Wararka Wargeyska OGAAL:

Warbixin shaaca ka qaaday meeqaamka hirgelida doorashadu gaadhsiin karto Somaliland

 Nairobi (The Economist/Ogaal)- Maqaal uu shalay daabacay wargeyska The Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ka dib 18-kii sannadood ee la soo dhaafay xaaladihii Soomaaliya ay yartahay fursada Madaxweynaha cusub ee dalkaas iyo Madaxweynaha Maraykanku ay u haystaan inay talaabooyin horumar leh ka gaadhaan.

“Wadanka ugu burburka badan adduunka (Soomaaliya) ayaa soo gaadhay wadooyin is-gawracaya. Doorashooyinkii dhawaan lagu doortay Sheekh Shariif inuu madaxweynaha Soomaaliya noqdo ayaa la rajaynayaa inay fursad u noqon karto amaankii oo soo noqda inka badan labaatan sannadood.” Ayaa ka mid ahaa qoraalka maqaalka wargeysku faafiyay. Ka sokow, faaqidaada arrimaha Soomaaliya wargeysku wuxuu ka hadlay arrimo la xidhiidha Cabdillaahi Yuusuf, “Madaxweynihii talada Soomaaliya laga tuuray ee Cabdillaahi Yuusuf oo ahaa dagaal-oogihii Puntland waxa uu boqolaal dablaydiisii ka mid ahaa ka soo ceshaday Muqdisho, isla markaana wuxuu immika iskii ugu raaxaysanayaa badiba magaalada Boosaaso iyo ganacsigiisa gaarka ah.” Wargeyska oo warbixintii maqaalkiisa ku soo daray Somaliland, waxa qoraalkiisa ka mid ahaa; “Somaliland waa dhul uu hore u gumaysanayay Ingiriisku, waxaanay si xidhiidh ahayd u xasiloonayd tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya sannadkii 1991-kii. Hadii haddaba, doorashooyinka soo socdaa ay si wanaagsan halkaa (Somaliland) uga dhacaan, iyada oo codeeyeyaashuna ay isticmaalayaan kaadhadhka aqoonsiga la siiyay, waxa laga yaabaa in si tartiib ah uu ugu bilaamo oo ay ku guulaystaan aqoonsi uga yimaada qaar dalalka Afrikaanka ka mid ah iyo kuwo kale oo khariirad ahaan ka fog. Ma kala cada waxa uu Mr Shariif Sheekh Axmed ka aaminsan yahay madaxbanaanida Somaliland. Laakiin muwaadiniinta kale iyo kooxaha jihaadiyiinta ahiba si adag ayay taas uga soo horjeedaan, sidaa si la mid ah ayay uga soo horjeedaan Puntland oo murano xuduudeed ay ka dhexeeyaan iyada (Somaliland).”

