Guurtidu sameeyaan muddo kordhin ka badan wakhtiga Guddida Doorashooyinku ku jangooyeen in doorashada Madaxtooyada ku qabsoomi karto”

Hargeysa (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Golaha Guurtida uga digay inay sameeyaan muddo-kordhin ka baxsan waqtiga cusub ee Komishanka doorashooyinku u cayimay qabsoomida doorashada Madaxtooyada.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soosaaray Xoghayaha Guud ee xisbigaas Maxamed Xassan Baashe, waxa uu xisbiga UCID ku taliyay in Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran isugu yimaadaan kulan degdeg ah, si ay uga arrinsadaan marxaladan cusub ee dalku galay. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku (UCID) ka dib markuu arkay duruufaha cusub ee dalka ka abuurmay ee la xidhiidha doorashada madaxtooyada iyo wakhtiga cusub ee loo qoondeeyay, waxa xisbigu mar kale cadaynayaa mawqifkiisa rasmiga ah ee ku wajahan xalaadahaas:

1. Si looga baxo marxaladdan adag ee cusub, waxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka (UCID) uu soo jeeedinayaa in saddexda Gudoomiye Xisbi qaran isugu yimaadaan sida ugu dhakhsa badan.

2. Xisbiga Cadaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ka digayaa in Golaha Guurtidu sameeyaan muddo kordhin ka badan wakhtiga Guddida Doorashooyinka Qaranka ku jangooyeen in doorashada madaxtooyada JSL ku qabsoomi karto.

3. Xisbiga UCID waxa uu   aaminsanahay in xukuumadda UDUB ee hadda jirta wakhtigeedu ku egyahay 6/04/09, wixii intaas ka danbeeyana aanay haysan wax sharciyad ah.

4. Xisbiga UCID waxa uu rumaysanahay in ay doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto JSL.

5. Xisbiga UCID isaga oo tixgelinaya danta guud ee qaranka, nabadgalyada, geedisocodka dimuqraadiyadda, dedaalka deeqbixiyayaasha, wuxuu aqbalay wakhtiga cusub ee loo qoondeeyay inay doorashadu ku qabsoonto.

6. Xisbiga UCID waxa uu rumaysan yahay in xukuumaddu jabisay qodobkii tiir dhexaadka u ahaa heshiiskii  saddexda xisbi qaran hore u  wada gaadheen kaas oo lagaga maarmay in la sameeyo dawlad dhexdhexaad ah (caretaking government) oo dalka hogaamisa ilaa inta doorashada madaxtooyadu qabsoomayso oo ahaa in la dhiso guddi joogto ah (standing committee) sagaal xubnood  ka koobnaa  oo heer sare ah (highy profile) markii ay dhamaatay mudadii madaxweynaha 15 may 2008.

Hawlaha ay qaban lahaayen Gudidda joogtada ahi waxaa ka mid ahaa:-

  1. in aan xukuumadda iyo xisbiga UDUB aanay ku takrifalin hantida qaranka una adeegsan ololaha doorashada.
  2. in loo sinaado warbaahinta qaranka, fursadna la siiyo Axsaabta qaranku ay ku soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo isticmaalaya warbaahinta qaranka.
  3. Inay xaliyaan wixii khilaafaad iyo dhibaatooyin ah ee soo baxa xiliga doorashooyinka
    Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Madaxweynaha JSL Dikreeto Madaxweyne ku soo saaro saxeexa heshiiska ka dib si gudiidda joogtada ahi u hawl galaan taas oon madaxweynuhu fulin ilaa hadda.”

Guurtida iyo Maanta: Xildhibaan milicso doorkaaga masiirka umadda

Faallo – By Ogaal Staff Writer

Faadumo-yar waxay ku jirtaa bilowga Sanadkii Lixaad ee da’deeda iyo sanadkii labaad ee ka soo wareegtey markii uu geeriyoodey Aabeheed. Isla markaana ay ka mid noqotay soo-saarayaasha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin Labadeeda walaal ee ka yar iyo hooyadood.

