Waxay soomaalidu tidhaahdaa Somalidu been waa sheegtaa ee been ma maahmaahdo,

Jawaabtii maqaalkii lagu magcaabay garnaqsi ee la soo geliyey qarannews 22/2/2009

Salaanta Islaamka ka dib , aniga oo og in aan beeshu qorin maqaalkaas ayna shaqsiyo soo geliyeen shabakada qarannews ee u adeegta xukuumada Riyaale, ogna in go’aankii ay beeshu ka qaadatay Cismaan uu sidiisii yahay, hadana maadaama kelmada la isticmaalay ay tahay kelmad hufan oo garnaqsi dad badana laga yaabo in maqaalkan ay aqriyaan runa moodaan iyaga oo aan war ka hayn halka Cismaan uu ku waayey milgihii Boqornimo ayaan waxaan rabaa in umada reer Somaliland aan u cadeeyo doodan ku soo noqnoqatay mareegooyinka reer S/land meesha ay wax ka xun yihiin iyo waxa ninkan ka dhigay tuke baalcad ilayn oday dhaqan kale oo xilkii laga qaaday oo la hadal haayaa ma jiree.

Waxay soomaalidu tidhaahdaa Somalidu been waa sheegtaa ee been ma maahmaahdo, Horaa loo yidhi nina caadadii ma baajiyo bahalna ceydhiinka ma daayo, wax kastoo aynu ku murano CISMAAN WAA CISMAAN WAANA DILAAL EE BOQOR MAAHAN CIDNA KAMA QAADIN EE ISAGAA DILAALNIMADA KA DOORBIDAY. Sikastaba ha ahaatee bal garnaqsi aan idinla baaciyo sidaynu isla qirsanahay

Beeshu wuu u ahaan jiray boqor weyna dooratay in kastoo siduu ku yimi la, oogaa taa ku noqon maayee waxaa loo diray inuu beesha guurti u noqdo kuna metelo arimaha dhaqanka, waxaa kaloo la yidhi cafulllaahi camaa selef sidii afduubkii Xaaji juujuule iyo wixii la mid ah, illayn nina caadadii ma baajiyo bahalna ceedhiinka madaayee, cismaan Sadanadi waxay noqotay mid uu ku dillaalo Ethiopia, Puntland, Somalia, Iyo Somaliland, hadaanu nahay aqoonyahanka Beesha waxaanu mari kari weyney wadooyinkii dunida iyada oo marwalba ashkato naloo hasto, maantana tanuu yidhi Qabiil Soomaliyeed oo aanu maanta Cismaan godob kaga jirin waa yaryahay, anaga oo yaaban oo umadiba yaaban tahay ayuu Cismaan ka dib markii uu kasoo baxay Shirkii Garadag waxa uu idaacada BBC si cad oo badheedh ah ku tilmaamay ergooyinkii beelaha H/jeclo in ay yihiin qaran dumis meesha ugu shiraya in ay Dalka dagaal ka ridaan waa marag madoonto oo waa duuban yahay hadalkaas taariikhiga ah, waxaa taa dheer in Cismaan yidhi waa in lagu duulaa oo uu ciidamo weydiistay S/land lagana diiday, Illayn rag talo kama dhamaatee hadaba adaanba kuu dhiibaye gartiiye Boqor ma ku duulaa reerkiisa oo dhiigooda ma banaystaa?

Cismaan waxa uu maaganaa maalintaa Alle ayaa umadaas ka badbaadiyey, hadii taladiisa lagu guuri lahaa meeshaas waxaa ka dhici lahaa dhiig iyo dulmi ee hadaaqiisii cidna kama hoos qaadin.

Waxaad kaloo iiga garowdaa Cismaan miyaynu u dirsanay inuu Ethiopia iyo Somalia wax u kala iibiyo ama war u kala qaado? mise waxaynu u dirsanay in uu kala doorto musharixiinta S/land ? Cismaan miyaynu u dirsanay in uu xaaska C/llaahi yuusuf kusoo dhoweeyo Abudhabai taasna waa tii TV Universal laga daawaday Boqor dhaqmeed S/land oo soo dhoweynaya haweenay uu qabo Madaxweyne Puntland miyaanay aqso iyo ceeb ku ahayn karaamada Reer Somaliland? ilayn ninweyn siduu wax u ogyahay uma sheegee inta anaan halkan ku soo bandhigayn ayaa badan haday sii socoto doodan way iska iman, hadii aynaan is yeelyeelayn Cismaan waa nin Siyaasi ah , laakiin Dhaqan iyo Cimaamad ma qaadi karo, waana ka tashaday reerka H/J gaar ahaan Bare Adarahmaan markaa lax waliba shilka ay is dhigtaa lagu gawracaaye haw damqanin ninka xalaalaystay dhiiga walaalihii kuna sheegay qaran dumis si loo dabar tiro. Waa maxayse xigmada ku jirta in uu u kala guro beelaha H/j oo uu faquuqo beesha Muse Abokor si uu u dilaalo.

Malihin anagu Axmed Siilaanyo , Faysal iyo Riyaale toona raac laakiin wuu magaranwaayey dhex u noqo tartamayaasha, Walaal Cimaamada dhaqanka waxay leedahay milge, dhaqan, iyo adaab, Waxaad ogtihiin Suldaankii Beesha Suldaan Maxamed Cabdi Cali wuxuu geeriyooday iyada oo Cimaamadii loo dhiibay ay cadahay, Alle janadii ha geeyee habeen meel xun muu dhigin, waxaad ogtihiin wuxuu dhintay godob la’aan wuuna inoo dardaarmay, halka Cismaan maalin kasta godob siyaasadeed inoo soo hoynayo, waxaan anigu idinka idun kula talin lahaa Alle ka cabsada oo Cismaan isaga hadha , Umada reer S/landna waa ooga digayaa mixnidaha muuqda ee cismaan aw-Maxamuud leeyahay iyo kuwa qarsoon, Reeraha lasoo qaaday Sida Beelweynta H/J iyo Yoonis Adarahmaan cimaamad qaata hana ka jawaabina maqaalkan waa naqaanaa Suldaanka inaga dhexeeyaa waa Suldaan Cllaahi Suldaan Cali waa nin karaamo leh.

Cismaan waxaan leeyahay walaal siyaasi noqo taasay kuugu badaniysaaye ee ka quuso Boqornimo ceel baad ku ridaye.

Odoyaasha madaxda qaranka Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan iyo Gud Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamuud Maxamed Siilaanyo waxaan sidoo kale ka siinaynaa xaal gole joog ah aflagaadada joogtada ee uu ku hayo Cismaan Aw-Maxamuud , waana madax qaran ee in ay sabir u yeshan ninkaa maanta Odeydhaqameednimadii ka jeclaaday in uu siyaasada dilaalo .

Garnaqsi waxaan ku soo afxidhay ninkii jiray wuxuu yidhi inaan waalanahay waxaan ku ogaaday dadka oo dhan baa isoo eegayey, waar maxaa cismaan ka dhigay tuke baalcad, mase garanaysaan nin beeshiise gude iyo debed inay shirtay ay kalsoonidii dhaqan kala noqotay oo kale, taariikhda Somalida waa ninkii 1aad.

Nimaan quusta aqoon isaga ayaa quus ah, raga ku riyoonayow ka samra Sadanad ninkaas reer ku metelo.

Maxamuud Raage Ibrahim

Birmingham

UK

This entry was posted in Other. Bookmark the permalink.

Comments are closed.