Xukuumadda Madaxwayne Riyaale Oo Abaabulaysa Shir-beeleed Taageero Loogu Raadinayo Xisbiga UDUB

Hargaysa (Somaliland.org)-  Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno wasiiro ah oo xukuumada madaxwayne Riyaale ka tirsan ayaa shalay tuulada Laalays oo u dhaxaysa magaalooyinka Berbera iyo Sheekh kaga qayb galay xaflad xukuumaddu halkaas ugu qabatay koox isugu jirta Cuqaal iyo Odayaal oo ka soo jeeda qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan deegaanada gobolada Saaxil iyo Togdheer.

Xafladaasi oo qabanqaabadeeda xukuumadu baryahanba ku hawlanayd ayaa la sheegay in ujeedadu tahay si odayaasha iyo cuqaasha xafladda loo qabtay ay u beeniyaan odayaasha, waxgaradka, nabadoonada iyo dhalinyarada deegaanada Saaxil oo hore u sheegay in ay ku biireen xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE oo dhawaan xaflad soo dhawayn ah xisbigaasi ugu qabtay magaalada Hargaysa.

Xafladan shalay lagu qabtay tuulada Laalays waxa ka qayb galay masuuliyiinta xukuumadda ee gobolka Saaxil oo ay mid yihiin Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhwayne, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxoor iyo maamulka goboka Saaxil, waxaanad moodaa in xukuumaddu abaabulayso shir beeleed taageero loogu raadinayo xisbiga UDUB.

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.