Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Albaabada Isu Xidhay

Hargaysa (Somalioland.org)- Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa maanta fadhi albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay xarunta golaha Guurtida.

Fadhigan oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn lana sheegin arrimihii lagaga wada hadlayay. Hase ahaatee warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw aqalka odayaasha ayaa waxa ay tilmaameen in fadhigan maantu ka mid ahaa fadhiyo turxaan bixin ah oo maalmahan dambe u socday xildhibaanada Golaha Guurtida oo dhawaan khilaaf xoogani golahooda soo kala dhex galay, kadib markiii xildhibaano ka mid ah golahaasi soo abaabuleen Mooshin maamuus ka xayuubin ah oo xilka lagaga qaadayo guddoomiyaha golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, mooshinkaasi oo markii dambe fashilmay.

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.