Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Dhigay Afar Suxufi Oo Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa-banaan

Hargaysa (Somaliland.org)- Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay afar wariye oo ka tirsan saxaafadda Madaxa-banaan, waxaana wariyayaashaasi la xidhay saddex ka mid ah la qabtay habeenkii xalay, kuwaasi oo kala ahaa Liibaan Maaweel Shire, Cabdi Abokor iyo Ducaale Maxamed.

Axmed Saleebaan Dhuxul

Axmed Saleebaan Dhuxul

Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isna ciidanka Boolisku qabteen maanta gelinkii hore isaga oo hawl maalmeedkiisa ku guda jira waxaana laga qabtay xarunta baarlamaanka ee magaalada Hargaysa.

Lama garanayo sababta keentay xadhiga suxufiyiinta, balse waxa ay qayb ka tahay cabudhinta iyo cadaadiska xukuumadda Madaxwayne Riyaale ku hayso saxaafaddda madaxa banaan.

Liibaan Maaweel Shire

Liibaan Maaweel Shire

Madaxda Idaacada Madaxa banaan ee Radio Horyaal, Madaxda ururada saxaafadda Madaxa banaan iyo madaxda axsaabta mucaaridka ah ayaa cambaareeyay xaqdhiga suxufiyiinta, waxaanay masuuliyiinta xukuumadda ugu baaqeen in ay degdeg xoriyadoodii ugu soo celiyaan suxufiyiintaasi.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-Mail: afqarshe114@hotmail.com

Somaliland.org, Hargaysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.