Wargeysku wuxuu sheegay in toddbaadkii la soo dhaafay Madaxweyne Shariif iyo golihiisa wasiirradu tageen Muqdisho. “Ololihiisa uu ku sheeganayo inuu ku burburinayo kooxaha jihaadka sheegtay ama uu ku kala daadinayo kooxahaas oo dalka masaxay, isla markaana uu dhisayo dawlad loo dhan yahay ayuu la tegay. Soomaaliya oo aan lahayn dawlad dhexe tan iyo sannadkii 1991-kii, ka dib markii nidaamkii Siyaad Barre ay isku mar dhaceen dagaalkii qaboobaa, wax ma ka bedeli karaa maamulka Shariif Sheekh Aadan?” ayuu wargeysku is-waydiiyay. Waxaanu qoraalku intaa ku daray, “Mr Axmed hawl adag ayaa hortaala. Bilawgaba ma hayo wax u eg xataa dawlad. Wasiiradiisa oo ka kala yimi islaamiyiinta, muwaadiniin taageersan inaan diin lagu dhaqmin, dagaal-oogayaal iyo kuwo shacab ahaa, ayaan wax dakhli ah gacanta ku hayn. Waxaana Madaxweyne u doortay baarlamaan aan iyaguba joogin dalka gudihiisa. Xubnihiisuna ku shaqeeyaan taageerada deeq-bixiyeyaasha, isla markaana joogay huteel ku yaala meel u dhaw caasimada Djibouti. Dhawr toddobaad ka horna kooxaha islaamiyiinta jihad-u-dirirka ayaa qabsaday magaalada Baydhaba oo fadhigii baarlamaanka ahayd.” “Al-shabaabtii hore waxa kala daadiyay duqayntii ciidamada Itoobiya iyo duulaankii Maraykanka ee cirka laba sannadood ka hor. Hase ahaatee, hadana abaabul badan oo soo galeen ka dib way ka soo kabteen. Guulaha ay gaadhayeena waxa qayb ka ahaa lacagta: waxay lacago siiyaan dhalinyarada Soomaalida ah si ay ugu dagaalamaan. Waxaanay sidoo kale ka faa’iidaysteen go’aankii uu Madaxweyne George Bush maamulkiisu ku gaadhay in la go’doomiyo islaamiyiinta furfuran sida Sheekh Shariif, isla markaana ay ku dooneen inay dhinaca saaraan qab-qablayaal dagaal oo aan diinta jeclayn, taariikh argagixisanimo lahaydna ku dhex-lahaa bulshada.” Ayuu wargeysku ku sheegay maqaalkiisa. Warbixinta wargeysku waxay intaa ku dartay in sannadihii la soo dhaafay uu ururka Al-shabaab ka soo bilaabmay tiro aan ka badnayn dhawr boqol, balse uu gaadhay kumanaan dagaalyahan. “Kooxaha maamula Kismaayo iyo Marka ayaa gacanta ku haya tiro ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho. Waxaanay hantiyeen wershadihii, bakhaarradii, dekedihii iyo garoomadii diyaaradaha oo loo geeyay lacago kaash ah oo ay ka helaan deeq-bixiyeyaal carab ah, kuwaasoo Soomaaliya u arkaya inay tahay goob muhiim u ah jihaadka caalamiga ah. Dagaalyahanka gudaha iyo ajaanibka ee ka tirsan Al-shabaab ama xidhiidhka la leh ayaa lagu tabobaraa kaamam ku teedsan xeebaha Soomaaliya iyo dhulalka kaymaha ah. Waxaanay doonayaan inay abuuraan wadan islaami dhab ah, waxaanay rajaynayaan inay raadiyaan Soomaalida Itoobiya iyo Kenya. Al-shabaab waxay diyaar u tahay inay keeno naftood-hurayaal is-qarxin ku sameeya gudaha dalka iyo dibadahaba si ay qadiyadooda u sii fogeeyaan.” Sidaasna waxa lagu sheegay qoraalka wargeyka The Economist.

Ma Al-shabaab ayaa dalka wada qabsan doonta?

“Dhawrka bilood ee soo socda, dawladaha dalalka xidhiidhada taariikheed, bani’aadaminimo, dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed la leh Soomaaliya oo ay ku jiraan dalalka ay jaarka yihiin ee Afrikaanka ah, Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Iswidhan, Sucuudiga iyo dalalka gobolka gacanka, ayay waajib ku tahay inay go’aan ka gaadhaan hadii ay waqti iyo lacagba ku siinayaan Mr Axmed fursad uu ku badbaadiyo dalkiisa aafoobay. Hadii aanay sidaa yeelin, aad buu u guuldaraysan doonaa isagu, dalkuna u guuldaraysan doonaa.” Ayuu yidhi wargeysku. Wuxuu sheegay inaanay immika jirin cid dalka Soomaaliya maamusha Al-shabaab iyo dawlada Sheekh Shariif toona. Balse, xaqiiqdii intii Sheekh Shariif maamulka qabtay wuxuu wargeysku sheegay inay aad sare ugu kacday Al-shabaab. Waxaanu maqaalku intaa raaciyay in hanaanka dhismahooda marka loo eego oo 20 ilaa 30 ninba ay unug yihiin, mid kastaana uu gaar u yahay maamulkoodu ay markaa aad u adkaan doonto in laga adkaado. Isla markaana waxa ka sii adag ayuu yidhi wargeysku in lala dagaalamo, sidoo kalena waxa aad u adag in ciidamo amaanka oo ajaanib ahi ay la dagaalamaan. “Si fudud ayay isaga gudbaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas ayaanay uga sii gudbaan bushooyinka Soomaalida ah ee Yurub iyo Ameerika ku kala nool. Hay’adaha Sirdoonka Ajaanibka ahi waxay u malaynayaan in Al-shabaab weeraro argagixiso oo ay ku qaado ha dhawaato ama ha dheeraato Nairobi ay muuqato. Qaar ka mid ah diyaaradaha ayaa dhakhso u joojin doona duulimaadyadooda Jomo Kenyatta Airport ee Nairobi baqdin aawadeed. London iyo caasimado kale oo reer galbeed ah ayaa sidoo kale yool u noqon kara.”

