Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Hargaysa (Somaliland.org)- Saddex ruux ayaa ku geeriyooday afar kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad hubaysan oo shalay laba beelood ku dhex maray meesha lagu magacaabo Cagaare oo 60 km koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Warkaasi oo aanu ka helnay dad goobjoog ah oo ku sugan deegaankaasi waxa uu intaa ku daray in dadkii shaqaaqadaas ku dhaawacmay gelinkii dambe ee shalay la keenay tuulada Saaxdheer oo 40 Km u jirta magaalada Laascaanood, halkaasi oo la filayo in looga soo gudbiyo dhinaca magaalada Laascaanood.

Labada beelood ee dagaalku u dhexeeyo oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda Somaliland iyo Puntland ayaa in muddo ahba waxaa ka dhex taagnaa khilaaf dhinaca dhulka ah, kaas oo sababay in dhawr jeer ooh ore deegaanadaas dagaal ku dhex maro, mana jiro wax tallaabo ah oo xukuumadda Somaliland ka qaaday shaqaaqadan soo noqnoqonaysa ee ka aloosan qaybo dalkeeda ka mid ah.

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.