Subax kasta labadaa sanadood ee Aabeheed mootanaa, waxay u soo jarmaadaysay si ay bulshada ka taagta roon ugu gudbiso dardaaranka hooyadeed ku duubto si looga caawiyo duruufaha ku xeeran noloshooda oo aanay wax badan ka fahamsanayn. Saakana sidaas oo kale ayay u soo hawlgashay, waxayna soo beegsatay Miis ay fadhiyaan Xildhibaan Dalagane iyo Md. Duuduub. Faadumo dareenkii caruurnimo iyo culayska masuuliyada aanay qaadi karrin ee ah inay soo saarto nolol-maalmeedka qoyskooda, ayaa isku dul-haysta, waxayna taasi u horseeday inay Miiskii labada oday fadhiyeen ka bilowdo hab-dhaqankeeda isugu qasan ciyaarta iyo codsiga ah inay caawiyaan. Inta ay miiskii oo laba koob oo Bun ahi saaran-yihiin gacanteeda hadba dhinac u dul eriday iyadoo afka ka samaynaysa guux kii baabuurta u muuqda…..’Fiiiiim Xaaaam…Baaaab’ ayay hadana xasuusatay hawsha ay u socoto oo gaadhi kaxaynteedii ku soo afjartay ‘Adeer Liibaane wax I siiya..” intii ay hawshaa ku jirtay ayaa waxa dhaqaaq sameeyay miiskii, dabadeedna waxa qubtay Qaxwihii labada Oday oo murmaya dhexdooda ku qaboobay “Uuuuf.. Inkaarantadan yari xagay ka timi?….’ ayuu Dalagane oo ka sii siqaya bunka dareeray ee ka gaadhay dharkiisii uu ku dhawaaqay. Mr. Duuduub ayaa isna raaciyay, ‘waa laga dambeeyaa dheh, ilayn qoladiinaasi wax kasta waxaad u qaadataan in mooshinka aynu isku haynaa dabada ka soo riixay’e’. Hadalkan saaxiibkii uma uu dhug-yeelan’e, Dalagane waxa uu yartii ku canaantay dhaq-dhaqaaqa miiska aan cagaha adag ku taagnayn iyo ciyaal-nimadeeda ‘Adeer shantan..shan iigu soo dar,’ ayay Faadumo yar hadana tidhi. Laakiin, taas uma uu jixin-jixin, waxana uu sii kordhiyay hiifkii iyo inkaartii uu u jeedinayay yarta.. ‘Shan ha helin’e.. orod hebelkaa ka qaado.’ Ayuu yidhi Dalagane, waxana uu farta ugu fiiqay nin miis ka fog fadhiyay oo uu qiyaastii la jeclaaday inay sidoo kale ugu daadiso qaxwaha.

Duuduub oo u muuqday mid aanay damqin cabashada yartu, balse ujeedo iyo xanaakad ka dhaxaysa saaxiibkii ku dabaqaya dareenka yarta baahan ayaa yidhi, ‘maxaad cid kale ugu tilmaamaysaa, addigu miyaanad qof jira ahayn oo la martiyi karo, mise xabaal ayaad isu haysataa?’ Waxa Qalinka la-yaab ku ah, hadii aan ninka sidan saaxiibkii u canaaanaya laftiisu Mayd waa hore dhintay isu aqoon wuu heli karrayay shilimaad uu yarta labadooda oday soo martiday u dhiibo, xataa isaga oo haddalka sidaa u yidhi ayuu ka gaabiyey inuu gacanta fiiqo. Tani maaha dacaayad iyo sheeko aan ugu duur-xulayo Golayaasha Baarlamaanka, laakiin, waa xaalada maanta taagan iyo muruga siyaasadeed ee dalka sheeko tusaale ahaan loogu soo qaadan karro….sababta oo ah, waxa loo arkaa in inta badan Xildhibaanadu ilaabeen xilkii saaraa, isla markaana midba uu nin kale oo dano gaar ah leh tuurta ku sito.