Markaa muxuu noqonayaa xalku?

“Hadii ay ajaanib ka qaybqaadan lahaayeen iyo hadii kaleba nabad-ilaalin waxa lagu soo guuldarayanayay 18-kii sannadood ee la soo dhaafay. Tan iyo Siyaad Barre dhicitaankiisii kama yara 16 jeer inta dedaalo nabadeed loo galay Soomaaliya. Waxaana laga yaabaa inuu Mr Axmed-na guuldaraysto sidoo kale. Waxa jira dad fara badan oo ka faa’iidaysta dagaalada dabada dheeraaday, isla markaana doonaya inuu sii socdo. Dad badan oo Soomaaliya daawanayaana waxay aaminsan yihiin in Soomaalida arrimeheeda iyaga loo dhaafo, isla markaana ajaanibku ay ka fogaadaan. Siyaabaha qaarkoodna waa loo burburin karaa Al-Shabaab, taasoo markaa xubno ka mid ah u keeni karta Sheekh Shariif. Inkasta oo aanay Al-Shabaab ahayn kuwo ka go’aya waxay ku  andacoonayaan, hadana maadaama itoobiyaanku dalka ka baxeen rikoodhkooda hoos baa loo dhigi karaa. Hogaamiyeyaashooda Muqtaar Roobow iyo Xasan Turki, ayaa laga yaabaa inay go’doomaan hadii uu Madaxweyne Shariif gacanta ku dhigo dagaalyahanka faraha badan ee ka soo jeeda qabiilkiisa Hawiye. Waxaana jewigaasi ka muuqday oo immikaba qaatay hogaamiyihii Al-shabaab oo saamayn badan ku lahaa, kana soo jeeda dhalasho ahaan Jawhar, kaasoo isbedel la yimi.” Ayuu ku taliyay qoraalka maqaalkani. Waxaanu intaa raaciyay in maamulka cusub ee Maraykanku uu sidoo kale caawin karo maamulka cusub ee Soomaaliya.

 

Wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo lagu qaabilay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska

London (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo uu weheliyaan hogaanka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay lagu soo dhaweeyay aqalka Baarlamaanka dalka Britain.

Hargeysa (Ogaal)-Weftiga Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, waxa aqalka Barlamaanka England ku soo dhaweeyay haweenayda Xildhibaan Kerry McCarthy iyo Allen Michael oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaas, kuwaasoo ka mid ah mudaneyaal British ah oo u ololeeya qadiyadda Somaliland. Ka dib markii si diiran loogu soo dhaweeyay halkaas, waxay weftiga UCID Baarlamaankaas warbixin ka siiyeen xaaladda guud ee Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa Baarlamaanka England uga waramay sidii ay u qabsoontay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu, taasoo uu tilmaamay inay si wanaagsan u dhacday. Guddoomiyaha xisbiga UCID, ahna Murashaxa Madaxweynenimada ee xisbigaas Inj. Faysal Cali Waraabe, ayaa Miss Kerry McCarthy iyo Mr Allen Michael uga mahadnaqay sida ay u qaabileen iyo dedaalkooda ay ku garab taaganyihiin qadiyadda Somaliland. Guddoomiyaha UCID waxa uu mudaneyaasha Britain u sheegay kana codsaday in dhaqaalaha dawladdoodu ku caawiso Somaliland si toos ah loo siiyo oo aan cid kale lasoo marin. Wuxuuna warbixin ka siiyay geedi-socodka hawsha doorashada Madaxtooyada, taasoo uu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay in si ka wanaagsan sidii kuwii hore ay u dhici doonto. Waxa kale oo uu ka codsaday in dawladda Ingiriisku xooga saarto sidii Caalamka culays loogu saari lahaa, Ictiraaf buuxana loo siin lahaa Somaliland.

