Golaha Wakiillada Oo La Filayo In Berri La Horkeeno Miisaaniyadda 2009

Hargays (Somaliland.org)- Kalfadhigii Golaha Wakiilada oo maatna ku eekaa ayaa muddo bil ah kalfadhigan dhamaaday lagu daray, kadib markii Wasiirka Maaliyada Somaliland Cawil Cali Ducaale uu golaha soo ogaysiiyay in maalinta Axada oo berri ah uu golaha hor keenayo miisaaniyada qaranka ee 2009, oo sharciyan ahayd in xukuumaddu ay miisaaniyadda hor keenta bishii October ee sannadkii la soo dhaafay ee 2008.

Kalfadhigan golaha Wakiillada oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu goluhu cod aqlabiyad ah uu isku raacay in muddo bil ah oo hawlaha qaranka uu ugu adeegayo in lagu daro kalfadhigan dhamaaday.

Golaha wakiiladda ayaa la filayaa in wasaaradda maaliyada ay ka dhagaystaan warbixinta miisaaniyadda qaranka ee 2009, oo wasiirka maaliyaddu uu sheegay in ay berri golaha keenayaan, kadib golaha ayaa ka doodi doona miisaaniyaddan, si ay u ansixiyaan ama u diidaan haddii miisaaniyadan aan lagu soo salayn ilaha dhaqaalaha iyo guud ahaanba hantida ummada, oo horeba xukuumadda loogu eedeeyay in ay hanti badan oo ummadeed aanay ku soo darin miisaaniyadda qaranka.

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.