Muranka oogan:

Waxa muran ka oogan yahay mustaqbalka Faadumo yar oo duruuftu ku qasabtay inay nolosheedii aan xilku ka saarayn daboosho; Waxa muran ka oogan yahay mustaqbalka kumanaanka hablo iyo inamaba leh ee caruurta derbi-jiifka ah iyo hooyooyinka Agoonta ah ee la silcaya noloshooda; Waxa muran ka oogan yahay aayaha kumanaanka arday ee dugsiyada qaaliga ah lagaga bixiyo duruufaha adag iyo dhaqaalaha liita dhexdooda wax laga soo saaray; Waxa muran ka oogan yahay waa muran siyaasi ah oo saldhigiisu ku arooro arrimo dhinaca Sharciga ah. Waxa dhamaadey mar kale, waqtigii xil-haynta Madaxtooyada oo hore muddo sanad ah loogu kordhiyey sanadkii hore, ka dib markii sidan oo kale muran cirka isku shareeray. Ka sokow eedaha dhinacyadu isu jeedinayaan iyo jiitanka hungurigu hor socdo, soo noq-noqoshada muranka waxa loo arkaa inuu qayb ka yahay qabyo sharci. Sidaasoo ay tahay, dhinacyada muranku u dhexeeyo mid kastaaba waxa uu cuskanayaa qodob uu u arko inay dani ugu jirto oo ay ku meel-mari karto doodiisu, gaar ahaan mucaaradka oo Xukuumada ku eedaynaya inay ka gaabisay waajibkii ka saaraa fulinta doorashada inta ka horaysa dhamaadka waqtiga.

Milicsiga Dastuurka

Hadii aynu dib u eegno Dastuurka, bishii May 2001 ayaa afti dadweyne lagu meel-mariyey, ka dib markii horaantii sanadkaas labada Gole qodob-qodob uga doodeen soo-jeedin la xidhiidha wax-ka-bedelkiisa oo ka timi dhinaca Madaxtooyada. Dastuurkani waxa uu ka soo jeedaa oo samayntiisa saldhig u ahaa Axdi-qarameedkii shirkii Boorama 1993, Isla markaana waxa uu asal ahaan ka yimi isku-darka laba Dastuur oo samayntoodii hore khilaaf ka dhashay, ka dib markii Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo ka duulayay waajibinta Axdi-qarameedka ee samaynta Dastuurku uu dibada ka keenay khabiir Suudaani ah oo uu hawshaa u xilsaaray, iyadoo Baarlamaankuna uu sharci-dejin ahaan ku dhaqaaqay oo uu u saaray guddi samaysa Dastuurka. Labadan dhinac waxay iska soo bar-bar saareen laba Dastuur oo markii dambe la isugu keenay Shirkii Hargeysa 1997-kii, halkaas oo lagu go’aamiyay in loo saaro gudi isku soo dhafta. Sida ay qireen hay’ado kala duwan  iyo  qoraalo hore oo arrintan qabyada-sharci laga sameeyay, waxa jira gol-daloolooyin Dastuurka ka soo baxay oo  dhamaystirkeedu mudo qaadan doono, waxaana aqoonyahanadu tilmaamayaan in aan la huri doonin in la furo Dastuurka oo geedi-socodka harumarinta dalka wax ka bedalkiisu la jaan-qaado, si loo fududeeyo, loona saxo qodobada aan kala cadayn.

Gebogabo

Marka si guud loo eego, muran kama oogna wer-werka shacbiga iyo inta damiirkoodu nool yahay xaalada dalka iyo muranka siyaasiga ah ee soo noq-noqday, sidaasoo ay tahay, hadana waa-la-joogaba maalmuhu ha isu ekaadeen’e, is-maandhaaf la waayi maayo, hase ahaatee waxa muhiim ah in la hubsado inta la qaadi karo ee miskiinka loo tartamayaa xamili karo culays ahaan. Sidaa daaraadeed, Qalinku waxa uu ku celinayaa in baahi loo qabo wadda-tashi guud oo laga yeesho xaaladan kakan, xataa iyadoo ay maanta Golaha Guurtidu u balansan yihiin anba-qaadka hawsha Madaxweynuhu u soo gudbiyay ee ah is-waafajinta mudada ka hadhay xil-hayntiisa maalmuhu inaga xigaan mudadii loo kordhiyay iyo waqtiga Komishanku u qabtay doorashada madaxtooyada ee 31-ka bisha May. Waayo, waxay u baahan yihiin ka hor go’aanka inay u tallo-badsadaan oo u meel-dayaan caadifad la’aan jawaabta laga sugayo ee ka soo bixi doonta.