Intaa ka dib, waxa isna madashaa ka hadlay  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, wuxuuna dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay sida ay weftigooda u qaabishay, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaanada England ee u ololeeya qaddiyada madaxbanaanida Somaliland. Warbixintaa weftiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Wakiilladu u jeediyay aqalka Baarlamaanka Britain ka dib, waxa hadal kooban halkaa ka jeediyay Xildhibaan Allen Michael oo ahna German and Secretary of all party Parliamentary Group, mahadnaq uu weftiga ugu jeediyay siday warbixinta u siiyeen ka sokow, waxa uu sheegay inay ka warqabaan sidii Diiwaangelintu u dhacday oo uu amaanay. Mr Michael waxa oo uu sheegay inuu rajaynayo in doorashada Madaxtooyada Somaliland si fiican u dhacdo, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay in dhowaan la filayo in Madaxweyne Rayaale socdaal ku tego Ingiriiska. Xildhibaan Allen Michael waxa uu weftiga ugu hambalyeey in Somaliland xubin ka noqotay Midowga Baarlamaanada Caalamiga ah (International parlimentry union), wuxuuna weftiga gudoonsiiyay buugaag ku saabsan horumarka Somaliland ku talaabsatay.

Source: Qarannews

 

 

Qaar ka mid ah Culimada

Hargeysa oo ka hadlay xiisada Ceel-bardaale

“Xukun aan Cadaalad lagu gelini waa xukun-qarqoosh oo waxba ma daweeyo”

Sheekh Xassan Cabdisalaam

Hargeysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah Culimada magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay xiisada ka taagan deegaanka Ceel-berdaale oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki.

Culimadan oo shalay galab shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay baaq nabadeed u jeediyeen dhinacyada xiisadu u dhexayso, waxayna faahfaahin ka bixiyeen qaabka ugu haboon ee ay u arkaan in lagu demin karo colaadaas oo u dhexaysa laba beelood oo halkaas wada dega. Ugu horayn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in cid waliba doorka ay ku leedahay ka qaadato sidii loo afjari lahaa colaadaas. “Waa Fidno, runtiina Fidnadu aad bay u dhib badan tahay oo waxa la yidhaahdaa Daaman la qabto ayay leedahaye, dabo la qabto ma leh, ka hortageedaana waajib ah.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Dirir. Wuxuuna intaa ku daray, “Dabkaa sida loo bakhtiinayo waa waajib saaran umadda Islaamka, waxayna u baahan tahay saddex arrimood oo ah; in laga dedaalo, daacadnimo jirto, Diin-na lagu daweeyo. Markaa saddexdaa arrimood haddii la helo inshaa Allaah arrintaasi way bogsanaysaa. Cid waliba kaalin bay leedahay, cida masuuliyadu saaran tahay ee xilka haysa maalintaa ayuu waajibka u weyni saaran yahay, waana arrimihii loo igmaday. Sidaa darteed, inay iyagu (dawladdu) hormuud ka noqdaan waa waajib saaran oo Illaahay iyo umadduba kala xisaabtamayaan.” Wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in dawladdu dhamaynta xiisadaas la kaashato qaybaha kale ee bulshada, sida Salaadiinta, ganacsatada iyo Culimada Diinta.

