Tifaftiraha Wargeyska Yool Oo Xidhan Maxkamad La’aan Maalintii 4aad

Hargays (Somaliland.org)- Maxkamada gobolka Hargaysa ayaa maanta dib u dhigtay dhagaysiga dacwad loo haysto tafatiraha wargayska Yool oo ka soo baxa magaalada Hargaysa Maxamed Cabdi Curad oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.

Saxafigan ayaa xidhan maalintii saddexaad iyada oo aan illaa hadda la ogayn sababta xadhigiisa.

Suxufigan oo markii hore laga hawl galay sidii damiin loogu sii dayn lahaa inta ay keenayaan cadaymaha waxyaabaha ay ku hastaan, ayaa maxkamaddu ay sheegtay in xeer ilaalinta guud ay berri hor keeni doonto dacwaddiisa Maxkamadda Gobolka, sidaasi darteedna ay maxkamaddu diiday in maanta damiin lagu sii daayo

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.