Waxa intaa dheer oo Qalinku xusuusinayaa Mudanayaasha mawduucani horyaalo ee Guurtidu inay kashooda ka saaraan danaha gaar ah oo ay u soo noqdaan danta guud ee soo magansatay. Waxa muhiim ah Xildhibaan inaad dib u fadhiisato oo ka wer-werto Faadumo-yar iyo inta ka itaalka daran ee Ilaahay kaaga dhigay hormuudka. Waxana uu Qalinku kor ugu dhawaaqayaa in laga dhawro mawduuca xasaradaynta, in laga daayo culayska Golaha Guurtida, iyadoo ay muuqatay ilaa xalay balamaha dhinacyadu isugu abaabulayaan inay dul-fadhiistaan madashada, taasoo soo dedejin karta isku-dhac si fudud u bilowda.

Wuxuu yidhi Abwaan Hadraawi;

‘Garashadu hadday ruux la tahay,

Suu u garanaayo,

Garaadkiisu suu qabo,

Haddii loola garan waayo,

Gardarruu u qaataa ninkii yidhi gaaraadkiis.


Saddex Magaalo oo Itoobiya ah oo Maraykanku uga digay dadkiisa inay u socdaalaan

Addis-Ababa (Africa/Ogaal)- Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya ayaa la sheegay in ay Muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan Magaalooyin ka mid ah Dalka Itoobiya oo Xuduud la leh Somalia, kuwaas oo ay sheegeen in ay jirto cabsi ka dhan ah Muwaadiniinta Maraykanka u dhashay.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Africa.com oo Warkan baahisay, Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya waxay sidaa ugu sheegtay Muwaadiniinteeda Qoraal ay u gudbisay Muwaadiniinteeda deggan Itoobiya, kaas oo ay ku farayso in aanay u socdaalin Saddex magaalo oo Xuduud la leh ama ka ag-dhaw Xuduudka Itoobiya iyo Somalia. Magaalooyinka Safaaradda Maraykanku uga digay Muwaadiniintooda deggan Addis-Ababa ayuu Warkani ku sheegay in ay kala yihiin Magaalooyinka, Diridhaba oo 510-km dhinaca bari ka xigta Addis-Ababa, Herer oo iyana 530-km bari ka xigta Addis-Ababa iyo sidoo kale Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya oo iyana 630-km bari ka xigta Addis-Ababa. Waxaana Warku sheegay in Digniintan loo jeediyay Muwaadiniinta Maraykanka ee Itoobiya deggan lagu xusay in Magaalooyinkani siday u kala dambeeyaan ay u kala khatar badan yihiin amni ahaan. “Muwaadiniinta Maraykanka u dhashay ee u socdaala ama degan Deegaannadan waxa lagula talinayaa in ay ka fogaadaan meelaha Dadku isugu yimaaddaan ee ay ka mid yihiin Hutellada la seexdo, isla markaana aanay isticmaalin oo aanay raacin Gaadiidka dadka ka dhaxeeya ee la wada raaco iyo meelaha Istaannada ah.” sidaa waxa lagu yidhi Qoraalkan ay qaybisay Safaaraddu oo la sheegay in lagu qaybiyay Aaladda Internet-ka ee E-mail-ka loo yaqaano.

Marka laga yimaaddo Muwaadiniinta deggan Deegaannadan, waxa kale oo Qoraalkan digniin loogu jeediyay Shaqaalaha Caalamiga ah ee Maraykanka in ay u socdaalaan deegaamadan, marka laga reebo arrimo muhiim ah oo lala soconayo dhaqdhaqaaqooda. Iyada oo sidoo kale lagu wargeliyay in ay iska hubiyaan waxyaabaha bushqadaha ah ama xidhmooyinka ay kula kulmaan goobaha qaarkood, gaar ahaan meelaha laga raaco Gaadiidka dadka ka dhaxeeya.

Arrintan ayaa daba socotay waqti uu toddobaadkii hore Hoggaamiyaha Shabakadda AL-Qaacida Usama Bin Laden Cajalad socotay 11 daqiiqo uu Kooxaha Dagaallada kaga jira Somalia ugu baaqay in lala Dagaallamo Madaxweynaha Somalia iyo Dawladdiisa, isla markaana la af-gembiyo. Waxaanu Shariif Sh. Axmed ku tilmaamay hoggaamiye u adeega reer-Galbeedka.

This entry was posted in News, Warbaahinta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.