Sheekh Yuusuf Aadan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka waramay waxyaabaha Diinta Islaamku ka qabto in qof Islaam ahi dilo mid la mid ah, taasoo uu tilmaamay in Illaahay xaaraantinimeeyay. Isla markaana cidda fulisa iyo ka garab ku siiya intaba inay Naarta ku mutaysanayaan. “Xukuumadda waxaan leeyahay arrintaa deminteeda haw yaraysanina oo masuuliyadeeda qaada. Waa in dadkaa sidii loo kala dhex gali lahaa, loo kala hor joogsan lahaa ee qofka loo taag-waayo loo edbin lahaa in aydaan ka gaabsane laga shaqeeyo. Markaa haddaad ka gaabisaan Ilaahay agtiisa maalinta Yawmal-qiyaamaha waa laydin su’aalayaa, umadduna way idin kula xisaabtamaysaa,” ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Aadan-gurey. Wuxuuna odayaasha dhinacyada dagaalamay, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Madaxdhaqameedka Somaliland u soo jeediyay in laga shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa, loona soo afjari lahaa colaadaas. Waxa uu sheegay in arrintani aanay u baahnayn keliya in la dejiyo xaaladda colaadeed ee haatan ka soo cusboonaatay, balse loo baahan yahay in guud ahaan la soo afjaro muran-dhuleedka ay salka ku hayso, taasoo uu xusay inay muddo dheer soo taxnayd. “Waxay u baahan tahay in xukun adag oo laysku soo noqonin meeshaa laga gaadho,” ayuu yidhi. Sidoo kale, Sheekh Xassan Cabdisalaan iyo Sheekh Maxamed Cali-gadhle oo iyana halkaas ka hadlay, waxay sheegeen in loo baahan yahay in suulinta dirirta labada dhinac ee ku muransan deegaanka u dhexeeya Gabiley iyo Baki oo dhul beereed u badan, xukunkooda loo raaco Diinta Islaamka. “Xukun aan Cadaalad lagu gelini waa xukun-qarqoosh oo waxba ma daweeyo.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Xassan Cabdisalaan, wuxuuna intaa raaciyay, “Arrintaa dawadeeda haddii la doonayo Diinta Illaahay bay ku jirtaa.” Guud ahaan xubnahan Culimada ahi waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan sidii loo dhamayn lahaa xiisada deegaanka Galbeed.

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cabdi, Sheekh Khaliil Cabdillaahi iyo Sheekh Maxamed Macalin Cabdi (Carab) ayaa ka mid ahaa Culimadaa reer Hargeysa ee baaqa nabadeed jeediyay.

 

Xaaji Cabdi-Waraabe oo talo nabadeed jeediyey

“Muranka (Gabiley iyo Baki) Guurtidu

hore ayay u dhamaysay, waxaase soo celiyey…”

Hargeysa (Ogaal) – Gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in Golaha Guurtidu hore go’aamo uga soo saarey muranka deegaan u dhexeeya Baki iyo Gabiley oo todobaadkan mar kale shaqaaqo ka aloosantay. Islamarkaana waxa uu sheegay in arrintaas deminteeda haatan lagu hawllan-yahay.

Xaaji Cabdi-kariin oo shalay u waramay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacada codka Maraykanka ee VOA, waxa uu Golaha guurtida ka fogeeyay inay wax eed ah ku leeyihiin, jiitanka arrintan, waxaana uu ku dooday in arrintaas hore go’aamo looga soo saaray. “Guurtidu arrinkaa hore ayay u dhameysay.. Waxa soo celiyay Ilaahay Xukunkiisa iyo dadka shicibka ah ee kala hagaagi waayey.” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdi, waxaana uu intaa ku daray oo uu kaga jawaabey su’aal laga weydiiyay in arrinka ay ku dhameeyeen ahaa gar madaxsalaax iyo muslax ah ee aan ahayn Xukun oo uu yidhi. “Maya, waxa lagu dhameeyey Xukun baa lagu dhameeyey… Maaha arrinta la isku hayaa arrin siyaasadeed intaan ogahay ee waxa la isku hayaa goob yar oo aan badneyn ayaa la isku hayaa….” Sidaas ayuu yidhi.

Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in waqtigan Ciidamo kala duwan, saraakiil Xukuumada ka socda iyo Guurtiduba ku hawlan-yihiin sidii arrintan loo soo af-jari lahaa. Waxaana uu tilmaamay in muranka arrintani muddo dheer soo jiitameyay, Islamarkaana waxa uu ka gaabsadey inuu sheego goobta la isku hayaa dhinaca ay raacsantahay labada Degmo ee Gabiley iyo Baki. “Su’aashaas jawaabteeda ma lihi oo waxa go’aanka leh Xukaamta.”Ayuu yidhi.

Xaaji Cabdi waxa la weydiiyay in weerarka todobaadkan dadku ku dhinteen uu ahaa mid ka yimi meel ka baxsan deegaanka,  waxaana uu kaga jawaabey oo uu yidhi. “Waxay illa tahay, inaan cidi dibada kaga iman ee ay dadka meesha wadda degan uun ahaayeen.”  “Waxaan filayaa inay si wanaagsan ku dhamaaneyso arrintani”Ayuu raaciyey.

 Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in aanu war ka hayn in ilaa hadda falka ugu danbeeyay ee dhacay cid loo xidhay iyo in kale, hase ahaatee, waxa uu u soo jeediyay dadka walaalaha ah ee deegaankaasi inay dantooda Gartaan, Islamarkaan hanaan nabadeed iyo wadda hadal lagu dhameeyo arrinka.

Dhinaca kale, Shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay inuu 15 xubnood oo ka tirsan Golahaa u magacaabay dhexdhexaadinta iyo deminta xiisada deegaanka Ceel-bardaale. Sida uu xalay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan, ahna xubin ka tirsan Golaha Guurtida, 8 xubnood oo ka mid ah ergada Guurtida ayaa xalay ku hoyday degmada Gabiley, isla markaana la filayo in xubnaha ka dhimani maanta gaadhaan halkaas. Sul. Ismaaciil waxa uu sheegay in marka ergadu isu soo dhamaato ay gudo geli doonaan hawshooda dejinta xiisada deegaankaas oo u dhexaysa laba beelood oo halkaas wada dega. Wuxuuna bulshada iyo wax-garadka ku dhaqan halkaas ugu baaqay inay ergada Guurtida hawshooda gacan ku siiyaan, si loo soo afjaro arrintaas. Golaha Guurtida ayaa hore go’aan uga gaadhay muran-dhuleedka deegaankaas labada dhinac isku hayaan oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki, kaasoo sida la sheegay aan ka dhaqangelin dhinaca Xukuumadda, iyadoo dagaal salka ku haya muranka deegaankaas oo dhul-beereed u badani uu doraad dhexmaray labada dhinac, kaasoo laba qof ku dhinteen, sideed kalena ku dhaawacmeen.

 

Hargeysa: Xisbiga UCID oo Xaflad soo

dhawayn ah u sameeyay taageerayaal ku biiray

Hargeysa (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyay inka badan kun qof oo ah taageerayaal cusub oo ku biiray.

Xafladan oo lagu qabtay Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID. Mr Sayid Cumar oo ah Guddoomiyaha Dallada SOPYO oo ay ku midoobeen sideed urur oo ka mid ah ururada bulshada ee ka jira degmooyinka caasimada Hargeysa, ayaa ka waramay sababta keenay u digo-rogashadooda xisbiga UCID. Waxaanu sheegay in 1228 qof oo xubno ka ah sideedaa urur ay markii hore ka tirsanaayeen xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, balse ay go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga UCID. Mr Sayid Cumar waxa uu tilmaamay in SOPYO ururada hoostagaa isugu jiraan ururo Dhalinyaro iyo qaar haween intaba, waxaanu balanqaaday in ururadaas oo ay sida uu xusay xubno ka yihiin inka badan kun, ay hadda laga bilaabo si buuxda ula shaqaynayaan xisbiga UCID. Masuuliyiin ku hadlayay magaca garabada Dhalinyarada iyo Haweenka ee xisbiga UCID, gaar ahaan gobolka Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyay siday ay ugu faraxsan yihiin taageerayaashan ku biiray, waxayna sheegeen inay soo dhawaynayaan. “Waxaan Dhalinyarada iyo Haweenkan u sheegayaa inuu xisbiga UCID ku hawlanyahay ka shaqaynta mustaqbalkiina, waana ku mahadsantiin ku ku soo biirista Xisbiga UCID.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbigaas Maxamuud Cali Jiir oo munaaasibadaas ka hadlay. Guddoomiyaha Waqooyiga Ameerika ee xisbiga UCID Keyse Cali Geedi oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, waxa uu ka waramay barnaamijka siyaasaddeed ee xisbigooda. “Annagu dalka uma aanu iman in aanu ka shaqaysano lacag oo kiishash umaanu soo tolan….Dadka xisbiga UCID aasaasay ama taladeeda hayaa waa dad lacag haysta oo doonayn inay lacag ka shaqaystaan, laakiin waxay doonayaan inay horumariyaan,” ayuu yidhi Keyse Cali Geedi.

Afhayeenka, ahna Kusimaha Guddoomiyaha xisbiga Xassan Xusseen (Codyare) oo gebogebadii munaaasibadaa ka hadlay, ayaa eedayn u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Isla markaana waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay inay hagratay wax-ka-qabashada muran-dhuleedka haatan xiisadu ka taagan tahay ee deegaanka Galbeed. “Deegaankaa waxa ka soo jeeda qaar ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda ugu sareeya…Markaa waxaan qabaa lama dhamayn kari waayine, in Xukuumaddu hagratay wax ka qabashada xiisadaas iyo inay soo afjarto murankaas oo muddo dheer soo taxnaa,” ayuu yidhi Afhayeenku.

