Kulan Ballaadhan oo UCID ugu Diyaargaroobayey Doorashooyinka oo Burco lagu Qabtay

Burco (Somaliland.Org)- Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen garabyada dhallinyarada iyo haweenka ee xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer, ayaa shalay lagu qabtay Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco. Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga iyo martisharaf tiro badan, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii taageerayaasha UCID loogu baraarujin lahaa diyaargarowga doorashada madaxtooyada ee la soo socota.

Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Mr. Cismaan Afgaab Nuur oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in munaasibaddan loogu talogalay u diyaargarowga doorashada madaxweynaha iyo in aanay jirin dadka ka baxay xisbigooda oo ku biiray UDUB, garabyada xisbigiisa ee reer Togdheerna yihiin kuwo kaalin firfircoon kaga jira hawlaha maamulka UCID, balse ay jiraan shaqsiyaad iskood isaga tagay oo aan wax saamayn ah ku yeelan habsami-u socodka hawlaha xisbiga. Waxa kaloo Cismaan Afgaab xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn qabashada doorashada Madaxtooyada, isuna diyaarinayso muddo-kordhin, taas oo uu ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn, waxaannu golayaasha Wakiillada iyo Guurtida u soo jeediyay in ay ku shaqeeyaan garasho saliim ah oo ku salaysan danta dalka. “Xukuumaddani waxay shaki ku abuurtay deeqbixiyayaasha, Komishankii ilaa hadda ma keenin Sever-kii lagu kala saari lahaa diiwaangalinta, miisaaniyaddii sannadka lama horgeyn Golaha Wakiillada, markaad arrimahaas oo dhan eegtana waxay muujinayaan in dawladdu doonayso muddo-kordhin kale. Xukuumaddan maxlalka ah marka la gaadho dhamaadka wakhtigeeda waa in aan loo kordhin ee xilka loo dhiibaa cid ummadda gaadhsiisa doorashada,” ayuu yidhi Mr. afgaab.

Mr. Axmed Maxamuud Aadan oo ah Guddoomiyaha dhallinyarada ee Togdheer ee UCID ayaa dhalinyarada xisbigiisa ugu baaqay inay noqdaan kuwo isku xidhan oo naf iyo maalba u hura xisbigooda, isla markaana ka fogaataan qabyalada iyo balwadaha, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maadaama siyaasadda xisbiga ee ku wajahan dhallinyaradu tahay mid si cad u ballanqaaday horumarinta iyo kor-u-qaadista aqoontooda, sidaa darteed waa in aynu kaalin firfircoon ka qaadanaa hawlaha xisbiga, hadafka dhallinyaraduna waa ka qaybgalidda siyaasadda dalka, xisbiga UCID-na waa ka kali ah ee barnaamijkiisa siyaasadeed ku caddeeyey arrimahaas.” Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID ee Gobolka Togdheer Marwo Sahra Cali, ayaa dhallinyarada ku baraarujisay in isweydiiyaan waxa dawladnimadu tahay, “Ma mid danta ummadda ka shaqaysa, mised danaheeda ka xoogsata, balse dawladnimadu dhabta ah waxay tahay ta bulshadeeda u adeegta kuna dhaqanta caddaaladda. Habeen dhaweyd waxaan Cable TV ka daawanayay wasiir leh, kuwii dhinacoodu dhulka bartay waa la yaqaan, haseyeeshee waxan leeyahay ciddii Ilaahay u qoray ayaa guulaysanaysa ee adigu garo wixii laguu igmaday oo ka soo bax xilkii wasaaraddaada,” ayey tidhi Marwo Sahra Cali. Shugri Maxamed Cige oo ka mida garabka haweenka ee UCID, ayaa iyana sheegtay in dhallinyarada looga baahanyahay inay ku fekeraan siday wax u qabsan lahaayeen ee horumar u hiigsan lahaayeen, “Waa in bulshadu si fiican u fahanto in dawladnimadu tahay dadweynaha, sidaa darteed lala xisaabtamo ciddii ay xilka u igmadeen. Wakhtigani waa wakhtigii dhallinyarada ee ka fekera mustaqbalkiina oo aynu la xisaabtano kuwaynu dooranayn,” ayey tidhi Marwo Shugri.

Waxa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay Siciid Raage, Axmed Muuse Ismaaciil oo ka tirsan ah hawlawadeenada UCID ee Gobolka Togdheer iyo Liibaan Axmed Bile oo ka mid ah martisharafti lagu casuumay xafladda. Munaasibaddan oo ay soo agaasimeen masuuliyiinta xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer, ayaa noqonaysa tii u horreysay nooceeda ee lagu qabto magaalada Burco, iyada oo ay foodda innagu soo hayaan doorashoyinkii Somaliland .

Kayse Axmed Digaale
Somaliland.Org
Burco, Somaliland

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.