Fadhigii Golaha Guurtida Iyo Dareeno Xasaasi Ah Oo Ka Dhashay Ciidamo Xoogan Oo La Soo Dhoobay Xarunta Golaha Baarlamaanka

Hargaysa (Somaliland.org)- Fadhigii golaha guurtid Somaliland ee maanta ayaa loo qaybiyay mudanayaasha qoraalkii komishanku ay muddeeyeen waqtiga doorashada Madaxtooyada ee ay uga guureen 29-ka March, kaas oo ah 31-ka bisha May ee sannadkan 2009.

Golaha Guurtida oo fadhigii saaka ay ka muuqatay xasaasiyad xoog leh ayaa markii mudanayaasha loo qaybiyay qoraalada waxa uu guddoomiyaha goluhu ku wargeliyay in sida xeer hoosaadkoodu dhigayo ay soo akhriyaan muddo 24 saacadood ah, kadibna maalinta sabtida ah la bilaabo dooda qoraalka Komishanka iyo Madaxwayne Riyaale uu soo saaray oo golaha guurtida uu ugu sheegay in maadaamada mudada komishanku soo saaray ay ka dambayso muddada xilka Madaxwaynaha oo ah 06 April 2009, in ay u kordhiyaan oo waafajiyaan muddada Komishanku cayimay.

Qoraaladan loo qaybiyay maanta mudanayaasha golaha guurtida ayaa xubnaha goluhu ku kala aragti duwanyihiin, iyada oo xildhibaanada golaha intooda badani ay qabaan in qodobka muddo kordhinta u fasaxaya golaha guurtida aanu wakhtigan fursad u siinayn in goluhu ay kordhiyaan, maadaama dalka aanay dagaalo ka jirin oo ah sababta kaliya ee golaha guurtida u fasaxaya muddo kordhin, sidaa saraadeed ay xildhibaanadu is hortaagaan muddo kordhinta Madaxwayne Riyaale, si qaranku u yeesho wada tashi guud oo doorashada lagu gaadho, halka ay xildhibaanada kale ay ku doodayaan goluhu horeba wuu u kordhiyee iminkana ha la kordhiyo.

Maalinta sabtida ah ayaa la filayaa in goluhu bilaabi dooni dooda arrintan, kadibna mudanayaasha goluhu ay u qaadaan cod ku ansaxaya hal dheeri in mudada loo kordhiyo Madaxwayne Riyaale iyo in ay is hortaagaan.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu eedayn xoogleh u jeediyay ciddii soo dirtay Ciidamo xoog leh oo saaka la soo hordhoobay Xarunta Golaha Baarlamanka, kuwaasi oo is hortaagay in Saxaafadda iyo dadkii doonayay inay fadhigaas Guurtida dhagaystaan.
Hase ahaatee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa markii dambe Ciidamadaasi dibada ugu soo baxay oo amar ku siiyay inay ka baxaan gudaha Dayrka Baarlamaanka. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna cambaareeyay Ciidamada la soo dhoobay Baarlamaanka, isaga oo sheegay inaan loo baahnayn.
Ciidamadan laga soo buux-dhaafiyay Xarunta Baarlamaanka ayaa la sheegay in amarka lagu keenay halkaasi uu bixiyay Xoghayahaa guud ee Guurtida Cabdillaaahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi-dheere), kaasoo isagu ka Ciidamada ka dalbaday Madaxda sare ee Booliska. Xoghayahan oo muddooyinkii dambe lahaa awood ka badan tiisa, ayaa haatan u muuqda mid culays lagu saaray inuu ku ekaado kaliya shaqada Xoghaynimo ee uu Golaha u hayo.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
Somaliland.org, Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.