 

 

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku le’day Saxaaraha Liibiya

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – In ka badan 25  qof oo Soomaali ah iyo laba Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay saxaraha dalka Liibya, kuwaasoo damacsanaa inay dalkaas qaab tahriib ah uga sii gudbaan dalalka Yurub, waxaana sidoo kale ku dhawaacmay shilkaas 80-qof oo qaarkood uu burburay maduxu.

Khasaarahan dadka badan wax-yeeladu ka soo gaadhaya ayaa ka yimi ka dib markii Baabuur kuwa Tahriibka qaada ah oo ay ku socdaalayeen Rakaab ka badan 120 qof oo isugu jira Soomaali Iyo Itoobiyaan uu ka dhacay meel dalow ah. (Jar). Laba ka mid ah dadka ku dhaawacmay oo xaaladoodu u muuqato mid sahlan marka loo eego dadka kale ee ku weheliyay Safarkan Biimaha ah ayaa saxaafada u sheegay in Shilku dhacay maalmihii aynu soo dhaafney,  Feb.25 keedii.  “Dadka dhintay 25-qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dhallinyaro Soomaali ah, halka labada kalena Ethiopia u dhasheen,… dadka dhaawacmayna waxay u badnaayeen Soomaali sidoo kale,… waxayna dadku ka burbureen dhabarka iyo madaxa” ayay yidhaahdeen gabadh iyo wiil Soomaali ah oo dhaawacyo fududi shilkan ka soo gaadhey.

Labadan qof waxa ay ku tilmaameen in Dirwalka waday gaadhiga Tahriibinayey uu maandooriye Isticmaaley, Islamarkaana uu ka tuuray Jar dheer. Kaasoo sababay in Baabuurku ku dhawaad Lix jeer is rog-rogo, inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayna ay waxyeeladu ka soo gaadhay foostooyin ay ka buuxeen shidaal iyo biyo sahay ahaan loogu tala-galay.

Booliiska dalka Libya ayaa warku sheegay inay u fidiyeen gargaar dadkaas 12-saacadood ka dib markii uu shilku dhacay, waxayna labadan qof ay xaqiijiyen in dadka qaarkood ay u dhinteen gargaar la’aan; maadaama meeshu tahay saxaro Cidlo ah.

Dhibanayaashan ayaa ka dayrinaya xaalada Cusbitaalka la dhigay, kaasoo u muuqda sida ay sheegeen mid aan qaadi karrin dhaawacyada intaa leeg ee lagu ururiyay, Islamarkaana aaney oolin daawooyin. Tahriibayaashan ayaa damacsanaa inay uga sii gudbaan dalka Liibya dalalka Reer galbeedka, gaar ahaan dalka Talyaaniga, halkaasoo sanadihii ugu dambeeyay-ba noqday jidka Kumanyaal Soomaali ah oo qaab biimo iyo indha adeyg ah u beegsada dalalka reer Yurub.

 

 

Midawga Suxufiyiinta Somaliland oo Xukuumada ka

codsaday in Xoriyadiisa loo soo celiyo Tifaftiraha Wargeyska Yool 

Hargeysa (Ogaal)- Midawga Suxufiyiinta Somaliland ayaa Xukuumadda ugu baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad oo doraad Boolisku xabsiga u taxaabeen.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu xalay soo saaray Guddoomiyaha USJ Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in Suxufiyiinta lagu ixtiraamo mihnadooda. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan; “Midawga Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland USJ waxa uu ugu baaqayaa xukuumada in xoriyadiisa loo soo celiyo Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), ee ka soo baxa Hargeysa, oo maalintii afraad ku xidhan xarunta CID-da ee Hargeysa, kaas oo aan la sheegin sababta keliftay xadhigiisa.

Mar kale waxa uu midawga saxaafada madaxabanaan ee Somaliland ugu baaqayaa xukuumada in Suxufiiyinta iyo saxaafada lagu ixtiraamo mixnadooda, hadii ay dambi galeena loo maro sida sharciga ah.”

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.