Xildhibaan Qabile Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Abaabul Shir-beeleedyo

Hargays (Somaliland.org)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Saaxil ee xisbiga UCID, ayaa si xooga u cambaareeyay shir dhawaan lagu qabtay tuulada Laalays oo ka mid ah degmada Berbera, kana qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mudane Qabile waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in Laalays lagu qabto shir beeleed oo ay wadaan masuuliyinta qaranka oo qaabka loo abaabulay ahayd mid reernimo ah, iyada oo waliba shirkan aanay ogayn Salaadiinta dhaqanka ee gobolka Saaxil, isla markaana aanu ahayn shir siyaasadeed oo dadku ay u dhamaayeen ee uu ahaa shir laga daba joogay dad odayaal ah oo deegaanadaasi ka soo jeeda oo dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE.

Mudane Qabile waxa uu masuuliyiinta xukuumadda ku eedeeyay in dadka ay ka leexinayaan dariiqii dimuquraadiyada, oo ay mid beeleed ku jihaynayaan iyada oo qarankan Somaliland uu qaatay nidaam dimuquraadi ah, dadka reer Saaxilna ay ku wada jiraan saddexda xisbi qaran.

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.