Bayaan – waxgaradka Beesha Muse Cabdalle (Habar yonis) London

Anagoo ah aqoonyahano iyo Waxgarad Beesha Muse Cabdalle (Habar-Yonis) ee qurba joogta ah, waxaanu halkan ku naqdiyaynaa qoraal been abuura oo soo noqnoqonaya oo lagu faafiyay qaar ka mid ah Shabakadaha internetka.

Qoraalkaasi oo nuxurkiisu ahaa, mid lagu marin habaabinayo taageerada beesha Muuse Cabadala dad u dhashay ay siiyeen xisbiga KULMIYE, shirkii lagu qabtay Berbera ee bishan badhtankeeda.

Waxaanu halkan ku caddeynaynaa in aanay waxba ka jirin bayaankaasi lagu saxeexay magacyada tirade badan, kuwaas oo magacyadayada lagu daray oo la yidhi waxa ay taageersan yihiin xisbiga UDUB.

Haddaba waxa wax lala yaabo ah, in iyada oo aan nala la waydiin cidda aanu taageersanyahay, in been nalaga sheego, waxayna ahayd in nalawaydiiyo bal in aan taageersanahay UDUB ama xisbi kale , cidina xaq umalaha in mowqifkayaga siyaasadeed in ay ka been sheegaan.

Waxaana xusid mudan in ay beryahanba socdeen dhaqdhaqaaqyo dad badan oo beesha ka tirsani ay u janjeedhsameen xisbiga KULMIYE, dadkuna xaqbay u leeyihiin in ay taageeraan xisbigii ay door bidaan ee ay dantooda ka dhex arkaan. Sidaana waxa ina baraya nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, dadkana cidda istidhaahda ka dafira xaqooda siyaasadeedna maalinta codbixinta ayay ariki doonaan dhabtu waxa ay tahay.

Xildhibaanada beesha Muuse Cabdalle waxa ay metelaan dadka soo doortay oo anaga ah, kalsooni buuxda ayaana lagu qabaa saddexda xildhibaan ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo xisbiyo kala duwan ka soo jeeda, oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland, oo uu ku jiro xildhibaan Duur.
Haddaanu nahay wax garadka iyo aqooyahanada beesha Muuse Cabdalle, waxa aanu leenahay waxa afka beesha ku hadli kara oo kaliya Suldaanka beesha, cuqaashana waxa aan uga digaynaa in aanay dhexgelin siyaasadda, taas oo ah wax xeer ah, kuna ekaadaan shaqada ay beesha u hayaan ee caaqilnimo haddi kale ma noqon karaan cuqaal.

Sidoo kale waxaanu saxaafada madax banaana uga digeynaa in ay faafiyaan warar been abuura oo aan sal iyo raadtoona lahayn, taasi oo meel ka dhac ku ah xorriyada qofka, waxaanuna ku gubaabinayaa in ay dhexdhexaad ka noqdaan dabaylaha siyaasadeysan, ee aan meel ku lahayn diinteena Islaamka oo ina faraysa in aynu run sheeg noqono.

Siyaasiinta beesha ee la doortay waa in ay hawshooda ku saleeyaan, danta ummadda Somaliland, iyo ta dadka soo doortay, aanay ka baqin wax cabudin ah, meesha ay doonto ha ka timaado eh.

Mohamed Yassin HASSAN, PhD

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.